Home

Ismaaciil Mire

                                  Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Maxaa Xiga
Guuguulayhow
Iibsi Lacageed
Xoogsi
Hashii Markab
Isma Oga
Annagoo Taleex Naal
Gelin Dhexe
Galow-Kiciye
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Nin la odhan jiray Carab Dheere oo kibir tadhahay, Goboladda Waqooyi wax Alla wixii uu doono ka sameeyay Ingiriiskuna baardaajinayey, ayaa waxaa la wariyey in wiil u yimid oo weydiistay gabadh ay walaalo ahaayeen.  Carab ayaa weydiiyey wiilkii oo "maxaad ku falaysaa gabadha?"  Waan guursanhayaa ayuu wiilkii ku jawaabay.  Carab ayaa asgartiisii faray inay wiilkii toogtaan.  Sidii bay yeeleen oo wiilkii rasaas huwiyeen halkaana qudha uga qaadeen.

Niman odayaal ah oo gardarada ninka miskiinka ah loo toogay la yaaban ayaa Carab Dheere  weydiiyey  sababta uu wiilka u toogtay wuxuuna ku jawaabay: ninka anigoo Carab Dheere ah, oo maanta jooga, wixii aan doonana samayn kara, il-adaygiisa intuu ii yimid walaashaa aan guursado ee isii yidhi, barrina anigoo igu odhan doonaa aan "ku waso!"  Intaa ayuu wiilku qoonsaday ayuu odayaashii ugu jawaabay.  Wax la filayey dhaqanka Soomaaliyeedna lug ku leh ma aha, Carabse wuxuu ahaa nin asiib wado.  Odayaashii af-kala qaad iyo amakaag ayey kala soo tageen goobtii. 

Intaasi markay saa u dhacday ayaa waxaa suuqa Burco ku kulmay Ismaaciil Mire oo maqashiisan falaadxumada uu Carab ku kacay iyo Carab Dheere.   La is nabdaadi oo la kala war qaaday.  Carab ayaa dabadeed Ismaaciil ku yidhi: Ismaaciil waa digii gabyi jiraye maad gabaydid maanta? Ismaaciil ayaa yidhi waan gabyi ee in aan amaan kaa heli doono oodan waxba i yeelaynin ii balan qaad.  Hawraarsan iyo hala yeelo ee bal gabay ayuu Carab ku jawaabay.  Haddaba abwaanku goobtaa ayuu ka tiriyey gabaygan caanka ah ee Soomaalida badankeedu maqashay.  Wuxuu yidhi:  

  • Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye
  • Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula
  • Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah
  • Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine
  • Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado
  • Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala
  • In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille
  • Kulligiiba Reer Hagar anaa kiin ah baa rogaye
  • Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede
  • Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene
  • Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
  • Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey
  • Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane
  • Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
  • Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne
  • Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye
  • Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa'ilaye
  • Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
  • Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye
  • Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
  • Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye
  • Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
  • Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
  • Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
  • Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
  • Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
  • Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
  • Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye
  • Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede
  • Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
  • Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
  • Kashiisaba ma gelin wiilalbaa keebka kuu qabane
  • Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
  • Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye
  • Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e
  • Waxse kadabkii go'ay maalintuu kaday raggiisiiye
  • Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre
  • Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
  • Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
  • Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay
  • Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
  • Ka shib dhaha Islaamoow naftii kii ladnaa gadaye
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.