|
|
- Markay
macanjileeys yeelatay, marin haboowdaaye
- Markii
mudanayaal iyo marwaba, taa la maqashiiyo
- Soo maca
dadaalkii markaa, looma mucurtoonin
- Dagaal
lays maqiiqiyo colaad, maato doox noqotay
- Mir
cawaysin mootaha digliyo, miino qarax weynta
- Mindiyo
magliga laysku dilo, ama magaageeda
- Wax la
midoo ka meecaano culus, maanso dirireede
- Manfac
kuma leh midho loo badshiyo, kays marjinayaaye
- Anigoo
malkadii kaa tusayoon, gabayga miisaamin
- Hadal
lagu mashquulaba anoon, idinku miidhaynin
- Menad
dufa tuduc ahna waan, soo magaa’imayee
- Maawelo
kii sugahayoow, waa masalo dheere
- Ummad
lagama meehaahi karo, kii madcuulna ahe
-
Murtadkiyo ma kafaaruhu way, wada dhexmaaxaane
-
Malaanmali af-miinshaar ahaa, idin muqlaysiine
-
Managaduhu waa muush ciidda, mirishdhabaayaaye
-
Xornimana wax kala muuno roon, inaad macsuuntaaye
-
Naftii-hure mintidyaan arkiyo, xuud mushkiladayne
- Maduud
yare maragtii baqdayoo, meehanoow filaye
-
Marmarsiinyo doonkii cabsaday, malag ha qaateene
-
Malafsadaha maaxdumi ha dhuro, miida beenta ahe
- Baq
maacuudi buu taabici, oo masayrsane
- Mur
haynoo walaaqeen kuwaan, malabka siinaaye
-
Muluhmalahdaa laynagu makalay, haba la meereene
-
Minja-xaabinteenii basaas, haw mir-kaco fiide
-
Mas’uulkii canaadtami jiriyo, macangag yeelkoode
- Kolkay
miirdillaacina Allaa, maamulkeed garane
- Miraa
Maxamed saa u galay, ama labays maagtay
- Maamuus
dhac weeyaan haddii, madal la joogaaye
- Waa
waxaan afkaygana marayn, moogga haatan ahe
-
Mutuxaadna uma baahanee, waan maldahayaaye
- Mucyilka
u leeb waa midho berdiyo, maro hagoogaase
-
Makaytana wuxuu yidhi kolkuu, berigii maansooday
-
Maleegiyo Amxaarkii diroow, waaba noo mahade
- Oo
mooraalka weeyaan hubkuye, Ruush ha moodine e
- Isna
sheeg run aan midhif lahayn, Eebahay magane
- Shantu
inay midoobaan kuwii, loogu muctisooday
-
Muqdishiyo Hargaysaba dantii, lagu mataaneeyey
-
Madaxtooyadeediyo shacbigoo, midig na siinaaya
- Haddaan
beenna loo kala maqnaan, soo midh bixinteeda
- Waa
inaan ma kala maaranee, meel isugu gayno
- Mabda’
eena guud waa ta saa, lagu muddaysnaaye
- Musuqiyo
madhoodhaday wataan, macallin shaydaanku
-
Madmadoow xilla igula jiriyo, maandhoow talo seege
- Kuwa
macandideenii ku manay, Mooskana u yeedhay
-
Maamuustii Soomaalinimo, inay na maydhaamin
-
Mayalqabe kadeed baan rabniyo, hawl masaafo lehe
-
Milayganina yuuc buu ka yahay, inaan milkownaaye
-
Marxal dhaafay baan taaganahay, goor aad murantaane
- Naf
meeqaan xun baa nooga daran, mootanaanshaha e
- La
meerayso ciil waxaa karoon, mayd inaan nahaye
- Midna
wuxuu jeer fog yidhi, laguna maahmaahay
- War ma
dhabannadaydaa wajiga, lagu murmaayaaye
- Iddinna
manaamadin marooree, maalintii Axadda
-
Adduunyada mardabo waa jirtiyo, boob muquunsiguye
- Waxaa
murugo iyo qoomamiyo, maaqashiyo ciil leh
- Maskax
iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liitay
- Markuu
adiga sharaftaad lahayd, kaa maroorsado e
- Malow
bee mayrigii aadmigaa, maan wareer dhaliyo
- Markii
lays mahoobiyo wataa, mawd ka xoogsadaye
-
Maxmaxaysatadii Cawke yidhi, teer ku miidhaniba
- Mar
kastaba dhac muuqdiyo hadday, maya la fiicnaatay
- Ooy
magacii Soomaalidaan, kaa maldihi joogto
- Sidii
loox aad maydheen iyadoon, loo masixin teeda
- Haddaad
moobarayn kale gashaan, madhasho yeelkeede
- Markhay
wayga duuf iyo xarrago, inaan mushaaxaaye
-
Majaraar-dillaac baan warqado, maalmo sii qoriye
-
Saddexdii markhaatiga noqday ee, magac rag uu yeelay
- Mindi
xanaf leh baan qaadanoo, meeshii kaga goyne
- Maxaa
yeelay ceeb maaxatay baan, ugu jiraa moole
-
Madadaalo waxaan looga dhigan, maansadaan tiriyey
- Inay
muusonow tahay waxaan, kaaga marag yeeshay
- Madluun
baan ahaye sidan mujtamac, uguma maadeyne
- Maroor
baan arkaye sidan mujtamac, uguma maadayne
Tixraac: Garnaqsi:
Maansadii C.M.A Dhoodaan. Qore: Maxamed C. Gurxan |