Xaflad
lagu maamuusayey daahfurkii Kulyadda Lafoole, kolkii ay noqotay
kulyad madaxbannaan badhtamihii 1970aadkii, oo isla Lafoole lagu
qabtay ayuu Dhoodaan gabaygan ka tiriyey. Maxamed Siyaad iyo
madaxdii Kacaanka midi kama maqna, seefta Tawradduna way xiiraysaa.
Billowga wuxuu gabayaagu ku halqabsaday nin wadani ahaa oo la odhan
jiray Maxamed Ismaaciil. Ninkaa Soomaalidii Ingiriiska dabadhoonka
u ahaydi waxay ku naanaystay Balaayo-cas, kolkii xornimada la
qaatayse waxaa loogu baddalay Barkhad-cas. Isagu wuxuu nebcaa bisha
Febraayo oo wuxuu xusi jiray wakhtiyo badan oo uu gumaysigu Afrika
hoojiyey bishan dhexdeeda. Sanad walba markay Febraayo soo dhawaato
ayuu isla kacaa oo uu ku balweeyaa
Bishani waa bishii tolkeen ba’ayey; bishani waa bishii balaayada eey
Dhoodaan
isagoo ujeedadiisu tahay in ninkaa taariikhdiisa la muuneeyo ayuu
gabayga billowgiisa ku xusay. Dabeed wuxuu ka hadlay qodobo
badan oo uu Kacaanku ku dhawaaqay, hirgalintoodana balanqaaday hase
yeeshee aan waxba ka fulin. “Waa la yidhi ee ma yeeleen ayaa meesha
ku jirta. Waa maya.” ayuu Dhoodaan yidhi. Erayo ammaan u eg asii
gabasho ah ayuu ku hormaray. Ninkaad gaadayso ninbaa loogu gabadaa,
sidaa darteed dhufays ayuu qaadanayaa oo inuu isa soo mutuxo
dabadeed ay seefta waalidu la tagto, ama uu u ilduufo oo ay
durba fahmaan oo ay yidhaahdaan ninku saw kii saa yiri ma aha
ayuu diidan yahay. Wuxuu doonayaa inay fahmaan mar uu ka tashaday
oo uu Jawhar kor u dhaafay.
Intaa ka
dib, wuxuu u gudbay hadafkiisii dhabta ahaa oo uu weerar ku qaaday
Maxamed Siyaad. Bishimo gaabnaha iyo burjuwaasiga ciilka
qababa waxay ku dhacayaan Ina Siyaad. Dabeed wuxuu u gondodegay
xalkii, waana halkan meesha uu gabaygu afgembiga buuxa noqonayo.
Wuxuu ku dirayaa raggii saraakiisha ahaa ee dhuunta wada casaa oo uu
leeyahay ninka dadka iyo dalkaba ka qabta.
Markii
uu Harar tagay ee ay gabayadiisii badnaa ka baxeen idaacadihii Addis
Ababa iyo Harar ayaa wuxuu Kacaankii Xamar ka talinayey afarta fool
iyo afarta adinba isugu geeyey sidii uu u heli lahaa gabay uu
Dhoodaan ku amaanay Tawradda. Rag badan ayaa la hawlgaliyey oo
xataa Jacburkii ayey ka baadheen. Waxay u daydayayaan oo ay
muhiimaddu tahay inay isku garaacaan gabayadiisa ka baxa Harar iyo
Addis Ababa iyo kuwii uu horay uga sii daayey Soomaaliya, sidii ay
isu garaaci jireen maansada rag kale oo badan oo uu ka mid ahaa
Cabdi Muxumed Amiin. Cabdi waa kii Xamar kaga heesi jiray:
cimrigii jiryow caynaanka hay, hay, hay, waligaa hay, kolkii uu
Itoobiya tagayna waa kii lahaa: cimrigii jabyow caynaanka daa,
daa. Laba-aflayntaa ayey ka faa’iidaysteen oo intay rag
aftahamo ahi isu dabamaraan ayey odhan jireen “Cabdi ma hadda oo uu
cadowga u galay ayuu quman yahay mise markii uu sidan halkan ka
lahaa ee uu Xamar joogay ayuu qumanaa.”
Daydaygii waxay kusoo heleen Qalbi Karbaash. Aad iyo aad ayey u
riyaaqeen oo telefoonkii iyo fariintii ayaa waashay - isu kaalaya
waa kanee. Qalbi Karbaash aad ayaa loo dhagaystay. Wuxuu soo
maray Oktoobar Kacaankii dhashee baylahtiray ciidda, nimankii noo
baaqay arintoodu way fiicnayd, nimankii saa yidhi ee saa yidhi, ee
taa yidhi ee taa yidhi oo waxay yidhaahdeen oo miidhan ah. Kolkii
uu gaadmadiisii bogtay ee uu soo gaadhay:
Laakiin bishimo gaabnihii dib u biqlaynaayey
Eee
bariba nooca u ekaa haatan soo badaye
ayuu
dhaylaaskii qaayisay oo dib u gudhay. Afkaa dhagta laysu wada
saaray, hooga, adoogaa Alla shid, war ma gabaygakan baa taageero
ah! In gabaygu afgembi buuxa yahay ayaa layska dhaadhiciyey.
Intaa
waxaa weheliyey Dhoodaan oo idaacadii Harar gabaygan iyo kuwo kaleba
kasoo macnayn jiray isagoo Maxamed Siyaad ku leh “kuwii ku ag joogay
ayaa fahmi waayey ee gabaygu waa afgembi buuxa.” Si kastaba ha
ahaatee, Kacaanku waa uu waayey, hal gabayna Allaha ka dhigee, mid gabayada
Dhoodaan ka mid ah oo uu ciirsado. Qalbi Karbaash wuxuu ahaa:
· Abwaankii buxuur ihi markuu, gabayga baandheeyo
· Bidili
weeye bayduu ka tagay, ood bedeletaaye
· Rag horaa bisleeyeye intuu, gun iyo baar sheegay
· Markhaatiga bakhayl yaanan noqon, uga ba’aayaaye
· Barkhad Casba sidduu Feberweri, bacawnimow saaray
· Sannadda isku buuxda intay, kaa dul bilanayso
· Mid bay bilidu kaa foorartaa, oo balaayo ahe
· Midna badhaadhihiyo khayrba, waa lagugu beegaaye
· Bishan ay tilmaameen iyadoon, dhawr kal barakownay
· Mar ay laba tobnaad
buuxsantayoo, barina sii dhaaftay
· Birmadkiyo kacaankii dhashayee, baylah tiray ciida
· Ee booli quutaha eryiyo kii, shacbiga boobay
· Ee gacal isbiirsada ka dhigay, beeshii kala guurtay
· Ee bannaanka maatadii qubnayd, beer cunto leh geeyay
· Ee inay sirteenu baxdiyo, baadi ka ilaashay
· Ee baankii noo soo dhacshiyo,
waliba batroolka
· Ee yidhi bilaash nama dhaqdee, aan runta u baydhno
· Ee yidhi xaqiyo baadhilkii, aynu kala baadhno
· Ee yidhi ninkii boobayow, joogso bi’i waaye
· Ee webi butaacsada na yidhi, oo baryada diida
· Ee yidhi dhaqaalaha badh bay, naga bulaayaane
· Innaba beero aan yeelanee, badar inoo shiida
· Ee yidhi jahligu waa balee, aan tacliin barano
· Ee boqol kun baadiye u diray, oo buraashado leh
· Ragga bigilka dheer noo tumiyo, madaxda noo baaqday
· Barwaaqo iyo guul baan Illaah, uga baryeynaaye
· Iyagiyo bishay noo kaceen waa, wax loo bogo e
· Haddaan nahay bar iyo hawlwadaag, bacad kasoo guuray
· Amaan nahay walaalihii la baxay, tawrad barakaysan
· Durba si aan baqoolaha filkeen, baac u wada dhaafno
· Waa inaynu boogtoo dhan iyo, bararkii doonaaye
· Dabeedna ay bogsootaa halkii,
cudur la buurrayde
· Balan adag sidii loo dhigtayeen, daacad ugu baaqnay
· Ama hawsha laysugu barteen,
barantankaw yaacnay
· Bilcan iyo duq booshiyo dhallaan, ama barbaar wiil ah
· Nin beerliyo nin baadiya jiriyo, balad wixii joogay
· Burhaantii Siyaad noo marshiyo, baaqii golaheenna
· Bayaan amarkii way noo fareen, badhaxna ma ahayne
· Laakiin bishimo gaabnihii dib,
u biqlaynaayey
· Ee bariba nooca u ekaa, haatan soo badaye
· Burjuwaasigii ciil qabay baa, buul madoow galaye
· Hadba wuxuu mid soo buufiyaa,
amuu bilkeydaaba
· Badhar jaad ah madax loo gadoo, biir cabtuu helaye
· Markaasuu barkimadow dhigtoo, been ku duufsadaye
· Basarkaa inay suubiyeen, waxaa buruufkii ah
· Ha bariidsan beecqaali iyo, badaw cabaadkeeda
· Barbar kale markaan fiiriniyo, suu dadku u buuqay
· Billaahi baan ku dhaartiyo Allihii, baaqiga ahaaye
· Gardarro loo badheedhaa jirtoo, laga baroortaaye
· Shaqaaliyo reer balad qofkii, bayr la galansiiyo
· Madaxduna u baantaa xafiis, wuu ka baygagiye
· Xaq bidhaamay oo jira qofkii, laga bacaad saaro
· Wax baan kuu bannaanayn haddii, lagula soo boodo
· Waa si ay niyada baariga ah,
uga baduugaane
· Berri maxaan sameeyaa unbuu, baaqi ku ahaane
· Inkastuu bad qabay ruuxu sow,
dan u bukoon maayo
· Oo qalbigii budh weyn lala dhacaa, soo burburi maayo?
· Boqno-gooye saasaa jiroo meel, u baarqab ahe
· Dhawr
badatay iyo reer haddaad, bahal ka oodayso
· Bilcil iyo haddaad geed quwaax, buuran ku adkayso
· Dugaagii baruur cunni jiraa, bawd ka soo dhiciye
· Buntukhaagii fiicnaa adigoo, boodhka ka afuufay
· Bariisada haddaad raadsatiyo, waaga barigiisa
· Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo, buruqdii kuusnaydba
· Buur iyo dhul baadlaba intaad, bixiso raadkiisa
· Barbarkii dabayshiyo urtana, aad isaga buusto
· Isagoo bogga cadaynayoo, geed barqadii jiifa
· Intaad bidix kasoo toogataad, balaq ka siisaaye
· Sidaasaad libaaxii ba’naa, kaga badbaadaaye
· Kuwii baday dadweynaha sidaa, amaan ka booyayno
· Raggiina aan baqayninoow inaad, baafisaa jidahe
· Oonu booca saad ugu dhegtaan, baga nidhaahnaaye
· Haddii kale baq dhay lagu daraybaa, barradii noo yaale
· Buqbuqood hadduu subag burcada, dhali baxnaaneeya