Waxaan idiin sheegayaa in aad
samayseen wixii aad doonayseen, waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in dadka idin
rumaysan ay yihiin kuwa khaa'imiin ah oo diintoodii iyo dalkoodiiba caasiyey.
Waa Maxamedkii aad taqaaneen oo idin warsanaya in aad hubka iska dhigtaan ood
isdhiibtaan sidaa darteed baan warqadaan idiinku soo diray. Eega laba kala
doorta: haddii aad dagaal doonaysaan gudooma baanu lee nahay, haddii aad
nabad rabtaana baxsha qiimaheeda oo ah in aad dalka isaga tagtaan.
Qunsulkii sarre ee Ingiriisku markii uu akhristay
warqadii Sayidka aad buu uga cadhooday waxaana Ingiriisku u aqoonsaday
Sayidka inuu yahay nin
ku shuftoobay taliskiisa, wuxuuna digniin ku bixiyey Soomaalidii taliskiisa ku
hoos jirtay in ciqaab ay la kulmi doonaan haddii habayaraatee wax xidhiidh ah ay
la yeeshaan ama kaalmo u fidiyaan Sayidka. Ingiriisku waxay Sayidka u
baxsheen 'Mad Mullah' oo macnaheedu yahay wadaadkii walaa, waayo xilligaa
gumaysigu wax aan miyir qabin oo biimo ah ayuu u haystay ciddii xooga Ingiriisku
lee yahay isku dayda in ay is hortaagto. Taaktikada iyo tabcooyinka
dagaalka ciidamadii Daraawiishta oo xambaarsan waanadii xusuusanna gabayadii
guubaabada lahaa ee Sayidka naftooda bay u hureen dalkooda iyo diintooda siddii
ay u daafici lahaayeen.
-
Ninkii bala'da lagu yeedhiyee bayraq lagu
duubay
-
Kol hadduusan bara aamin baahi geys noqonin
-
Inaan boqorka loo deynahayn ba'aha yow sheega
-
...
-
Runba nimaan u baydhayn ibleys barale weeyaane
-
Buunshuhu bilaash iyo hadduu been ka tagi
waayo
-
Inaan dhegaha loo balalinayn ba'aha yow sheega
-
..
-
Baalxaafka waxaa loo sitaa beer wax how dile e
-
Ninkii loo burhaan qabay hadduu beyda kari
waayo
-
Birtiisu ha jabtee inaan la rabin ba'aha yow
sheega
-
...
-
Bogga laga mudyoow fulaygu wuu baydadahayaaye
-
Goortuu bidhaan cadow arkuu balow yidhaahdaaye
-
Inaan mowdka laga baajinayn ba'aha yow sheega
-
-
Geesiga halkii lagu baxay baa bili ka
raacdaaye
-
Bilaawaha kolkii uu la baxo looga kala baydhye
-
Isaguna buruu leeyahaye ba'aha yow sheega
Bilowgii sanadkii 1900 Ingiriisku wuxuu heshiish la
galay boqorkii dalka Itoobiya Mililikh waxayna isku waafaqeen in ay wadajir
Sayidka ula dagaalamaan. Waxaana bishii March 1900, kasoo ambabaxay
magaalada Herar ciidamo Xabashi ah oo uu hogaaminayey sargaal Ingiriis ahi, waxayna 24 Maarso Daraawiishta iyo ciidamadii Xabashidu isku haleeleen Jigjiga
halkaa oo wax la dilay iyo wax la dhaawacay laga dhigay. Hayes Sadler
oo ahaa qunsulkii sarre ee Ingiriiska waxa uu u diray H. G. C. Swayne
dhanbaalkan:
Ujeedada duulimaadkiinu waa inaad dishaan Sayidka
ciidamadiisana jabisaan, haddii uu Sayidku isdhiibo waad aqbali kartaan, haddii
uusan arintaa wax shuruud ah ku xidhin. Markaa ka dibna waa inaad
baabi'isaan dhamaanba qabaa'iladii Sayidka taageerada u fidiyey.
Isagoo fulinaya amarkaasi kasoo baxay
dawladda Ingiriiska, Swayne oo ciidamo xoog badan oo Afrikan, Hunuud iyo Asian
isugu jira wata baa si rasmi ah Sayidka ugu soo qaaday duulimaadkii ugu hareeyay.
Bishii November 1900, waxaa dalka Soomaaliya
yimid Gaashaanle Sare Swayne si uu u hogaamiyo duulimaadkii u horeeyay ee
Sayidka lagu qaadayey. Swayne kuma uu cusbayn dalka Soomaaliya ee hadda ka
hor buu soo raacay walaalkii S. S. Swayne oo ahaa ninkii dalmareenka ahaa ee
sahanka ku maray degmooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ninkaa oo ahaa
kii qoray buugga la magacbaxay Seventeen Trips Through Somaliland oo macnaheedu
yahay Todoba iyo Toban Socdaal ee Soomaliya Lagu Maray.
Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo xilsaaray inuu
dhiso ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa wuxuuna adkeeyay heshiiskii uu
Ingiriisku la lahaa Xabashida, waxayna go'aan ku gaadheen in ciidamo huwan ah ay
Daraawiish ku kacaan sidaa daraadeed wuxuu Ingiriisku dalka Itoobiya u diray
Gaashaanle (..........................) oo ka tirsanaa ciidamadii la odhan
jidhay Royal Guards, ninkaasi oo soo gaadhay Herer April 1901 si uu u soo
qabanqaabiyo una tababaro ciidamo dhinaca galbeed ka weerara Sayidka.
Ingriisku wuxuu dagaalkaa ku waayey kumanyaal
askar ah iyo saraakiil fara badan oo ay ku dhaaran jireen, waxaana ka mid ahaa
Gaashaanle Phillips, Dhame J. N. Arms, Dhame C. N. S. Cord iyo kuwa fara badan
oo kale. Markii uu Berbera yimid Swayne wuxuu bixiyey xogwarankan:
Waxaan aad ula amakaagay sidda ay naftooda u
biimaynayaan Daraawiishtu. Marnaba u malayn maynin ilaa aan dagaal kula
kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaa gaadhsiisan tahay. Daraawiishtu
waxay u badan yihiin niman xaasaskoodii, ciddoodii, iyo maalkoodii kasoo tagay
si ay u noqdaan naftood hurayaal. Waxay sitaan cimaamado iyo go'yaal bayl
ah, waxayna qabaan amar ah inay dilaan Ingiriiska iyo askartiisa qiima kasta ha
ugu kacdee, iyagoo rumaysan haddii la dilo iyo haddii ay wax dilaanba inay
janada galayaan. Sidaa darteed, goobtii dagaalkii raggii Daraawiishta uga
dhintay waxay u badnaayeen xaajiyaal iyo shuyuukh noogu soo galay dhufayskii
aanu ku jirnay iyagoo leh, Allahu Akbar ama Ilaah baa weyn.
Hadalkaasi waa xog warankii Swayne.
Duulimaadkii koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay dhamaadeen October
6, 1902 dii. Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa
Af-Bakayle iyo Fardhidin.
-
Ninka gaala aynabay intuu gamasyada u qaatay
-
Gubniyaalka fooskaa ninkii gowrac ugu jiiday
-
Sidii boodhle geesala' ninkii gaaddaduu mariyey
-
Igiriiiska goolka ah ninkii gudurida u loogay
-
Guutooyinkuu wacay ninkaan gaban kasoo deynin
-
Girligaammaduu siday ninkii goobta kaga qaatay
-
...
-
Geesaaska Cadmeed ninkii kaga gallaydhsiiyey
-
Gidigeed Nasaarada ninkii goomanka u qooyey
-
Siddii caydh gorfaalaa ninkii gobolba meel
aadshey
-
Geyigaba ninkii galangashee guuya kaga dhaartay
-
Gabagaba intuu dhigay ninkii libin ku geeraaray
-
Gadoodkii dagaalkii ninkii guusha kala laabtay
-
Gaafaha ninkii laga maree haatan laga gaaray
-
Garbiduu ku tiirsaday ninkaan laga gurguureynin
-
Ninka yidhi gol madhan waa miduu galay
wadkiisiiye
Ingiriiska intii ay socdeen labadii duulimaad ee
horre waxaa u korodhay waayo-aragnimo dheeraad ah waxayna ogaadeen xoogga
Daraawiishta oo ah mid aan dhayal loo loodin karin. Ciidamadii Ingiriiska
ooy kamid ahaayeen kuwii la odhan jidhay King's African Rifles waxaa kusoo
kordhay kalsooni darro iyo baqdin ay ka qaadeen Daraawiishta oo aan cadowga u
turin. Si haddaba loo qabanqaabiyo loona kiciyo duulimaadkii saddexaad
waxaa Soomaaliya yimid Oktober 23, 1903 dii General W. H. Manning, dawlada
Ingiriiskuna waxay heshiis la yeelatay Talyaaniga oo ay isku waafaqeen in
Talyaanigu geesta Bari kasoo weeraro Sayidka. Sidaa darteed laba markab oo
ah kuwa dagaalka ooy Ingiriiska iyo Talyaanigu kala leeyihiin ayaa xeebaha
dalka ku wareegaalaysanyey si ay u sahmiyaan meel ay asgartooda kasoo dajiyaan
Sayidkana ka gaadaan.
September 16, 1903 dii waxa uu golaha wasiirada ee
dowlada Talyaanigu u ogaaladay in Ingiriisku kasoo rogo ciidamo uu lee yahay
magaalada Hobyo, sidaa daraadeed Ingiriisku wuxuu go'aan ku gaadhay inuu wado
duulimaadkii saddexaad isagoo ciidamo xoogleh kasoo rogay Hobyo iyo Berbera si
uu dhinac walba uga hareereeyo Sayidka. 1903 dagaalkii ka dhacay Gunburo
Ingiriisku wuxuu u bixiyey Raqdii Gunburo sababtoo ah goobtaa waxaa ka raacday
guuldaro culus.
April 1903 dii Sayidku wuxuu Ingiriiska usoo diray
warqadan markii Nugaal uu u hayaamayey:
Ka: Sayid Maxamed Cabdille Xasan
Ku: Ingiriiska
Waxaan idin leeyahay maqla hadalkayga oo
tixgaliya. Waxaan doonayaa in aan dalkayga u tasho diinataydana daafaco.
Hadalkayga maqla oo tixgaliya. Ma aad maqashaane dhibbaa dacalka idiin soo
gaadhay. Waxay idiinku sheekeeyeen Daraawiishi waa carartay, ma ay
cararinse ee waa dagaalamayaan. Waxaan u guuraynaa meeshii aan doono
anagoon baqayn. Waxaan doonaynaa in aan idinla dirirno dagaalkana aad ayaan
uga helaa, hase yeeshee idinku maya. Haddii Ilaahay yidhaahdo waxaan
idinka furandoonaa hub fara badan. Anigu ma lihi hodannimo, ma lihi guryo,
ma lihi beero, ma haysto dahab iyo dheeman midna aad iga dhacdaan. Dadkaygu
wax wanaag ah idiin mahayo idinkuna uma haysaan. Aniga waxaad iigu
timaadaani waa xabad iyo dagaal wax kalana iga heli maysaan. Waxaan kula
kulmay raggiinii dagaal waana aan wada gowracay. Dadkii naga dhintay waxay
shaqaysteen janno, Ilaah baa nala jirra haddii aad dagaal wadaan raali baanu ka
nahay haddii aad nabad rabtaana ka baxa dalkanaga oo aada dalkiinii, haddii aad
dagaal rabtaana sii jooga.
July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday duulimaadkii
saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo Waqooyiba ku
dagaalameen. Waxaa Ingiriiska gaadhay jug weyn waxaana saraakiishii uga
dhintay dagaalka ka mid ahaa Gashaanle Sare A. M. Ruthford, Gaashaanle Dhexe
A. W. D. Francis oo hogaaminayey ciidamadii la magac baxay Regiment
Manchester, Dhame S. T. Albright oo taliye ka ahaa ciidamdii loo yiqiin
........... Regiment, Kabtan J. John Stewart oo ka tirsanaa ciidamadii loo yiqiin
Argyll and
Sutherland Highlanders, Dhame H. H. de B. Morris oo madax ka ahaa Est Kent
Regiment, Dhame J.A. Gayonr, Dhame S. L. McKinnon oo madax ka ahaa North Derby
Regiment ciidamo badanna xukumay. Guud ahaan, sida uu qoray Douglas
Jaridine, waxay dagaalkan Daraawiishtu dhagta dhiiga u dartay sagaal (9)
sargaal oo sarsare oo ciidamadii Ingiriiska hogaanka u hayey, in ka badan 187
askari, iyo in ka badan 29 askari oo dhaawac xuni soo gaadhay.
Magacyadaa aan soo xusnay waxay ka mid ahaayeen
boqolaalkii saraakiil ee Daraawiishtu laysay dagaalku intuu socday.
Duulimaadkii afraad wuxuu ahaa mid ay xoog uga qeyb galeen maraakiibta dagaalku,
waxaana Ingiriisku go'aan ku gaadhay in Sayidka siddii dowlad xoog badan oo kale
loola isticmaalo. General LAYNE ayaa loo xilsaaray fulinta
duulimaadka afraad, waxaa kale oo la shaqaynayey Sareeye Guuto Egerton iyo Sareeye Guuto
Fasken. Intii uu socday dagaalkaasi waxaa Ingiriiska Sayidku
gaadhsiiyey khasaarooyin xoog badan waxaana cadowga ka dhintay saraakiil badan
oo ay kamid ahaa Dhame J. R. Williams, Dhame G. Ester, iyo Laba Xidigle T. H.
Aurder iyo kuwa kale oo badan. Goobihii laysaga horyimid intii
duulimaadyadaasi socdeen oo Daraawiishta iyo Ingiriisku isku haleeleena waxaa ka
mid ahaa Beerdiga, Cagaarweyne, Daratoole, Taargooye, iyo Jidbaale.
Haddii aynu tusaale ahaan usoo qaadano heshiishkii Pestalozze
1904tii, wakiilkii dowlada Talyaaniga u fadhiyey Soomaaliya Pestalozze wuxuu aaday Illig oo uu rabay
inuu Ingiriiska iyo Sayidka ku dhexdhexaadiyo wuxuuna ugu horrayn hindise kusoo
jeediyey in Sayidka:
-
Degaan rasmi ah la siiyo
-
Dawladnimo gudaha ah loo ogolaado
-
Xornimo iyo madax banaani ganacsi la
siiyo oo uu helo
-
Nugaal iyo Howd ay noqdaan dhul aan Sayidka
lagu faragalinin
Maarso 5, 1905tii baa Sayidku heshiiskaa dhab ahaan
u ogolaaday isaga oo doonayey inuu helo muddo uu isku dubarito ciidamadiisa, hubna
baadigoobto, iyo in uu kasoo kabto khasaaradii ka gaadhay dagaalkii Jidbaale.
Heshiiskaasi markii in yar dhaxal gal noqday, ayaa Ingiriisku wuxuu bilaabay
inuu hub ka baadho doonyihii Sayidka badeecada u siday. Sayidku wuxuu
Ingiriiska u soo diray warqad uu ugu sheegayo inay khilaafeen heshiiskii, markii
ay baadheen doonyihiisii iyagoo ka gaashaamanayey in Sayidku hub culus lasoo
dego, arintaa oo Sayid Maxamed aad iyo aad uga cadhooday, waxyeelada ka
imaandoonta uu Ingiriiska yidhi idinka ayaa qaadaya. Wuxuu Sayidku
warqadiisa kusoo hagaajiyey taliyihii sarre ee Ingiriiska F. C. S. Gordon,
wuxuuna u sheegay in haddii la doonayo in heshiishkii Pestalozze uu hirgalo oo uu
socdo inaan lasoo faragalin Sayidka badeecadiisa loona
soo celiyo hubkii iyo saadkii laga dhacay.
Sayid Maxamed waxa uu si badheedh ah ugu sheegay
Ingiriiska mar haddii ay jabiyeen heshiiskii isaguna in uusan maanta ka dib
dhowraynin, arintaasi oo Ingiriisku u fasirtay in Sayidku soo kicin doono dagaal
hor leh. Sidaa daraadeed waxaa laysku soo qaaday in la dumo duulimaad iyo
col fara badan oo Sayidka laga horgeeyo. Dalka Ingiriiska 1908
baarlamaanku canaan kulul buu usoo jeediyey dawladda isagoo ku eedeeyay lacagta
faraha badan ee dagaalka lagu hoobtay Ingiriisku uu ku bixinayey iyo askarta
faraha badan ee ku dhimanaya. Sidaa darteed, November 30, 1908 wasiirkii
isticmaarka ee Ingiriiska wuxuu u soo diray taliyihii ciidama ee ka talinayey
Soomaliya warqad uu ugu sheegayo in aan Ingiriisku hadda ku talo jirin dagaal
Sayidka lagu qaado.
Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka
kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo
ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso. John Talon, Maarso
3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo jeediyey hindise laysku raacay oo
ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo 2,000 oo Istarliin (lacagta Ingiriiska.) Hase yeeshee Sayidku
gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay Ingiriiska inuu doonayo
gobonimo, gobonimadana aan la gorgorin karin. Sayidku wuxuu hadalkii kusoo
koobay diintayda iyo dalkayga gadan maayo. Wuxuu yidhi:
-
Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye
-
Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne
-
Anaa diidaday dagal inaan la galo daalin ii col
ahe
-
Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e
-
Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne
-
Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale
-
Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye
-
Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane
-
Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone
-
Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye
-
Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye
-
Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye
-
Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede
-
Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine
-
Anaan labada daarood tan horre darajo moodaynin
-
Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (scw)
-
Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine
-
Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane
August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe)
oo ahaa kii lagu dilay taliyihii ciidamada Ingiriiska Richard Corfield,
gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey
gabaygii caanka ahaa, ee Adaa Koofiloow Jiitayoon. Waxaa kale oo halkaasi ku
geeriyooday saraakiil badan oo Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S.
Summers.
-
Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne
-
Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la'aaneede
-
Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato
-
Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye
-
Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto
-
Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid
-
Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda
-
Daraawiish jikraar nagama dayn tan iyo jeerkii
dheh
-
Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jifeeyeen
dheh
-
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud
dheh
-
Waligiisba waa lagu jabshaa jilib-dhig duulaan
dheh
-
Haddaan lays jigraarayn tolkay laga jil roonaa
dheh
-
Waxay noo junjuunteena waa jamasha diineed dheh
-
Anigana Jigreey ila heleen shalay jihaadkii dheh
-
Jeeniga hortiiseey rasaas igaga jiideen dheh
-
Jiiraayadeey ila dhaceen jilic afkoodii dheh
-
Jidhkaygii caddaa bay abley jagac ku siiyeen
dheh
-
Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
-
Bilaawuhu siduu kuu jarjaray jiilalkaa u muuji
-
Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshay
-
Jibaadka iga soo baxay nafluhu jiifka qaban waa
dheh
-
Naf-jeclaysigii baan ku idhi jaalloow iga daa
dheh
-
Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii
dheh
-
Goortaan jarreerana galoo nolol ka jaan qaaday
-
Wax badan baan janaacaye dhagbaan jalaq la ii
siin dheh
-
Juuqdii aan la yeedhaba afkay iga jifeeyeen dheh
-
Jaljaleecadii baa wadnuhu jeex isoo ruqay dheh
-
Jeedaaladii bay indhuhu kor u jilaabmeen dheh
-
Markay rubbadu jaw tidhi or bay iga dul
jiibsheen dheh
-
Jiidhkaygii bahal baa cunayoo jiitay hilibkii
dheh
-
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa juguc ka siiyaa dheh
-
Jiljilladiyo seedaha tukay iga jeedeen dheh
-
Siddii jananadii horre tashigu igu jaguugnaa
dheh
-
Jidkii uu iblays ii horgalay jaasadii helay dheh
-
Daraawiishna waa jibindhowgiyo jowga soo bixi
dheh
Waxaa xusid mudan in ninkan ay Soomaalida
badankeedu u taqaano Koofil uusan kaliya ahayn nin neceb kana soo horjeeda
halganka gobonimo doonka ah ee Sayidka iyo Daraawiishtiisa ee uu ahaa nin
jinsiga Soomaaliga ah siddiisa u neceb. Wuxuu in badan ciidamo ku bixiyey
oo uu soo mooroduugay shacab Soomaaliyeed oo wax ay u dhimeen iyo wax ay u
geysteen Ingiriiska uusan jirin. Shacabkaas oo badankiisu ahaa kii ku
hoosnoolaa ximaayada Ingiriiska. Mar uu ku duulay reer guuraa meel deganaa
kana soo dhacay waxay mood iyo nool haysteen waa kuu Ina-Weysaxume tixda ku
mariyey:
-
Sayidkoo wax galay raacdadoo la isku soo gaadhay
-
Adigiyo gubniga aad wadataa goobataal noqoye
-
Girligaanku kaa joogsayoo guuxa kaa damiye
-
Ku googooste nimankii kufriga gaajada u qabaye
-
Afku gow' ku yidhi xaajadaad gees u badisaaye
-
Guga ha gaadhin adigaa tolkey gaajadaa badaye**
Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal badheedh ah in
aan waxba Sayidka lagaga qaadaynin haddii aan la badalin tabcada lagu socdo.
November 1918kii gudi uu madax ka yahay General Hopkins oo loo xilsaaray inay
darsaan xaallada Daraawiishta talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska siiyaan ayaa
yimid dalka Soomaaliya. October 1919kii baarlamaanka Ingiriisku wuxuu
go'aan ku gaadhay inay Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale ula dagaalamaan,
ayna duulimaadka ka qeyb galaan ciidmada dhulka, cirka iyo badduba.
Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari
waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo qalcadihii kale.
Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal. Ugu dambayntii
Janaayo 21, 1920kii, waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana
weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna cadowgu isticmaalayey
diyaaradaha noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii
Sayidka oo dhan. Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimo
doon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo.
Taasina waxay muujinaysaa dhiiranaantii iyo halgankii Daraawiishtu gobonimada
usoo galeen.
Sayid Maxamed intaa kadib wuxuu soo aaday Koonfur.
Febraayo 17, 1920kii, taliyihii Ingiriisku wuxuu usoo diray Sayidka warqadan.
Waxaan usoo diray waqti saddex todobaad laga
joogo Darawiishta warqad aan ugu sheegayo in la magan galin doono haddii ay
isdhiibaan. Hubkaaga iyo kaygu isma leh, adigu waxaad tahay wadaad
Soomali ah, anna waxaan wakiil ka ahay dawladda adduunka ugu xoogga weyn oo ka
adkaatay Jermalkii iyo Turkigii. Maanta xoogaagii waa yaraaday,
dayuuraadkana uma adkaysan kartaan, dhinac aad u ciirsatana ma jirro.
Waxaa xagga Bari kaa xigga Boqor Cismaan Maxamuud iyo Cali Keenadiid oo
labaduba col kula ah adiga iyo halgankaagaba mana aadi kartid. Dhanka
Itoobiya saaxiibkaa Leit Yasuuf waa jiitay, Ras Taferina waa saaxiibkay.
Awood uma lihid inaad nala dagaalanto. Waxaan laayey ciidamadaadii badi
ahaan, gacalkaagiina gacantayda ayey ku jiraan. Ujeedadaydu ma aha inaan
wax laayo haddii aad is dhiibto 40 casho dhexdood. Ammaan iyo xushmo
ayaad heli doontaa. Waxaanse kaaga digaynaa in aadan warqadan caasiyin.
Waxaanan ku siinaynaa rug aad ku noolaato diintaadana ku fidisid.
Warqad ama jawaab aad iisoo dirto wax micnaha ah ama qiima ah ooy leedahay ma
jirto haddii aadan 40 casho dhexdood ku imaanin. Waxaan warqadan kuugu
soo dhiibay haweenaydaadii.
Maarso 25, waxaa Ingiriiska u yimid Sheekh Cali oo
ahaan jiray qaaligii Taleex iyo Xaaji Cismaan oo Sayidka adeerkii ahaa oo wada jawaabtii waraaqdii Sayidka loo diray. Warqaddii Sayidku waxay ahayd sidan:
Waan helay warqadii aad soo dirteen 22kii
Jamaadul Aakhir, jawaabteediina waatan. Warqadaadii macnaheedu wuxuu
ahaa inaad ka adkaateen Jermal iyo Turki xoog badanna leedihiin iyo inaan
isdhiibo. Isdhiibi maayo dagaalkana waan wadayaa inta aad idinku wadaan.
Amaan iyo magan-galiyana Ilaah baa leh xoogna ninkuu siiyo ayaa iska leh.
Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go'aan ku gaadhay
inuu Sayidka u diro ergo ka kooban maashaa'ikhdii Goboladda Waqooyi oo kala ahaa:
Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii dariiqada
Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii dariiqada Qaadiriyada,
Sheekh Maxamed Xuseen iyo cuqaal fara badan ooy ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan,
Caaqil Jaamac Madar, Caaqil Ibraahim Warsame, Caaqil Xirsi Xuseen, Caaqil Xaaji
Cabdullahi Jaamac, iyo Caaqil Cali Guuleed. Ergadaa ka koobnayd
maashaa'ikhdii dariiqada iyo todobada Caaqil waxaa loo diray ergo ahaan Sayidka
waxayna wadeen warqad Ingiriisku ku warsanayey Sayidka inuu ergadaas soo raaco.
Ergadii waxay ka baxday Burco April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen labadii
nin ee warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay, Xaaji
Cismaan iyo Sheekh Cali.
16 casho oo socod ah ka dib, April 25, waxay soo
gaadheen Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay 40 mile. Sayidku ergadii waxa
uu amar ku siiyey inay Ingiriiska ku noqdaan una sheegaan inaan Sayidku marnaba
isdhiibaynin. November 23, 1920kii ayuu Sayid Maxamed, naxariistii janno
Allaha siiyee, si caadi ah ugu geeriyooday Iimeey isagoo gacanta ku haya
gamaskii xornimada iyo gobonimada.
Markuu geeriyooday Sayid Maxamed gumaystuhu wuxuu
isku dayey inuu daboolo halgankii uu soo galay iyo ujeedooyinkii uu lahaa ee uu u
dagaalamayey in ka badan 21 sanno. Waxa uu Sayidku mutaystay in lagu qorro
magaciisa iyo taariikhdiisaba baal dahab ah waayo waxa uu u diiday gumaysiga
inuu ku lado dalka Soomaaliyeed.
-
Inuu gaalku dili oo khatali dayiba maayaane
-
Dafiraadu waa xeel runbaa lagu dabuubaaye
-
Dilaal waxaad cunaysaan intaan dunida joogaaye
-
Hadalkaa dilaacshaye miyaan deelka ka habowshay
-
Wax ma dadine macnihiina sow idin ma deqsiinin
-
Nimanyahoow dantey baan hadlaye iga daliil qaata
-
Dacwadayda meeshaan u dhigo fiiro dib u yeesha
-
Waxna loogu digiyaa ninkii dawladnimo haysta
-
Waxna loo danleeyahay ninkii diinta Nabi raacay
(csw)
-
Nin rag ah bay dardaaran u tahee doqonse waa
mooge
-
Afartaa intaan dow ku xidhay deel ma qabadsiiyey
-
Deelqaafku waa ba'an yahaye daacad ma u sheegay
-
Dacwad kalana Soomaali waa mid aan dareensiiyey
-
...
Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed Cabdille
Xasan iyo halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray gumaysiga waxaan kusoo
af-jaraynaa tuducyo kooban oo ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa
ee Sayidku mariyey dabayaaqadii noloshiisa ee la odhan jiray Dardaaran:
-
...
-
Doodna waxaan u leeyahay dadkeer hadalka deyn
waayey
-
Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye
-
Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne
-
Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye
-
Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora weynaha e
-
Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo rabaye (scw)
-
Anaa diiday maantuu lahaa deeqan iga hooye
-
Diinkayga anigaan ku gadan dabaqii naareede
-
Anaan labada daarood tan hore darajo moodaynin
-
Markay duushay gaaladu anaan daabbaddu rarine
-
Goortay dareeraan anaan diiradduu qabane
-
Anigaan dariiqiyo waddada dowga sii marine
-
Anaan doora-weynoo kufriga daacadnuu geline
-
Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu qabane??
-
Sida doxorka Iidoor anaan duud-xamaal noqone
-
Doofaarka eyga ah anaan daarihiis geline
-
Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhane
-
Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine
-
Daarood Ismaaciil ma oga dowga loo qodiye
-
Waa wixii durbaan tumay markaan dowga sii maraye
-
Waa wixii dayooy yidhi intuu soo dabaaldegaye
-
Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw
yeelan
-
Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiisa
-
Nin rageey dardaaran u tahaye doqoni waa mooge
-
Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
-
Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine
-
Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada
e
-
Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraha e
-
Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal
dhaafay
-
Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo degiye
Dhammaad.
****************************************************************************
Waxaan ka
qorray barnaamij laga soo daayey Idaacadii Muqdisho, buuggii Aw-Jaamac Cumar
Ciise, Early Days in Somaliland and Other Tales by H. G. C. Swayne, iyo
The Warrior Mullah by Ray Beachey meelaha
qaarkood ayaan ka saxnay. Magacyada
qaarbaan wali saxnayn qaarna waaba maqan yihiin. Sixidooda iyo helidoodu
waa howl inoo wada taala. Mahadsanid
**Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed
Cabdille Xasan. Aw Jaamac Cumar Ciise.