Home 

Walhad:  Sayid Maxamed

                                                                            

 
 

Waa mar kale iyo dersigii ahaa "Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi."  Todobaadkii tegay waxaan idiin soo gudbinay geeraar uu Raage Ugaas geela ku ammaanay.  Nimankii fardaha geela ku xabbaadhi jiray, ammaantoodana aadka u jeclaa ayaa codsaday in suugaantii fardaha aan wax kasoo gudbino, oo aan weliba ka dhigno dersiga usbuuca.  Waxaa nimankaa codsiyadooda ka muuqday tartan iyo jimotuurad xagga suugaanta ah. 

 

Inkasta oo ay adag tahay in la kala sooco suugaanta geela iyo midda fardaha, haddana annagoo xaqsoor laabta ku hayna, tartan geelley iyo fardooley u dhexeeya inuu www.doollo.com ka billowdana ka shaki qabna ayaan waxaan maanta soo qaadanaynaa geeraarkii Sayid Maxamed uu ku ammaanay faraskii aadka ugu dheeraa ee Walhad.   

 

Ma halabuur ammaanta fardaha Sayid Maxamed ku gaadhay ayaad Soomaali ku haysaa?   Bal dhuux sida uu dhinac walba uga tilmaamay Walhad.    Wuxuu yidhi Sayidku:    

 

     Col haddii la wacaayo

     Lugi waa wantacoowe

     Walhadow guradiisa

     Walluu ii goglayaaye

     Ma naagtay wacanbaa?

 

     Sibraar caanaha weeto

     Wabax looga dhergaayo

     Koorihii weshirraa iyo

     Wareersiyo muquuskiyo

     Maqaanii widhwidhaayiyo

     Sitaacuu walcinaayiyo

     Wiyilkii shaqlanaa iyo

     Waa feerow nadigii iyo

     Warmahaygakan dheer iyo

     Waaxidkaygan hadlaaya

     Intaasuu wadwadaayoo

     Waraarkuu ku sitaayoo

     Arba waalan sidiisa

     Wagwag buu u socdaayoo

     Wahsi loogama yaabee

     Wal-cafaari miyaa?

 

     Haddii waaga la fuulo

     Wanahaarka boqoole

     Wahdi weeye qabowe

     Walwaal laydha miyaa?

 

     Haddaan guuro waddiidno

     Walliilkii dhaxantii iyo

     Wahabkuu celiyaaye

     Ma dhar lagu wadhaa?

     Wiido meeley ka fooftay

     Haddii weerar la tooxo

     Wegenbuu ka baxaaye

     Ma wajaaf la ridaa?

 

     Wax hadduu qabsanaayo

     Jeenyuhuu wadhwadhaaye

     Wax ku haabadka qoobka

     Ma aar soo wahwahlaa?

 

     Meel walaabiyo qaad iyo

     Rasaas laysku wirfaayuu

     Ka waldhaban hayaaye

     Ma wakiila Allaa?

 

     Haddaan weecsho rogaalka

     Wiliftuu rogmanaayo

     Wadhfiskuu anbanaayo

     Ma wirriile didaa?

     Nin weyn buu waddaraayoo

     Geesibuu waf jaraayoo

     Waallee yuu dhacsadaaye

     Wed miyaa kululaa?

 

     Geela weeta irmaan iyo

     Weristii rimanaydiyo

     Wadaal buu eryadaaye

     Wabar xoogle miyaa?

 

     Meel waaceen laga waayoo

     Dadkii gaajo la wiiqmuu

     Webxiyaaa dhergiyaaye

     Ma wajiina da’aa?

 

     Afartii warhayaad iyo

     Waqiil laysku gargaariyo

     Waxtarbaan ku qabaaye

     Weli kheyr leh miyaa?

 

     Walax duunyo ka roonoo

     Waalid layga abuuriyo

     Walaal baan ka dhigtaaye

     Ma wasiir gacalbaa?

 

     Waayadaan arki waayoo

     Walbahaarka adduun iyo

     Welwel baan u dhintaaye

     Wadnahayga miyaa?

 

     Diracahaa wacdigooda

     Wanan baan u qalaayoo

     Walanwaan u jaraaye

     Ma wadaad martiyaa?

 

     Waldhacooyinka hoosiyo

     Waraaqiisa sudeenkiyo

     Wejigaan u subkaaye

     Ma wiilaan dhalaybaa?

     Weligay kama maarmoo?

     Wariirtii aqalkaygiyo

     Waageerkuu ku jiraaye

     Ma wasiir gacalbaa?

 

     Afartuu ku walgaaftiyo

     Waqaafaha shulluhiisiyo

     Waaxyihiisa garaanta

     Ma sheekh waysa qabaa?

 

     Walwaaleynta raqlaynta

     Laafyuhuu walqinaayo

     Is waraaari ruxiisu

     Ma wallays kibraybaa?

 

     Afku waa waradh jeexanoo

     Biro laysku wakaabaa

     Walam loogu ridaayee

     Walaa-xawli miyaa?

 

     Arraguu wax ku dhowro

     Wiriqdiisa bu’diisa

     Indhuhuu ka wacsiiyo

     Ma hillaac walaclaa?

 

     Shinbiraha widhiftoodiyo

     Walax meel ka dhaqaaqday

     Widhwidh buu ku arkaaye

     Ma damuumis walaa?

 

     Waawarayda dhawaaqa

     Haddii uu wax dareemo

     Dhagihiisa waryoonsan

     War dhegaysi miyaa?

 

     Meel aan wuuw lala gaadhin

     Haddii wiirsi ka yeedho

     Waqtibuu maqlayaaye

     Ma taarbaa waddanaa?

 

     Wafka uu lalminaayo

     Dabaduu walfinaayo

     Wisil baarka ku yaal

     Waras noocii miyaa?

 

     Qoortu waa xusul waara

     Walcan weeye fankiisu

     Dushu waaleed bannaaniyo

     Welga xaadhan miyaa?

 

     Haddaan ruugag wadhaansho

     Wadaaga gilgilaayo

     Wayruxuu cartamaayo

     Wiyil qooqan miyaa?

 

     Wanqarkuu hardafaayo

     Watigluu u socdaaye

     Waylo raadis galbeed iyo

     Maa waayeel culusbaa?

 

     Hadduu soo wafwafleeyo

     Wabwabtuu gurdamaayo

     Onkad waadi ka yeedhiyo

     Cir wanaanyi miyaa?

 

     Haddii aan wegdihiisa

     Waydaar xoog leh ku dhaado

     Waantis buu u socdaaye

     Naafo waarrin miyaa?

 

     Waddo jiidka socdaalka

     Dib ii weyricin maayee

     Waylay waaltamayaayee

     Wan kaalali miyaa?

 

     Hadduu meel ku warmaayo

     Webiyaasha tallaabo

     Waxyar kaama maqnaadee

     Waa kaneey ma jinbaa?

 

     Wijiwaaji qalaad iyo

     Waaleed Eebbe balaadhshuu

     Soo waraari ciyaaye

     Ma dabayl wahadbaa?

 

     Hadduu weerar ku raago

     Walqas dhoobo madow iyo

     Watabiirka ma qaatee

     Warac caaggan miyaa?

 

     Wiyeerkuu ka cabbaayo

     Waabka uu hadhsanaayo

     Shirku waw waddamaayee

     Waali duuban miyaa?

 

     Wanaajoo iska dhaafaye

     Ammaantiisu wujuubiyo

     Watirkii ratibnaa iyo

     Wardigayga miyaa?

 

Dhagayso in yar oo geerarkaa kore ee Sayidka ah.

 

Geeraar kan u eg oo uu Raage Ugaas leeyahay oo aad moodo in Sayidku tixraacay ayaa jira.  Halkan ka akhri geeraarkaa Raage.  http://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/raage/walhad.htm

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.