WQ:
Cawaale Xuseen
awallea@hotmail.com
Soomaalidii hore waxaa caado
iyo dhaqan u ahaan jirtay inay u diin iyo cilmi doontaan dhul fog oo
aysan aqoon, ehel iyo aqrabo u joogtana aysan jirin. Culimo badan
oo Soomaaliyeed ayaa sidaa wax ku soo baratay oo kolkii ay kaaga
qiseeyaan rafaadka iyo dhalandhoolka ay kala soo kulmeen xerayntaa
aad garaysanaysaa sharafta iyo mudnaanta ay bulshadu u haysay.
Dadka xereysta ee cilmiga
raadqaada waxaa inta badan hormuud ka ahaan jiray dhalinyaro hanuun
Alle, kor ahaayee, xaggii ka yimid iyo jahli nacayb ay wado. Waxaa
dhici jirtay in wiil yar oo sin-dheer ah oo reerkoodu adduun, mood
iyo noolba, buuxo uu subax ubbo dhaansado oo uu u jihaysto meel
loogu sheegay sheekh diinta laga barto. Waxaa marka goor walba meel
ool ahayd gaajo, rafaad, arad, iyo basanbaas kale oo dhan oo ay dhalinyaradaasi la
kulmaan.
Markii sahaydii ay kusoo
talagaleen idlaato, waxay ku noolaan jireen oo ay intifaacan jireen
kolba wixii Alle u irsaaqo ee uu ugu soo dhiibo dadkaa kale ee ay
hadba ku dhex nool yihiin. Qeyradii niman culima ah oo socdaal
ahi ay soo dul degto waxay markiiba ugu guduudin jireen una loogi
jireen culimada hadba neefka ugu shilish ee ay gacantoodu gaadho.
La iskuma hiifi jirin, mana la isku haaraami jirin ee waxay
waxgaradka iyo hormuudka qeyradaasi u arki jireen looggaa baxay ajir
iyo xasanaad ay hor Alle iyo habayn aakhiro gaysteen, iyo waajib
saaraa oo ay kasoo baxeen kadib markay quudiyeen culimadaa aan Rabbi
mooyee ruux kale ku hoyan.
Mar la hel mar la waa, habayn
qad habayn quudo ayuu xaalku ku sifaysnaa. Haddaba, waxaa dhici
jirtay in dhalinyaro badani u adkaysan weydo rafaadka oo ay ku soo
noqdaan reerkoodii. Markii ay raaskoodii yimaadaan waa la
garanwaayi jiray gashin xumo iyo guuldaro weyn oo ay gaajo sababtay
oo gogooda ka muuqata awgeed. Waalidkood iyo kolba intii ka naxaysa
ayaa ilmada ku badhxi jiray oo markaaba si degdeg ah ula tacaali
jiray si aragoodii ilwaadka samaa uu usoo noqdo dadkana ay mar
labaad ugu ekaadaan.
In badan oo kale ayaanse
dhibkaa dheg u dhigi jirin oo mar walba hiigsan jiray hadafka weyn
ee ay leeyihiin oo ah in mar uun erayga Sheekh laga hormariyo
magacooda, oo dadku yar iyo weynba, Sheekh hebeloow mooyee aan wax
kale ugu yeedhin. Hadii ay sidaasi dhaco waxay xaq u yeelan jireen
culimadaasi kalana kulmi jireen dhamaan ummadda tixgalin iyo mudnaan
dheeri ah oo ay ku mutaysteen cilmigaa ay barteen iyo dhaga-adaygaa
ay muujiyeen ee ay ku samreen barashada diinta Islaamka.
Waxaan halkan ku qaadaa
dhigaynaa qiso gaaban oo la xidhiidha Raage Ugaas oo cilmi u
xeraystay oo xeraysigaa gaajo iyo golongol badan kala kulmay.
Gaydhkaa iyo gashin-xumadaa Raage la kulmay waxay horseeday oo ay
sabab u noqotay qiso hufan oo Soomaalida badankeedu taqaano oo ah
sarbeeb iyo hadalka oo aan la saafin markii ay wada hadlayaan laba
qof oo is uur garanaya.
Waxba yaanan hadal kugu
daalininee, Raage Ugaas ayaa isagoo dhalinyar ka socdaalay
qoyskoodii una dhiila-dhaansaday inuu cilmiga diinta Islaamka bal
mar uun inta uu baaqiga yahay lasoo af-wareego. Wuxuu aaday Herar
oo markaa Soomaalida u ahayd caasimad iyo xarun weyn oo cilmiga
diiniga ah laga barto. Aftahanimo, raganimo, deeqsinimo, iyo
dadnimo badni kale oo uu Raage caan ku ahaa waa halkeedee, wuxuu
moogan door biday inuu Qur’aan akhris iyo cilmi barasho ka niib
keeno. Muddo haddii uu maqnaa ayaa waxaa Alle shamax ku siiyey wax
rafaad iyo jeeb xumo isagu jira. Busaarad ayaa naftii la qeybsatay.
Wuxuu haddaba hamiyey inuu aabihii si uun warkiisa ku gaadhsiiyo
ugana waramo xaalkiisa.
Maalin dambe ayuu wuxuu arkay
niman safar ah oo ujeeda degaankii Ugaas Warfaa, waa aabihiiye, ku
dhaqnaa hogaankana u hayey. Nimankii ayuu haddaba fariin u dhiibay
oo wuxuu yidhi: “haddii Eebe idinku simo oo aad aabahay iyo
degaankiisii nabad qab ku tagtaan, waxaad u sheegtaan aabahay inaan
shanta salaadood isku weyso ku tukado.” Raage dacdaro iyo rafaad
ayuu fariinta ku xusay nimankii fariinta qaadayse waxay u fahmeen in
wiilku wadaadnimo iyo walinimo awgeed aysan waysadabu ka jabin.
Nimankii safraha ahaa
fariintii siday doonaanba ha u fahmeene qaade Ugaas Warfaana ku sime
oo siddii ay ahayd ugu sheege. Ugaasku isagaa wiilka dhalay, qof
uun haddii ay tahay inuu uur ogaadana isagaa ugu dhow. Ujeedadii
Raage ayuu Ugaasku markiiba si fudud u fahmay hoostana ka xariiqay
inuu wax ka qabto dhibaatadaa wiilku soo sheegtay. Haddaba nimankii
ayuu toyday. “Maandhooyinoow goormaad dib u noqonaysaan?” ayuu
weydiiyey. Xilligaa iyo xilligaa, haddii Eebe idmo, ayey ugu
jawaabeen. Wuxuu ka codsaday kuna adkeeyay nimankii inay soo maraan
markii ay dib u gadoon noqdaan. Haye iyo hawraarsan mooyee wax kale
uma haboonayn nimankaa sidaa unbayna yeeleen.
Safarkii markii uu danahiisii
dhamaystay soo noqodna u diyaar garoobay ayey Ugaaskii war galiyeen
in haatan ay dhaqaaq yihiin. Ugaas Warfaa oo mar horre diyaarsaday
jiscinkii uu u diri lahaa Raage ayaa haddaba gacanta ka saaray
nimankii. Wuxuu faray, “wiilkii Raage ahaa gaajo ayuu kasoo
calaacalay ee u geeya tabaddan subaga ah iyo qunbahan hilibku ku
jiro. Markii aad u dhiibtaana waxaad ku tidhaahdaan aabahaa wuxuu
kusoo yidhi: bishu waa soddon balliguna waa buuxaa.” Innaba
uri ma kuu baxday, akhristow?
Nikankii fariintii iyo agabkii
kale ee loo sii dhiibay ayey la durduriyeen hase yeeshee intay
dhexda kusii jireen ayey subagii iyo hilibkiiba wax ka asiibeen oo
jidka kusii mareen. Ma gaajo iyo dan baa u gaysay oo jidmar kale
ayeysan wadan, mise hunguri xumo iyo qorshe kale ayaa u gaysay?
Lama oga waxayse u badan tahay in baahiyi ku kaliftay inay
ammaanadaa isu qaawiyaan maxaa yeelay Soomaalidu, gaar ahaan tii
horre ammaanada aad ayey u dhowri jirtay.
Iyaga oo aan dareensanayn in
Raage ogaan doono tirakoobka alaabtuu aabihii usoo diray ayey
nimankii Raage farta ka saareen tabbadii iyo qunbihiiba una sheegeen
fariintii uu Ugaasku soo faray. Eegid ka dib, Raage wuxuu arkay in
wax si yihiin oo wuxuu aabihii usoo dhiibay qaar maqan yahay.
Dareensii nimankii inuu og yahay inay qaar ka mid ah raashinkii loo
soo dhiibay ku tagrifaleen, iskase aamus oo deyn iyo daalac midna
uma raacanin, maxaa dhacay ceeb badan ayey arintaasi usoo jiidi
lahayd nimankaa xerowguna sidaa ma jeclaysan.
“Shanta salaadood isku weyso
ayaan ku tukadaa” iyo “Bishu waa soddan baliguna wuu buuxaa.” Waa
xidhiidh sogordohan oo aad u kooban. Waxay qisadani calaamad u
tahay Raage, xataa yaraantiisii, inuu caado u lahaa ra’yi iyo aragti
soofaysan oo heer sare ah.
Waxaa kale oo ay tusaale u
tahay muhiimmada ay sarbeebta iyo hadalka oo dusha sare la saaro ku
lahayd Af-Soomaliga iyo war-isgaadhsiinta Soomaalidii hore een heli
karin waraaq dahaadhan oo wixii sir ah ama warkii markaa dadka
qaarkii laga qarinayo lagu asturo, isla markaana kii laga qarinayey
naf ahaantiisa loo sii dhiibo, haddii laga fursan waayo. Haddaba si
war is gaadhsiintu u socoto, sirina aysan u fashilmin ayey
Soomaalidu u isticmaali jirtay sarbeebta. Sheekadan gaabanina waa
qimmadii ugu saraysay ee sarbeebta Af-Soomaalka.
Bal halkaa ha inoo
qandoodo maanta.
|