Home 

Maxamed Cumar Dage

The largest online collection of Somali poetry

Geelayaga Foofay
Digasho
Ooda Jabiyeene
Murdud Reebe
Mashaqo Weyn
Caytaaris WWII
Rukni Dhexe WWII
Ingiriis Qabxume WWII
Beerqaad WWII
Gataatac
Hanna Sheeganina
Damane
Celi Kalaamkeeda
Suuro Gooni ah
Wacdi
Noo soo dir intaad hayso
 

 

 
 

Wax lala yaabo ma aha haddii nin abwaan ahi uu ka gabyo waxyaalo aad uga fog garaadka iyo garashada bulshada uu markaa iyada ah ku dhex nool yahay; waxaasi ha ahaado wax taariikhi ah oo dunida dacal kamid oo aad ugu fog degaanka ay ku nool yihiin abwaanka iyo dadkiisuba ka dhacay, ha ahaado wax markaa dhacaya oon wali dhamaan sidda uu ku danbayn doonana ay adag tahay in la saadaaliyo, amaba ha ahaado wax uu abwaanku naf ahaantiisu abuuray oo ah wax maskaxdiisa iyo hal- abuurkiisa kasoo burqaday xidhiidh toos ahna aan la lahayn dhacdo ama taariikh hore.  Maxaa yeelay abwaanka Eebe ayaa kor ahaayee wuxuu ku manaystay fahmo iyo fiiro dheeri ah oo aan dadka caadiga ahi lahayn.     

Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyee Maxamed Cumar Dage wuxuu ahaa abwaan aad u aragti dheer oo meel aan abwaanada kale badankoodu wax ka arkin wax ka arki jiray. Aragti dheeridaasi waxay dhaxalsiisay inuu ku yeesho taariikhda suugaanta Soomaaliyeed door iyo martabo ay yar tahay cidda uu magaca abwaanimadu ku yeedhay ee gaadhay martabadaas isaga hortiis iyo gadaashiisba.  Mid kasta oo gabyadiisa ka mid ah haddii aad akhrisid amaba dhagaysatid waxaad arkaysaa aragti dheeridaa oo si cad uga muuqata dhamaantood.

Boggan iyo boggaga kale ee badan ee ku xidhan waxaan si isdaba joog ah ugu soo bandhigi doonaa gabayo badan oo qiimo u saaxiib ah oo uu tiriyey Abwaan Maxamed Cumar Dage.  Waxaa gabayadan ka mid ah saddex gabay oo uu ka tiriyey Dagaalkii Labaad ee Adduunka.  Maxamed wuxuu saddexdan gabayba kaga hadlayaa dagaalkii iyo dirirtii  ka dhexaysay dowladihii reer Yurub ee ku hardamayey awooda dunida  (WWII).  Wuxuu abwaanku odorasayaa oo uu si cad  carabka ugu dhufanayaa  cidda ay asaga la tahay in ay ku dambayn doonto guusha iyo gacan saraynta.  Sidda aad gabayda ka arki doontaan, abwaanku marka uu tirinayo maansadan silsilada ah wuxuu joogay oo uu ku sugnaa dhulka dhaca inta u dhaxaysa Faaf iyo Ciid.  Isagoo halkaa geeliisa ku dhaqanayey ayuu hadana abwaanku si aad u xeel dheer ula socday waxyaalaha aduunka ka dhacaya iyo sababaha keenay labadaba.  Intaa kaliya ma ahee wuxuu awood u yeeshay inuu furfuro oo uu hoos u eego mushkulida jirta kadibna uu aragti dhamaystirin ka dhiibto.

 Haddaba iyadoo aysan gabayadina  sharaxaad badan u baahnayn, taariikhdoodana aad fahmi doontaan kadib markaad akhrisaan ama dhagaysataan gabayada, ayaan haddana waxaan  qaarkood ka hor marin doonaa faalo yar oo kooban oo aan ku jilcinayno munaasabadooda,  waa haddii ay lagama maarmaan noqoto.  Faalada iyo gabayadaba qaarkood waxaa nasoo gaadhsiiyay cajalad uu duubay nin aan magaciisa ka hayno Cabdi oo kali ah. 

Biyose sacabadaada ayaa lagaga dhargaayee maxaa luguugu faalayn Af- Soomaali qayaxan ayey ku qoran yihiin ee adba akhri/dhagayso oo dhadhanso kadibna faaladaada iyo aragtidaadaba nala wadaag.

Mahadsanid.

   

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.