Home

 

Aadan Yuusuf Axmed (Aadan Carab)

                                                    Geela

Minister
Dhul-u-Dheer
More to come...
 
 

Aadan Carab wiiluu dhalay ayaa in badan caano isiiyaay ku ooyey markaas ayuu abwaanku damcay inuu tusaaleeyo sabiga in geela iyo caanihiisu aysan ku iman oohin iyo af-kala qaad midna ee ay ku yimaadaan dhaqasho iyo dhac laga soo mooro-duugo kolba ninkii haysta.  Wuxuu yidhi:

     1. Geel ninkaan dhibaatiyo u gelin dhac iyo boob toona

     2. Oon dhaan wareego leh u rarin webiga dhuuxiisa

     3. Aan suu dhabbaha ugu taagnaa dhuuban sabarkiisu

     4. Oon rareyga dhoomaha u sida boqonta dhiidhiibin

     5. Oon hilibka dheecaan ku cunin dhamac intuu saaro

     6. Oon wuxuu shul maaxaba jufeyn dhuuba xeradeeda

     7. Oon sida dhireed ugu tuman dhaawac iyo meydka

     8. Oon goobta kaga soo dhugsiin dhaanto iyo siidhi

     9. Oon aan saami dheeraad ku jiro gacanta loo dhiibin

    10. Hadduu yidhi dhanaan iyo qabow igu dharaar siiya

    11. Anigaa dheg weyn ehe i geli dhiiqo iyo ceebe

 
 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Email Us|Dhoodaan|Sayid Maxamed|M.C. Dage|Qamaan|M.C. Beenaleey| Raage Ugaas|Kaadheeri|Guba|Singub|Contact Us
Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.