Sababta gabaygan wuxuu Xaaji Muuse Galaal ku sheegay in
nin Soomaali ah oo
Ingiriiska kasoo baxsaday oo buntukhiisii wata uu
xarunta Daraawiishta yimid
Sayidkana ku yidhi "yaa Sayidii, waan soo Muslimay
waxaanan doonayaa inaan
jihaadka galo, qorigaygiina waa wataa ee waxaan kaa
rabaa inaad i siiso faras
aan xarbada ku galo." Sayidku faras uu aad u
jeclaa oo Maadays la odhan jiray
in ninka la siiyo ayuu faray. Ninkii ayaase
Maadays saluugay. Sayidkii ayaa
warkii la gaadhsiiyey kolkaa ayuu yihdi "ma Maadays buu
diiday?" Haa ayaa
loogu jawaabay.
Kolkaa ayuu Sayidku faray in faraska la shirabo oo
orodka, amarqaadashada iyo
tabca walba oo Maadays lagu yaqaanay ninkii la tuso.
Maadays wacdaro ayuu
muujiyey. Kolkaa ayuu Sayidku gabaygan uu faraska
ugu ducaynayo tiriyey.
Maadaama uu jahaadka iyo koryeelida calanka ummadda uu
u isticmaalayo ee uusan
tamashlayn iyo wax kale u haysan wuxuu Rabbi ka
baryayaa in Maadays guyaal
badan sii noolaado.
In Sayidku gabayga faraska uun ku ammaano oo uu halkaa
kaga hadho ha ka sugin.
Gabayga waxaa ka buuxa goodi, hanjabaad iyo faan uu
ujeedinayo Isaaq iyo cid
kasta oo jahaadka diidan gumaysigana usoo raacda.
Waxaa laysku raacay in Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu
khawaariqul-caada ahaa
marka laga hadlayo ammaanta iyo aqoonta fardaha.
Laakiin Sayidku ma wuxuusan
khawaariqul-caado ku ahayn baa jiray! Bal gabayga
eeg, bal geesinimada eeg,
bal gobonimada eeg, bal gaalo-lagadka eeg, bal
gundheerida cilmigiisa diiniga
ah eeg, bal, bal....Mar soo bax ayuu ahaa! Allow
kuu naxariiso. Wuxuu yidhi:
· Waxa loo
maleegtami jahaad, milaygii joogaye
· Muslin
iyo Kufraa loo xarbiyi, labada meeloode
· Murtad
weeye gaalada ninkaan, moosinkow tegine
· Ku
minitida xarbiga wow qabnaa, muunyo iyo ciile
· Muramaysta
dirirtiisa waad, mahadin doontaane
· Mudkuu
geliyaa maarraha kufriga, waydin moog yahaye
· Anigana
haddaan meleg i helin, soo maroorsadaye
· Waxaan
mayllinkuu rabinayaa, cadho milaadkeede
· Masaafooyin
kulul baannu marin, aniyo Maadeyse
· Majiiraha
rogaalkaa wax badan, mowtigood geliye
· Korkiisaa
magoolka u eg baa, dhidid madoobeyne
· Boodhkaa
malleelkaa ku noqon, sida makhaayeede
· Mar
kiciisa orodkuu kabtiga, muxubba rooraaye
· Sida
mooladhaabuu carshiga, saray u moohaaye
· Gorgor
samada meehaabi baa, lagu maleeyaaye
· Iidoorka
miirida ah buu, meyra ka eryoone
· Meeshiyo
magaalooyinkuu, maata doox dhigiye
· Muluq
buu ka siin reerihii, may xerayn jiraye
· Macluum
weeye oo neefku waa, mahad Ilaahaaye
· Mar
haddaan maqaanaha ku xidho, maanku iga raacye
· Midigteyda
Eebbow u daa, maalig baad tahaye
Dhagayso gabayga
|