Home

Daba la'a (1976)

                                                  Macallin Dhoodaan 

 

 

 

Dabayaaqadii 1976kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan rakibay gabaygan isaga oo ugu jawaabayey niman dawladii Maxamed Siyaad ergo u ahaa oo gabayo usoo diray, nimankaa oo aad magacyadooda ka heli doonto gabayga dhexdiisa.  Waxaa ka mid ahaa, haddii aan dhawr xuso, Yuusuf Dheere Maxamed Sugaal, Cabdi Sheekh Biixi, Siyaad Daa'uud, Yuusuf Colaad iyo kuwa kale.  Gabayada raggaasi tiriyey waxaa ka mid ahaa Hooskii, Dalka Hooyo, Wargubtaanyo iyo mid Caynley la baxay.  Jawaabtii Macallinkuna waxay ku billaabatay:

  • Asalkiina hadal aan dadnoo daahle, inaan sheegno
  • Iyo ku aan daboolayn inaan, dibadaha u saarro
  • Labadaa dariiq baa miduun, dawga ku haboone
  • Markii docadocays loo waday, daala dhaaf imane
 
  • Sidaa iyo darted maansadii, layska daba keenay
  • Ma diidaniye qaar waan hubaa, daw inuu yahaye
  • Hayeeshee badhkeed waa daleen, amase deel-qaafe
 
  • Kama dhigin macnaha doodif iyo, deero ka hal wade
  • Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is dabayaacay
  • Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane
  • Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duq baan ahaye
 
  • Deleb iyo shax labadaa mid baan, dheel u degayaaye
  • Dixiyo dareemiyo ridhmiyo, duurba kala jaade
  • Cagaar roobkii dayr hore baxshiyo, dogobna waa geede
  • Haddaan damal ku weydiinayood, dhir isku duudqaado
  • Dur iyo daabacay kala noqdaan, haysku daar toline
  • Ninkii awr dibjiray goobayoow, duunyo hay odhane!
 
  • Inaad doomanaysaan kolkii, gabay la doonaayo
  • Hal duwaaya dulucdaad rabteen, looma daawado e
  • Adoo xubinta sii daawadayoo, tii macna leh doortay
  • Waa in midhihii lagu daabacaa, ha is dabooleene
 
  • War maansooyinkuu diray Siyaad, amuu dabayl raacshay
  • Ragga dookha Ina Ciise lee, dumarada u heesa
  • Halkay daaranayd waa sidaa, dulucdu Caynleeye
  • Mar labaad kolkaan dayo tixdii, deel ku soconaysay
  • Kollay damacu waa fiican yahay, oo ku diirsadaye
  • La durduri fariintaad lahayd, xuurtii dalandooshay
  • Walow ujeedada duleed kaa, dadaal noqotay
  • Waxaa jiray odhaah kaa dustoon, laga digtoonaane
 
  • Doqonimiyo badow laysku sheeg, oo dacaayad ahe
  • Kaftankii duleedada markaan, taa isaga deyno
  • Daliil run ah markii lagu socdeen, daacadda u baydhno
  • Diirdiiranaanshaba haddii loo, dacwiyo maanta
  • Amaan lagu danbaabayninoo, beenta laga daayo
  • Taariikh aan dumayn baa, u taal degalladeenaase
 
  • Siyaadoow dadkeeniyo cabsidu, waaba kala duufe
  • Hundo Dixa dul iyo dooxo iyo, duudo iyo laago
  • Docda Nogob ah togag soo durdura, daacadii webiga
  • Hadday tahay dhul reeruhu degaan, amase daaqeen leh
  • Ama dooggii haro buuxsantiyo, ceel diraac-shubad leh
  • Maansada dhulkii daraf ka daraf, Yuusuf kaga daalay
  • Dabdhac geesinimo loo qiraa, waa intuu dego e
  • Geerina dadkeenaa ma jiro, ruux ka didayaaye
  • Cabdi Walina aan kuugu daree, tuu dareerinayey
  • Kelmad dalab lahayd buu yidhi oo, waan dareensadaye
  • Dogob iyo gidaar kugu dumiyo, daad ku jiidanaya
  • Naftu wixii dardarayoo kalay, dhaax ka durugtaaye
  • Marse hadduu dad kula qayr ahaa, sharaftii kaa diirto
  • Siday kuu dulleeyaan haddaad, cadho la diihaasho
  • Adoo dibinta ruugiyo isagoo, kibir la diidaaya
  • Darbad kugu gubyaa iyo dibtaa, dacar ka leeftaaba
  • Waa inaad dubaha qaadatood, kaga dig siisaaye
 
  • War duudkaaga ceeb saran iyo, diilintiyo jaaha
  • Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufa ahe
  • In kastood difaacdo oo warmaha, lagugu daaduunsho
  • Siday kuu danqaan nabaradaa, diifta kugu reebay
  • Isagaba dilkaagaa u dhibiyo, dakharadaadiiye
  • Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e
 
  • Daafidaanse kaa qubi kaa tidhee, digirta siinaysay
  • Kamaad daadinayn dheef duxliyo, doobi caano ahe
  • Waaba digo ka saydh taasi oo, darib u geedeeye
  • Wararkiinii daanyoon markii aan, isla doondoontay
  • Rag dayuurad iyo taangi loo, Saam ku diriraaya
  • Oo ciidan soo dumi karoo, dawladnimo haysta
  • Iyo qalab rag daydayan hayoo, dalal xoraynaaya
  • Oon dunida loo sheeginoo, doocba laga haynin
  • Oo hoosta laga duugayoon, dibadda gaadhaynin
  • Oon deeq rasaaseed helayn, daynna cidi siinin
  • Oo wali dakanadii maqnayd, diilalyo u hayso
  • Oo dabar xanuujiyiyo hoggaan, lagu dadaabeeyay
  • Labadaa dariiq baad miduun, degashanaysaane
  • Dubaaqiinu suugaanta maag, walise diimoone
 
  • Ina Biixi hooskii dayacay amuu, kasoo dayrshay
  • Malaha wiil kun-doofaarre oo, maal dudada buuxshay
  • Oon weligii doog iyo abaar, darar ka waayaynin
  • Inuu buur dilaacshana karoo, xoog dardar ah haysta
  • Oo guurkii dacar loo marshayoon, dumarba eegaynin
  • Doob-guun sidaasuu rabaa, inuu duraantaaye
  • Yuusufna waaba dow inuu yidhaa, da’ Allay badaye
  • Nin da’ yari hadduu soo tirshooy, maanso xagal-daacdo
  • Daldaloolkii ay yeelataa, laga dulqaataaye
  • Kuwa lala degdegiyee dhawaan, dilaya taariikhda
  • Haddaan madaxu idin daalanayn, amaan la doorsoomin
  • Hal delagan maxaad ugu darteen, waa duntii gabaye
 
  • Wararkiinii dayraa markii aan, isku duudqaado
  • Haddaad dayr rimaysiyo haddaad, been durdurinayso
  • Dabalaay inaad gugan dhashaa, taladii loo daystay
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.