Mar aan is idhi tolkii ayuu
guubaabinayey khilaafka iyo qabyaaladana inay iska dhawraan u
sheegayey wuxuu tiriyey gabay aan filayo inuu intan aad uga dheeraa
laakiin aan ka hayno:
-
Wallee ama rafiiqdoo sidii,
Raxan walaalowde
-
Ama
idin rash tiri bawdadaan, laga rukuucaynin
-
Rufucii
tol kala gala haddii, layska wada raadsho
-
Haddeydnaan
sidii yacay ruqsamin, dhagaxa ii raabi ?
Mar kale isagoo wax tabanaya
tabashadaasina ay soo xusuusisay haweeneey wanaag iyo maamuus wacan
ku idaarayn jirtay Raage iyo ummuurihiisaba waa kii lahaa:
-
Cirkoo da'aya qaar baan
dhulkiyo, ciidda wada qoyne
-
Caleemaha
gugii baxa badh baan, carun ku dheehnayne
-
Caku
dunida cuur wada dhashuu, qaarba cayn yahaye
-
Yaa
yidhi Cibaadiyo tanaa, caano wada nuugey
Soomaalidu waa dad aad u jecel
inay laba shay ama labo qof baratansiiyaan isna barbardhigaan kuna
doodaan midkaas ayaa sita ama kaasi waxba ma ahee midkaa kale ayaa
baro dheer. Waxaa la wariyey in Raage la waydiiyey Soomaali
qofka ugu gabay badan wuxuuna ku jawaabay gabay ay ka mid ahayd sida
nasoo gaadhay:
-
Aw-Muuse waa hoorin jirey,
hadal nin waayeel ah
-
Ina-Looti baan la hinjin
karin, heeladkuu dhigaye
-
Odawaa
Dhugeed baa hantiyey, hibadii geeraare
-
Anna hooto ridey gabay
hadduu, haybad leeyahaye
-
...
-
Dhallinyarada
haatana ma jiro, Hawle oo kale'e
(...
beyd Hawle ku saabsan ayaa ka maqan halkaa)
Beydka ugu dambeeya Hawlaha uu
Raage sheegay tolow ma abwaankii Reer Ciideed baa, Gabay Hawle?
In kasta oo aanan hubin, waxaan u haystay inaan Gabay Hawle iyo
Raage Ugaas nolol isku soo gaadhin maxaa yeelay Gabay Hawle soo ma
ahayn ninkii arintii Ugaas Xaashi hadda dhaw ahayd ka lahaa:
-
Wax badan baan hoggaankiyo jeclayn, inuu
hagaagaaye
-
Waynaan helaynine Xirsuu, kaga habboonaaye
-
Hayin nimuu ka jiifsaday wax uun, hilayga
saarsaarye
-
Faratoon aan haaramannee, inaga heeryeeya
Halka
magacu ka raacayna waxay ahayd gabaygii uu tiriyey ee uu
lahaa 'Hud-hudkii
aan cunay baa wadnuhu, haw i leeyahaye'
Waxaan kaa codsanaynaa inaad soo saxdo taariikhaha iyo
gabayadanba haddii aad hubto say kala yihiin
|