Home

Damane

                                                   Maxamed Cumar Dage 

 

 

 

Gabayagni waa gabaygii ugu horreeyey ee Maxamed Cumar Dage ee Silsiladdii Rayad.  Wuxuu dhinaca saarayaa gabayaagii ka horreeyey ee Ogaadeen, yoolkiisuna waa Dhulbahante guud ahaanba.  Dhacdooyin uu shaahid u ahaa iyo kuwo looga sheekeeyeyba isagoo kaashanaya ayuu dhinaca Dhulbahante u diray gabaygan, isagoo Cali-dhuux si gooni ah ugu halqabsanaya, dabacsanaanta tolkiina u taxaya.   

Waxaa la wariyey in Maxamed Cumar Dage  dhashay abbaaraha markay silsiladdu curatay, qiyaastii  markii uu labaatan jirsadayna uu tiriyey gabaygiisan ugu horreeyey gabayada dhawrka ah ee uu silsiladda ku leeyahay.     

Maxamed wuxuu Cali-dhuux u sheegay inaan loo baahnayn af aan daacad ku hadlayn, loose baahan yahay in wax layska dhiciyo, Dhulbahantase ay wax-iska-caabin oo dhan ka gabangaabsadeen, gacmahana ka laabteen dadnimo xumo iyo fulaynimo darteed.  Wuxuu tirinayaa dhammaan dhulkii Cali-dhuux carrabka ku dhuftay isagoo leh dhulkanagii waa noo hantiyee, kaagiise away?  Wuxuu  tilmaamay adhax-jabkii uu aaminsanaa in Ogaadeen u gaystay Isaaq iyo siday u udulufeen markii ay waayeen difaacii Ingiriiska.  Wuxuu tibaaxay dulliga haysta Dhulbahante oo nin doorkoodii Isaaq xakawda ka wada jaray dhiigoodiina cawska mariyey.   

Wuxuu la yaaban yahay sida Dhulbahante aanu diyaar ugu ahayn inuu u aaro raggiisii qaaliga ahaa ee ciyaarta iyo kibirka Habar Yoonis u laysay.  Waxaa kale oo uu guubaabinayaa Dhulbahante una caddaynayaa inay waajib ku tahay baadigoobka iyo u dagaalanka xaqa ka maqan.  Nimanku xumaa sideebaa hal nin oo gacanta qaada looga waayey ayuu is weydiiyey?  Wuxuu yidhi:

  • Waayahanba dacniyay maansaduu, dahabku saaraaye

  • Dudunkaan u rogoy dhawr sabaan, yuu ku daayimaye

  • Xalunbaa dabuubtiyo himsigu, wax igu daareene

 

  • Abtirsiimo waa dacar jinnoo, waan danqanayaaye

  • Dalkii nimanka tagayow fariin, dowga qabadsiiya

  • Dadka kale ha joogee warkaa, Cali dareensiiya

  • Deelqaafku waa ba’an yahee, daacad ugu sheega

 

  • Doqonkii laguubaabin jiray, dib u guhaadow dheh

  • Ogaadeen Dannood iyo Dig iyo, durugsay ceelkii dheh

  • Iidoor dalaalsimo kawaa, Doollo iyo Ciid dheh

  • Daratoole iyo Faafan baa, daakhilkii yahay dheh

  • Deegaanta Iligeedne waa, dagal Makaahiil dheh

  • Deris nimaan kujooginina waa, daaqi Xodayood dheh

 

  • Daahyaale loo aar colkaad, nagu dankayseen dheh

  • Dagaagoodu waa kuu tubnaa, daarihii Erer[1] dheh

  • Haddaan gaalku noo dilin lsaaq, Deleb ma maaleen dheh

 

  • Majeerteen dagaalkii dhawayd, duni u siigee dheh

  • Daandaansigii Reer Islaan, Sacad u daaduun dheh

  • Nin dakano ka haystooy arkaan, Sade ma daayaan dheh

  • Daaroodka kale waa hayaa, ficil dagaalkiiye

  • Dacashii Garaad Faarax baa, daad kasoo galaye

 

  • Darxumoode nimankii fadhiyay, darar Nugaaleed e

  • Demeni iyo baqdini waa miday, dir u lahaayeene

  • Dulligaad Dhulbahantoow qabtaan, Doyna laga sheeg dheh

 

  • Goortay shamsadu duugantee, dan u madoobaato

  • Dam haday tidhaa goroyadaan, daaq u noqonayne

  • Wax Ia da’ah dunjiga Aadan Hagar, duq iyo waayeelba

  • Kobtii Xaajigii lagu dag dhabay, kama dareeraane  

  • Arliguu dangiigo u ahaa, laga dabayloowye

 

  • Sidii xoon laxdiisii dunteey, ugu dul meeraane

  • Isagu aakhiruu degay Illaah, deeqii haw furo e

  • Maxilaha dumaasha u hadhay, dacari haysaaye

 

  • Danqan maayo Reer Faarixii,[2] damaca waallaaye

  • Axmed Cigana duugow haddaan, lagu danbaabayne

  • Daynkoodu Habaryoonis waa, lagama doontaane

  • Dabcigii xumaa iyo lawaa, daalunimadiiye

  • Qoomkii Illaah dooriyaa, diiranaan ma lehe

 

  • Ararsame[3] dagaal kumajiroo, daacad dhiib noqoye

  • Cali-gerina ka duugow dil, iyo laayaan dheh

  • Kuwii danabyadoodii la jaray, dakhar ma gaystaane

 

  • Doolaabta naagaha xidhiyo, duub caddiyo weerka

  • Agoomaha ilmada duugayiyo, dumarka booyaaya

  • Kama diilalyoodaan kuway, duray wadaageene

 

  • Dabka iyo magliga waa hayaan, la isku dooxaaye

  • Hadday faro wax daawayni, duul dhan baa hadhaye

  • Ma dad yare e Eebow xukmiyay, inay dulloobaane

 

  • Allaa dilay nimaan diin lahayn, oo dariiqo ahe

  • Doorsoocadkii Muusayoow, yuu ku daayimaye

  • Ku dikada dilkii ina Cameey, Daayin baa jira e

 

  • Dunta  kama jalaadeen hadday, dirir ku quustaane

  • Dulligeey ku raaliga noqdeen, lalama doonayn e

 

  • Niman aar ku deeqiyo qabiil, dagan ma waayeene[4]

  • Odayaal mushaar loo dalbiyo, kheyrki baa dihine

  • Dab nin kaliya oo shida miyaa, duulka laga waayey.


 


[1] Erer: Hargaysa

[2] Reer Faarax:  Reer Faarax Hagar, Dhulbahante

[3] Ararsame:  dhawr jilib oo Dhulbahanteha Hawd dega ka mid ah ayaa Ararsame la isku yidhaahdaa. Reer Hagar, Reer Carraale Mahad, Reer Wacays iyo Reer Cigaal Naalleeye.  Saddexda hore waxay isku yihiin Aadan Axmed, dhammaantoodna waa Axmed Garaad

[4] Niman aaro gal oo waliba dagan ma waayin ee xumaan kale ayaa haysa ayuu ujeedaa

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.