Gabaygan waxaa tiriyay Sayid Maxamed Cabdile Xasan
mudo hadda laga
joogo 100 sano. Sayidku wuxuu ka gabyey xilligaas xaalada
halgankii jihaadka ee daraawiishta. Maantana waxaad arkaysaa inuu
isla gabayganu khuseeyo arinta maanta taagan waayo waagaas uu ka gabayayey munaafaqiintii ama dadkii caqabada ku ahaa halganka
iyo danaha umada Soomaaliyeed ee u adeegayey cadawga maantana way u
adeegayaan. Tixdan markaad dhuuxdo waxaad ogaanaysqaa micnaheeda qarnigii tagay iyo
qarniganban.
Wuxuuna ku bilaabay sidan:
1.
Doodan waxaan u leeyahay dumarkiyo caruurtoo
2.
Dadkii idinka waynaa hadday idin duleeyeen
3.Dambi
kama ay yaabine cuntay idinka doorteen
4.
Duunyaa la dhaafsaday dugsigaad galeeyseen
5.Dameerkuna
ma yeelen halkay talo ku daysteen
6.Dab
intay shideen bay dalaq idinku siiyeen
7.Doox
intay qodeen bay ciid idinku daadsheen
8.
Nin idiin damqanayaa idinkama dambeeyee
9.
Hadaydaan digtoonaan daad bay idin qaadiye
10.Duleedada
kufaartaa dacas idinku laynoo
11.Naf
dalkaaga doonaysaa firaash looma daadshee
12.Dabkan
aan shidaayaa daawadiina weeyee
13.Dariiqii
rasuulkiyo dawga ha ka baydhina
Gabayga iyo gogol-dhigga ka horeeyaba waxaa ku deeqay Cabdullahi
Faysal Faarax
|