Sayid Maxamed iyo Soomaalidii ka soo Horjeeday keeba Gardaraa
W.Q. Axmed F.
Cali "Idaajaa"
Ingiriiska iyo Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu
dagaalka Sayidka u soo kaxaysatay
waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab ahaa oo
aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa la helayaa dad
badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso raadkii dacaayadda
shisheeyaha iyo wadaaddadii Soomaalida ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula
muransanaa.
Maamulkii gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni
markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin
duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona
aan loo kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey. Ma
ay xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida gardarrada ah
Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay
xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii
ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri jireen. Ma ay xusi jirin inta jeer ee
ay Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u dareen boqollaal nin-door
wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd. Bal si ka-fiirsi leh u akhri
meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo aad dhankiisa ka soo jeesato:
-
Eebbow
geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
-
Waa noo
gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
-
Eebbow Giriig
kolay ku tahay nala gamuunneeye!
-
Go'na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
-
Gabbaad kale
hadday noo helaan waa gam'i lahayne
-
Eebbow waxay
nagu gabreen diinta soo gala e!
-
Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
-
Eebbow gammaan
iyo waxaan gini-cas dhiibaayey
-
Eebbow garow
kagama helin goolashadaan wadaye!
-
Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
-
Eebow waa
gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
-
Eebbow waxay
gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
-
Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e
-
Geydhaale Aw-Aadan
bay galawga taabteene
-
Eebow geesigii
Ina-Dherey ugu guduudsheene
-
Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
-
Gorroska
Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
-
Eebbow ways
gamaamaa markuu gaarka soo maro e!
Meerisyadaas
aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid
ka mid ah. Waa gabayga 'Gudban' amase
'Gaalo-leged'
lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin
karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo
hammigii hoggaamiyahooda. Waa meerisyo tusaale kaa
siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish
u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman
jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey
siday ugu gacan-sayreen. Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne
u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:
"Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno
nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo
cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog
nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu
geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka
ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri
lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka
ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa
la iga hoos-qaadi waa'.
"Eebbow, waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii
Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd Aadan
Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed
ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay
ugu shubeen. Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa
taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen saddexdii
Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda lagu weysiiyey.
Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko Muuse-taagane Jaamac
oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma eego e, wejiga ayaan
ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya
afartii Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii
waddey ay ku makaleen'.
Wuxuu Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba,
wuxuu dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu
falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu libinta
u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee
xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta badanna ka haya:
-
Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene
-
Guullow ma
helayaan waxay nagu gubaayaane
-
Eebbow waxay
naga gogtaan waa galoof-olole!
-
Eebbow sidii guun haween 'gii'du waa aniye
-
Eebbow nin
goba baan ahoy guni rifaysaaye
-
Eebbow waxaa
noo gurmaday gaayo-alifleeye!
-
Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe
-
Eebbow
gabooddii dorraad waa ka gar-allayne
-
Eebbow markaan
geyllamey guulmiyoo baqane!
-
Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye
-
Eebbow kufriga
gedeftaley gacanta haystaane
-
Eebbow anaa
kugu gar lehe guusha ha i seejin!
Sida ay
cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga
dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u jeelqaba. Wuxuu ahaa nin ay waddaniyad
kululi beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey ay la
garan waayeen. Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba in badan
sidii ifka looga tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni jiray,
hagar daamooyin badanna loo geystey.
Markuu fekarey oo habeenno aan
tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala maaggan yahay naftiisa kala dooday,
dadkiina ay waanadiisii badnayd wax ku qaadan waayeen, weerar joogto
ahina uu xagga Soomaalida kaga socdo ayay la ahaatay dadku laba qaybood
uun inuu yahay: Qaybta hore oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay,
dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed
ka bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina
waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay
ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado
u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey,
dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.
Labadaas qaybood
inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna
dhacsiiyey murtida ah, "cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa", sida
uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:
Daabaca
ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey
iyo kii 'duleedshaay'
ku yiri wax isma doorshaane!
Sayid Maxamad, aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon
kama uu dhigin. Wax badan ayuu
gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, 'gaalada aan
la dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal' ayuu in door
ah ku celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:
-
Nin aqdaamo
Ferenjiya, maantiyo abuurriin
-
Ama aaladduu
sida, ama awrta buu rara
-
Ama adhiga buu
qada, ama laba ugaadhsada
-
Ama uba
ilaalaa, ama uurka kala jira
-
Ashahaado
beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo
-
Ilaahayna nama
oran, anna ma oggolaan karo!
Waa siyaasad cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin
kasta oo xagga gumeysiga u
janjeerasada amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo xilli nabadeed
intaba. Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah
ugu jeeday ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay, haddana waxaa
dhici jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini inay haasahaasaha iyo
gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku le'an jireen, hantidoodana ku waayi
jireen. Waxaad mooddaa inay Daraawiishtu marar badan
ka ilduufi jireen tusaalaha iyo dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u
noqon jirtey kooxo badan oo xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.
Gefaf dhowr ah oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la
tiriyaa, hase ahaatee way yar yihiin
markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo
sidii ay magaca dalka iyo dadka Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in kasta
oo, ciidan ahaan, ugu dambaystii looga adkaaday.
Kor u noqo |