Home

Murdud Reebe

                                                                                  Maxamed Cumar Dage

 

 

 

Gabaygiisii koowaad haddii uu Maxamed Cumar dhinaca Dhulbahante u diray ayaa waxaa dhacday saddex arimood oo ku kalifay inuu gabayga mar kale ku noqdo.

 

1)    Nimankii Dhulbahante ee Xaaji Cumar Cameey, Axmed Cige Sii’arag, Jaamac Cali Nuur iyo Haybe Axmed Kaar laga dilay intay saddex wiil oo geeljire ah oo waliba iyaga kusoo duulay dileen ayey gabay soo dhiibeen iyagoo waliba lib ku faan ah.  Samatar Baxnaan badda inaan farxad la jiidho ayaan ka baqayaa waa kii yidhi.  Wuxuu haddaba ina dareensiinayaa inuu la yaabay sida geeljire aaro ugu noqon karo nimankaa cuqaasha iyo odayaasha isugu jira.  Waa libin sidee ah libinta nimankani ku faaneen, ayuu isweydiiyey.  Arintaasi inay wax ka dhihid mudantahay ayey ula ekoonaatay.   

 

2)    Odayaashii Ogaadeen ee Doollo iyo Ciid ayaa waxay Ina Cumar Dage ka codsadeen inuu gabayga ku noqdo iyagoo is tusay in aanu wali boogihii Dhulbahante wada taabanin.  Dhulkooda Isaaq qaatay carabka wada mari, raggii odayaasha ahaa ee laga dilay waxay ahaayeen sheeg, dabadeed cidda aaro u gali karta sheeg, ayey ku booriyeen

 

3)    Ugu dambayn, Hurre Raabi nin la odhan jiray oo gabayadii Cali-dhuux mid ka mid ah ku jiray:

 

·        Ina Raabi waa kii la dilay, waana Reer Dalale

·        Dubihii ku dhacay Bih-ina-Cali, dakharadii gaadhay

·        Waxay dallaga beeraha la qodan, waa dagaagnimo e

 

ayaa Maxamed ka codsaday in gabaygan libinta ahna lagu daro mar haddii kii cayda ahaaba magaciisu ka dhex yeedhay.  Maxamed odayaashii iyo Hurreba haye iyo hawraarsan ayuu ugu jawaabay, gabaygiina wuu ku noqday. 

 

Wuxuu taxay dhulkii Ogaadeen ee Cali-dhuux iyo gabayaagii kale ee Dhulbahante inta badan kusoo celceliyey, wuxuuna bayaamiyey in dhulkaasi dhammaan Ogaadeen deegaankii yahay, gacantoodana ku jiro iyadoon Alle mooye cid kale lib iyo abaal midna loogu haynin.  Wuxuu xusay in Dhulbahante dhulkiisii hodanka ahaa Habar Jeclo iyo Habar Yoonis xoog ku haystaan, Dhulbahantana aysan il qalloocan ku eegi karin, nin rag ah oo is xilqaama oo dagaalamana aan lagu arag.  Xaaji Cumar Cameey iyo Axmed Cige Sii’arag inaan ciddina u aarin dadkii ay ka tageenna inaysan haween hawo dhaamin ayuu ku dooday.   

 

Gabayaagu wuxuu qabaa inaan Ina Sii’arag, Cali-dhuux, Samatar Baxnaan iyo Aadan-carab midkoodna hadal, hooyaale, iyo haasaawe toona u habboonayn haddii aanay hareer isaga ridin heeryada saaran. 

 

Wuxuu wali sii wadaa dhaliilihii Dhulbahante wuxuuna kula taliyey in aysan ku wareegaysan wiilal geeljire ah ee haddii ay aarahoodii rabaan ay tahay inay dilaan rag Xaaji Cumar iyo Axmed Cige u dhigma.  Ragga nin-qarka ah sida Cawad Khuurshe, Jaamac Muruq-liqe, Maxamed iyo Faarax Suusle dila ayuu ku guubaabiyey. 

 

Abwaan Aabi Duulaa Maxamed oo aan la kulmay anigoo gabaygan taariikhdiisa baadigoobaya wuxuu ii sheegay inuu Maxamed ku wareegay dhammaan degaanka Ogaadeen intii uu gaadhi karay oo uu gabayadiisa ka tirin jiray goloyaasha geeljiruhu ku caweeyo, majaalista odyadu fadhiistaan, makhaayadaha la isugu yimaado iyo goob kasta oo uu cid dhagaysata ka helo.  Ujeedadiisu waxay ahayd in gabayga libinta ah la is gaadhsiiyo, dhinac walbana loo qaado.   

 

Wuxuu ku billaabay:

 

  • Ha’da maanso hooyaale gabay, halalka geeraar ah

  • In dhawayd habane Faaraxoow, iguma howlayne

  • Huqdi wax igu reebaan arkoo, waan hinganayaaye

  • Haaraanka Cali Aadankii,[1] nagu hifaateeyay

  • Halaagii ku dhacay Reer Barwaaq, holacii loogaystay

  • Kuwa hilinka bari qaadayoow, hal iga gaadhsiiya

 

  • Ragaad hurisay hiihdii madayn, haatan ka horow dheh

  • Isaaq waxaan ladaba heetinaa, hiija godobeed ba

  • Anigoo hamuun qaba waxaan, halowda dhowrtaa ba

  • La hubsaday hogaankii nabsigu, hiil usoo waday dheh

  • Ogaadeen xaqii laga hayiyo, saa'id buu helay dheh

  • Hurre wuxuu ganbiyey hayb dhanoon, hali u foofayn dheh

 

  • Togga Hulan Hundaha Ceeliseed,[2] Harada Gaaroodi

  • Haaruun Maxaadaar kobtuu, halab ku maalaayey

  • Hogga Dibuxul[3] huusada Bankiyo, Helelle[4] meeshiisa

  • Heeshiga Wardheer iyo Danood, Harasan guudkeeda

  • Gabogabo kob aan lagu hantiyin, heelki laga waaye

 

  • Hootiyo[5] waxaa lagu hanbaday, dhagixii Haaroode

  • Kuwii dalagga lagu hiifayaa,[6] heema saanyadaye

  • Hiyigii ku beenow intay, ugu hawoodeene dheh

  • Waatay Barbara haybsadeen, habaqlahoodiiye

 

  • Idinkaa dalkiinii u huray, Habar Xabuusheede

  • Hanba raacin mooyee horaad, uga hagaagteene

  • Hollin weyde heelkii Bad Weyn, Haradii Ceel Dhaabe[7]

  • Ka huleeshe howdkii sarriyo, haatan Caynaba’e

  • Ninaan Habarjecliyo Muusayoow,[8] ugu hoyaadaynin

  • Inuu Dhoodi hoos ugu dhacaa, haniyo weeyaane

 

  • Garaad Faarax[9] goortay hanteen, haatan ma ahayne

  • Nimaankii Nugaalba[10] hantiyey, ee horinna loo waayey

  • lyagoon u hawl galin  kuwii, habacsadee qaatay

  • Maanteey halqooqii dileen, Hagar u noolaaye

 

  • Hab wanaagasanow Ina-Cameey,[11] halanqihii moode

  • Haad iyo waraabaa calfaday, halaskii dheeraaye

  • Waxaa haanka loo jaray inaan, hali u diidayne

 

  • Raggu kala hanaan quruxsanoo, haybad kala roone

  • Haldhaa kacay lamoodyoow markuu, hab u taxaashaayo

  • Haashaarka laafyaha markuu, hagac kasiinaayo

  • Hanqalkiyo hareedkiyo gadhkiyo, dhabanka  hoomaalka

  • Iyo horin karoonoow ninkaan, qiimo lagu haysan

  • Haq waxaan idhaahdaa markay, igu hanqaaraane

 

  • Hab hadday martidu soo tidhaa, heelka gurigiisa

  • Hilbo loo qalyaa iyo xumbada, halab la siiyaaba

  • Anfacda markii loo hogbado, huri ogaantiisa

 

  • Had iyo jeer fagaaraha markii, la hindisoonaayo

  • Nin xun baa wax hamayaaqiyoo, haadiyoo dile e

  • Arrinkii qabiilku u hugmaan, heli ogaantiisa

 

  • Hindisaha kabdhoodka ah markii, la hanjaboonaayo

  • Meeshii jalbeeb lagu hayeen, had iyo khoof joogin

  • Majliskuu ka haasaawi jiray, hadal macaankiisa

 

  • Halakada colaadeed markii, la is hujuumaayo

  • Hayaay iyo hayaay maalintii, la isku harareento

  • Fulay baa habaarane naftii, hibadda loo yeelay

 

  • Nin xigaalkii soo haybiyoo, gacalkii hoomaayaayey

  • Heensaha gamaan lagu heliyo, hal iyo awrkeeda

  • Bakhayl lagama haagee ninkii, hagar la’aantiisa

 

  • Intaasoo dhan halyeygii lahaa, hadiba maayaane

  • Annunbow hiloobee tolkii, kuma hadaaqaane

  • Hinqanmaayo Hagar Aadanoow, waa hundhudhayaaye

  • Allaa hibay  habaarbaa ku dhacay, hebelladoodiiye

 

  • Shirshoore iyo waa habacsan yahay, Khaalid Habarwaaye[12]

  • Allaylehe hanaankay gobi lahayd, hurre wanaagiiye

  • Is-hoogaamis mooyee arrini, way ka hurudaaye

 

  • Waa laysku huguguumiyaa, haybta guudnimo e

  • Jifaa lagu hirtaa maalintay, hadi timaadaaye

  • Hanbaduu katagay Xaaji Cumar,[13] hogosho weeyaane

  • Heellada duleedkuu yaqaan, inuu ka heesaaye

  • Maxilaan habaas iyo galayn, hoori dirireede

 

  • Hurgun kuma hanaan jiro, inuu qolo u heelaaye

  • Caydiid nimuu waran la helo, lagu hankaagaaye

  • Halaakada kutaal Xiis mahado, had iyo jeer noole’e

  • Cabdullaahi Xaajuu ku hadhay, hadalkii ceebeede[14]

 

  • Laga howlbax reer Faarax Hagar,[15] hubanti weeyaane

  • Haasaasahoodaan ka garan, inay hungoobeene

  • Inay aarahoodii helaan, waa ka habartoode

 

  • Bah Ugaadh[16] hilow kuma jiriyo, nimay haleelaane

  • Hiyigoodu Reer Maxamed,[17] waa geel hawadintiiye

  • Hadhow bay nimaan horor ahayn, hebel yidhaahdaane  

 

  • Hafri mahayo oo ina Sii’arag, habas ka liitaaye

  • Hala raacis mooyee wax kale, looma haybsado e[18]

  • Hankii Cali Duraan[19] baaqay, iyo hadaladiisiiye

  • Wuxuu Ina-Baxnaan[20] haybsadaa, malaha Hiiraane

  • Hadduu higiro leeyahay arlada, wuu ka haajiriye

  • Haasaawihii Aadan-carab,[21] heli aqoon waaye

 

  • Illeen horin dhan lama koobiyoo, gabay halkoodiiye

  • Hadaa-qabiil[22] niman ahoon, habar wax yeelaynin

  • Oo hanadadoodii la jaray, hiil ugali waayey

  • Ogoobeey haween iyo caruur, ma hawo dhaamaane

 

  • Hartay uga dhasheen ficil rag, waw kala hamuumaaye

  • Hilbo waxay wadaagaana waa, higilka Daaroode

  • Hanti lagaga qaan baxo iyaba, heli ma waayeene

  • Waxay lahabradaan wayla yaab, hiil Allaa jira e

 

  • Ragse godobtii wuu haybiyaa, heeray gaadhaba e

  • Hadaad aarihiinii heshaan, haadu kala weyne

  • Haramacad weer iyo libaax, kala hagaag roone

 

  • Bahdii nimay u heedhaa qabiil, laga hawaystaaye

  • Cawad Khuurshe oon lala helayn, holoca baaruuda

  • Amaan Jaamac hilibkiisa weyn, haada la cunsiinin

  • Hogaduu fadhiyey Muruq-liqoon, heermay laga yeelin

  • Ama aan Maxamed lagu haanjarayn, haalig la afeeyay

  • Faarax Suusle oon lala hormarin, gumac haliilaaya  

  • Hadaydaan raggaa hidin karayn, haad in laga dhowrto

  • Ku hungowde Habar Yoonisood, Hawd kadayataane[23]

 

  • Huryo malaha xafiis nimaan, lagu halaakayne

  • Kuwa suuqa haashaarayiyo, hebelo raadgooya

  • Raggiinii kobtii lagu hantiyey, dhiig ku hagac siiya

  • Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye

  • Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiina


 


[1] Cali-dhuux ayuu u jeedaa

[2] Waa ceelasha ku yaala Togga Jarareed ee Bullaale ugu caansan yahay

[3] Elele: haro ka mid ah harooyinka ceelka Karoodka (Qorraxey.)  Abwaanku erayga wuu jabiyey oo wuxuu ugu yeedhay helele si uu qaafiyadda gabayga u waafajiyo

[4] Dibuxul:  kuus ku yaalla Banka Qorraxey dhankiisa bari

[5] Hooto: waran yar.  Hooto dhagaley

[6] Dalagga lagu hiifayaa:  dalaggu waa beerta, hiifiddana wuxuu ula jeedaa kuwii lagu caayey ama lagu ceebiyey

[7] Ceel Dhaab: degmo ka tirsan gobolka Togdheer oo degaan Dhulbahante ahaan jirtay, maantase Habar Jeclo ku dhaqan tahay

[8] Muusayow: Muuse Ismaaciil iyo Muuse Carre ayuu ujeedaa. Waa laba jilib oo jilbaha Habar Yoonis ka mid ah

[9] Garaad Faarax, Garaad Shirshoore, Habarwaa, Dhulbahante.  Waa qoys kulmiya badanka Dhulbahanteha Ciid iyo Hawd sida Bah Ararsame, Barkad, iyo Axmed Garaad oo isaga naftiisu kulmiya Hagar, Cali-geri, Wacays, Faarax iyo Mahad.  Waxaa lafahaa Dhulbahante afka u dhigtay jilibyo Habar Yoonis iyo Habar Jeclo, Isaaq, ku kala aroora ayuu Maxamed Cumar aaminsan yahay

[10] Nugaal:  Tog dheer oo kasoo rogmada Cayn oo badda degmada Ayl kaga dara.  Degmooyinka Garoowe, Laascaanood iyo Taleexba wuu maraa

[11] Xaaji Cumar Cameey: Dhulbahante, Reer Hagar, Reer Aadan Hagar.  Burco ayaa niman Habar Yoonis ahi ku dileen

[12] Shirshoore Habarwaa iyo Khaalid Habarwaa:  Labada lafood ee Dhulbahante badankii u kala baxo

[13] Xaaji Cumar Cameey

[14] Dhawrkaa meeris wuxuu ku taxay raggii uu Xaaji Cumar ifka kaga tagay ee aarahiisa lahaa oo uu ku tilmaamay inay arintaa gacmaha ka laabteen xumaan awgeed

[15] Reer Faarax Hagar:  qoyska Samatar Baxnaan iyo Aadan-carabba ka dhasheen.  In aanay iyagu tirsiba lahayn, inay aarahoodii helaana aan loogaba fadhiyin ayuu sheegay

[16] Bah Ugaadh:  Reer Axmed Cigaal,  Reer Maxamed Cigaal, iyo Reer Carraale Cigaal; saddex jibsin oo Reer Faarax Hagar ka mid ah

[17] Reer Maxamed, Reer Faarax, Reer Hagar:  Qoys Reer Hagar ah, waa midka Samatar Baxnaan ku arooro

[18] Axmed Cige Sii’arag nin la dhashay ayuu ujeedaa.  Geeljirenimo mooyee in aanu hawo kale haynin ayuu ku ceebiyey

[19] Cali-duraan:  Cali-dhuux Aadan Goroyo

[20] Ina Baxnaan:  Samatar Baxnaan

[21] Aadan-carab Yuusuf Axmed

[22] Hadaa-qabiil: Tol badan ama laandheere ah

[23] Siddeeda meeris ee kore wuxuu Maxamed ku tilmaamayaa raggii nimankii la jaray ee Dhulbahante aaraha u noqon lahaa.  Wuxuu magacdhabay dhawr nin oo la heer ahaa Xaaji Cumar Cameey iyo Axmed Cige Sii’arag. 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.