Cali-Dhuux Aadan Goroyo
wuxuu ahaa gabayaa laf-dhuun-gashay ku noqday jihaadkii iyo halgankii gobonimodoonka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan
kaga soo horjeeday Ingiriiska, Amxaarada, iyo Talyaaniga. Wuxuu Cali-Dhuux
caadaystay inuu diradireeyo collaadna ka dhex abauuro Soomaalidii Sayidka
gacansaarka la lahayd ama kuwii Daraawiista taageri jiray iyo qabaa’iladdii kale
ee Soomaliyeed. Wuxuu mar walba isku dayi jiray inuu tolkii, Dhulbahante,
ka hor keeno Sayidka. Laakiin sida Soomaalidu ka war qabto, Sayidku wuxuu
ahaa nin raganimada meel cidla ah u taagan oo aan geesinimo, garasho, gabay,
cilmiga diiniga ah, deeqsinimo, iyo aftahanimo cidna ku haysan, Cali-Dhuux iyo
kuwa Ingiriiska dabadhilifka u ahna meel iska mariyey. Sidaa oo kale
Sayidku wuxuu ahaa hogaamiye gacan adag oo qofkii cadowga usoo raaca abaalkii ka
waraabiya markii uu u gacan galo.
Sidaa awgeed waxaa la
sheegay in Cali-Dhuux aad uga baqi jiray Sayidka dakanada uu ka qabo Daraawiista
iyo halgankaba darteed. Waxaa la wariyey in Cali
maalin maalmaha ka mid ah aflagaadeeyay Sayidka iyo ciidmadiisaba, dabadeed
Sayidka qadafkii Cali la gaadhsiiyey. Sayidka ayaa dabadeed Cali u faray
fariin kooban oo aan hadda ka hayno:
Rabboo ku caynshiyo annoo, ku cafa mooyaane
Wallee caafimaad uma fadhidid, Caliyoow Buuhoodle
Oo caadhkii weynaa hablihii, ku catirayn maysid
Waxaa la xaqiijiyey in Cali markii fariintaa la gaadhsiiyey uu u qaxay Burco oo
markaa gacanta gumaysigii Ingiriiska ku jirtay oo uu ka xamaan uruursaday
Buuhoodle, Ingiriisna miciin biday. Ilmo adeero waa intii is taqaana ayey
Soomaalidu ku maahmaahdaa, Cali aad ayuu Sayidka u laab ogaa wuxuuna hubay
in Daraawiishi qisaasi doonto haddii ay Buuhoodle kusoo gaadhaan. Meelo badan ayey Sayidka iyo Cali gabay isku weerareen laakiin Cali wuxuu mar
walba ku dadaali jiray in Sayidka iyo aagii lagu sheegaba uu ka warwareego oo
aanay fool ka fool isaga hor imanin.
Hoos waxaan kusoo qaadanaynaa laba gabay oo ay Sayid Maxamed iyo Cali-Dhuux is
dhaafsadeen. Cali ayaa ku horeeyey oo isaga oo Sayidka qadfaya,
Dhulbahantena doonaya inuu Daraawiish ku diro wuxuu yidhi:
...
Abtiyaalladaa iyo ku nece, ururtii Reer Khayre
Arboow Jaamac iyo Aadaniyo, Oogle kaa tage e
Waxaan uubateeyaba tolkey, oodda soo jebiye
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd, idinka ma ahayne
Waa uur gaslow Aadan-dhagax, odayadaadiiye
Abtirsiinadaa waxay gashaa, eyda Reer Xamare
Arxan nimaan u gelihaynin, oo ina Ogaadeena
Aabowda uun bay hayaan, kii arsaa'ilaye
Sayid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu ahaa maanso ruug aan hadalka loo qarin karin
aadna u il dheer oo mid walba oo maanso is bida tub cidla ah qaadsiiya. Wuxuu Sayidku
ku jawaabay:
Aw Yuusufow eray yar baan, ku erginaayaaye
Hadduu Eebbaheey kuu idmood, ururta weyn gaadho
Ikhwaanow adkee xaajadaan, kugu ammaaneystey
Ku ansixi halkii aan ku idhi, aadna ugu fiirso
Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iidoora
Ogaadeen haddaan ahay dad, wow amar sareeyaaye
Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashimiye
Abtirsiimadey waxay gashaa, odayo waaweyne
Halkaan ugu arooraana waa, odayga Daaroode
Rasuulkii udgoonaana waa, ina-adeerkay e (csws)
Sayidkii Axmed ahaana, way awow runna ahee
Ibraahiin Rashiid aabbahay, odaygii weeyaane
Asaxaabihii oo dhan baan, ehel wadaagnaaye
Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanaayaye
Nin Amxaara mooyee intii, edeg adduun joogta
Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu kharykiiye
Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanaayaaye
Adiguna Abbaanow midgaan, uraya sow ma ihid?
War sow kii Illaahay nacee, eyga qalay ma ihid?
Allaahu akbar eedaanku waa kaa af iyo beene
Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye
Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede
Asaxaabihii olol ku dhace wow abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene
|