Hordhac
Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay
ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana
waxay ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya
gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.
Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan
dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka
Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka
horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan
wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.
Si arrintaas loo xaliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan
aqoonyahano Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan,
sannadkii 1961 dii waxaa la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha
(Linguistic Commission) 18 nooc oo Af Soomaaliga loo qori karo
(scripts). 11 farahaas ka mid ah
waxay ka
mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen.
Toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga,
halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka Laatiinka.
Muddadii ka horreysay 1972 dii oo ahayd, sida aan kor ku soo
xusnayba, markii xukuumada Soomaaliyeed soo saartey go’aankii
qoraalka la aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxaa aqoonyahanada
dersa af Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku
aadaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo af Soomaaliga (Official
Somali Script). Run ahaantii, dhibaatada taalay ee marnaba suurto
gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd
fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo
aad u kala fogaa. Aqoonyahanada hormuudka ka ahaa araa’daa kala
duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenediid, Shire Jaamac
Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar
kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal ma
yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.
Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn
karo qoraal la’aanta af Soomaaliga. Tan koowaad waxaa la odhan karaa
waxaa aan xil weyn iska saarin hirgelinta qoraalka far Soomaaliga
xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga.
Mida labaad waxay ahayd dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la
isticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku
tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka
waxay Waaxda Waxbarashadda ee maxmiyada Ingiriiska ee ka
jirteygobolada waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta
Soomaaliga ah oo ku salleysan xuruufta Laatiinka. Waxa ay taasi
dhalisey in kacdoon ballaadhani uu ka dhaco magaalada Burco. Halkaas
oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa Waaxda
Waxbarashadda. Dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa
La’ Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.” Waxaa
dagaalo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka
dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga. Taas oo dhalisay
in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah.
Tan saddexaad, waxaa iyana wax laga saari karaa qoraal la’aanta af
Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu aad ugu
adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo
arrimaha ijtimaacdiga ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga, iwm.
Taas oo malaha dhalisay inay yaraato baahida loo qabo qoraal af
Soomaali.
Haddaba, qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo bandhigi doonaa
taariikhda qoraalka af Soomaaliga oo maanta Soomaalida badankeedu
aanay wax badan ka aqoonin, khaas ahaan intii dagaalad sokeeye
dhaceen oo qoraalo badan iyo aqoon badan oo af Soomaaliga ku
aaddaniba ay lumeen.
QORAALADA AY SOOMAALIDU ALLIFEEN (THE NATIONAL SOMALI
SCRIPTS)
Sida aynu horey u soo
tilmaaney, waxaa Guddiga Luuqada ee 1961 kii la soo hor dhigay 11
farood (11 scripts) oo luuqada Soomaaliga lagu qori karo oo ay
aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Guddiga luuqadu waxaa ay soo
bandhigeen 17 qoddob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta oo la
soo hor dhigo (kuwaas oo aynu ku soo qaadaa dhigi doono qeybaha
dambe ee qoraalkan). Hase yeeshee, waxaynu halkan ku soo qaadan
doonaa saddex ka mid ah farahaas oo aan ku eegi doono dhinacyada
taariikhda, sida ay caanka uga noqdeen iyo qoddobo kale oo muhim ah.
Laba ka mid ah farahaas waxay Guddigii Luuqada ee 1961 dii ku
tilmaameen inay buuxin kari waayeen shuruudihii iyo qoddobadii ay u
dhigeen inay ku qiimeeyaan faraha kala duwan ee la soo hor dhigay.
Saddexda far Soomaali ee aynu qoraalkan ku soo qaadanaynaa waxaa ay
kala yihiin:
1. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Kenediid
1920 dii. Qoraalkaas waxaa loo yeqaanaa Cusmaaniya,(waxaana loogu
magac daray ninkii allifey oo Cismaan la odhan jirey), waxaa mararka
qaarkoodna la dhihi jirey Far Soomaali (Somali Script).
2. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan
Sheekh Nuur 1933 dii oo loo yeqaano Far Gadabuursi (Gadabuursi
Script), waxaana loogu magac daray qoyskii uu ka dhashay.
3. Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre
1952 dii oo iyana loo yeqaano Fartii Kaddariya (Kaddariya Script),
waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Kaddare lagu naaneyso.
CUSMAANIYA (FAR SOOMAALI)
Farta Cismaaniyadu
waxaa weeyaan farta ugu da’da weyn uguna caansaneyd faraha ay
Soomaalidu allifeen, amase aynu ugu yeedhi karo Faraha Waddaniga ah
(National Scripts).
Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa ninka allifey fartan waxaa uu
dhashay 1898 kii. Waxaa uu ka mid ahaa 4 wiil oo uu dhalay
suldaankii Hobyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Cismaan wuxuu ahaa
nin aqoon u leh Luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga. Waxaa intaa u
dheeraa isaga oo ahaa gabayaa iyo suugaan yahan. Markii hore waxaa
uu Cismaan isku dayey inuu af Soomaaliga ku qoro xuruufta af
Carabiga. Laakiin arrintaas wuu ku qanci waayay. Gaar ahaan markii
xarfaha Carabiga uu ka waayey qaar matali kara dhawaaqyada gaarka u
ah luuqada Soomaaliga.
1920 kii Cismaan waxaa uu soo bandhigay far Soomaali uu isagu
allifay oo runtii wax weyn ku soo kordhisay horumarinta af
Soomaaliga. Fartanu waxaa ay markii ugu horreysayba suurtogelisay in
la helo shaqalo iyo xuruuf lagu qori karo dhammaan lahjadaha iyo
dhawaaqyada af Soomaaliga. Intii aan la qaadan Far Soomaaliga aynu
hada isticmaalo, waxay farta Cismaaniyadu ahayd tan ugu caansan
faraha af Soomaaliga ah ee jirey. Waxaa sannadihii lixdamaadkii
isticmaali jirey dad lagu qiyaasay 50,000 oo qof. Waxay dadweynaha
fartan yeqaana u isticmaali jireen in lagu wada xidhiidho laguna
keydiyo qoraalada af Soomaaliga.
Waxaa jira qoraallo fara badan oo fartan ku qoran oo ay haystaan
shakhsiyaad gaar ahi (private collections), oo ay qaar ka mid ah
leeyihiin muhimad suugaaneed iyo mid taariikheedba. Fartani waxay ka
kooban tahay 41 xaraf oo nooc ka mid ah leeyahay daabacaad (printing
and no cursive writing). Waxaa laga bilaabaa qoraalkeeda dhinaca
bidixda (from left to right), waxayna leedahay qoraalkeeda tirada
(numerals). Guddiga Luuqada ee 1961 dii waxaa uu fartan ku tilmaamay
inay leedahay 7 qoddob oo faa’iido ah iyo 10 dhalliilood.
Arrintaasina waxay keentay in lagu taliyo inaan fartan la qaadan.
Macluumaad dheeraad ah oo fartan ku saabsan waxaa laga heli karaa
qoraalada uu diyaariyey B.W. Andrzejewski oo loo yeqaano Macallin
Guush oo ku jira buugga la yidhaahdo Handbook of Somali Studies, oo
uu isku dubbariddey Charles L. Geshekter iyo qoraalo kale oo ay
diyaariyeen Manio, Maria: La Lingua Somala: instrumento
D’insegnamento professionale. Alessandria, Italy: Ocella, 1953
iyo Moreno Mario Martino. Il Somalo della Somalia. Rome: Instituto
Poligrafico dello Stato, 1955.
FARTA KADDARIYA
Fartan waxaa soo
saaray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare sannadkii 1952 dii. Xuseen waxaa
uu ahaa nin dhallinyar oo aad u firfircoon oo ka tisanaa shaqaalihii
Raadiyo Muqdisho. Markii dambena, waxaa uu noqdey madaxa qeybta af
Soomaaliga ee Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka(Somali Academy of
Sciences and Arts).
Farta Kaddariya sida tan Cusmaaniyada maaysan noqon mid caan ah ama
mid ay dad badani aad u yeqaano. Laakiin, waxaa ay leedahay
qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan ma yeelan makiinado iyo qalab lagu
garaaci karo (typewriters and printing machines) iyo qoraallo fartan
ku soo baxay.
Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf iyo afar nooc oo loo qoro.
Qoraalkeeda waxaa laga bilaabaa dhinaca bidixda una socotaa dhinaca
midigta (from left to right). Fartan markii loo gudbiyey Guddigii
Luuqadaha ee 1961 dii waxaa ay soo jeediyeen in dhawr waxyaabood dib
loogu noqdo. Kedib markii arrimahaas la soo dhammeystireyna waxay
guddigi ku qiimeeyeen inay kaalinta labaad gashay (waxaa ay ku
xigtey tan isticmaasha xuruufta Laatiinka oo kaalinta koowaad gashay
oo uu soo gudbiyey Shire Jaamac Axmed).
FARTA GADABUURSI
Taariikhdu markii ay ku
beegneyd 1933 dii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo ka dhashay
qoyska Reer Ugaas ee qabiilka Gadabuursiga ayaa waxaa uu allifay Far
Soomaali, markii dambena loogu magac daray qabiilkiisa. Sheekh
Cabdiraxmaan waxaa uu ahaa nin wadaad ah oo aqoon fiican u leh
diinta Islaamka. Waxaa uu macallin diinta Islaamka dhiga ka ahaa
Waaxda Waxbarashadda ee Maxmiyadii Ingiriisiga ee Waqooyiga
Soomaaliya. Waxaa uu markii dambe Qaadi ka noqdey magaaladda Boorame,
jagadaas oo uu aabbihii uga dambeeyey. Fartaas uu Sheekh
Cabdiraxmaan soo saarey waxay ka mid ahayd farihii la soo hor dhigay
Guddiga Luuqada.
Fartani waxay ahayd mid ay dad aad u tiro yari yeqaanaan, isla mar
ahaantaasna, aysan dadka badankii maqalba. Sidaas darteed, daraasaad
badan iyo wax horumar ah laguma sameyn sida tan Cusmaaniyada. Hase
ahaatee, waxay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan markii la
hor dhigay Guddigii Luuqada ee 1961 dii, waxay ku tilmaameen inay
leedahay 5 qoddob oo faa’iido ah iyo 12 cilladdood. Taasina waxay
keentay in lagu qanci waayo sidii tii Cusmaaniyada oo kale.
Faraha kale ee ay Soomaalidu alliftey ee la soo hordhigay Guddiga
Luuqada waxaa kala qorey: Cabdulqaadir Cadde Muunye (1961), Mustafe
Sheekh Xasan (1951), Daa’uud Maxamed (1928), Cali Sheekh Cabdullaahi
qutbi (1952), Xuseen Xaashi Halak (1960), Maxamed Jaamac Salaad
(1960), Qaasim Hilowleh (1960) iyo Maxamuud Axmed Maxamed (1961).
Farahan wax qoraalo ah oo badan lagama hayo. Meesha qudha ee lagu
xusayna waxaa weeyaan Warbixintii Guddiga Luuqada ee 1961 kii.
Warbixintaas waxaa ku qoran xuruufaha farahaas iyo shakhsiyaadkii
soo saaray. Hase ahaatee, ma cadda sida xarfaha loogu dhawaaqo.
Dhammaan farahaas kala duwani waxay caddeynayaan sida shakhsiyaad
badan oo Soomaaliyeed ay isugu mashquuliyeen inay allifaan far
Soomaalida u gaar ah. Waxa ay dhammaantood wadaagaan iyaga oo isku
dayay inay aad uga fogaadaan farihii jirey. Arrintaasi run ahaantii
waxay keentay wareer badan iyo xarfaha qaarkood oo isu ekaadaan.
Cilladda ugu weyni waxa ay ahayd iyaga oo aan midkoodna isticmaali
karin makiinadihii iyo qalabkii daabacaadda ee waddanka yaalay.
Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga: Qeybtii 2aad
Qeybtii koowaad ee qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo qaadanay
taariikhda far Soomaaliga ee ay allifeen Soomaalidu. Qeybtan labaad
waxaan iyana kaga hadli doonaa qoraalka far Soomaaliga ee ku
salleysan farta Carabiga.
Sida aan horeyba u soo tilmaaney, qarnigan horraantiisa waxaa isku
dayay in ay qoraal dabooli kara baahida luuqada Soomaaliga u
sameeyaan Soomaali badan iyo ajinebiba. Raggaas waxaa ka mid ahaa :
Sayid Maxamed Cadbille Xasan, Sheekh Uweys Ibn Maxamed Al-Baraawi,
Maxamed Cabdille Mayal (Berbara), Cusmaan Yuusuf Kenediid (Hobyo),
Sheekh Cabdiraxmaan Qaadi (Boorame), Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal (Togdheer)
iyo Dhamme J.S. King oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadii Ingiriiska.
Raggaasu dhammaantood waxay markii hore isku dayeen in qoraalka af
Soomaaliga ay u adeegsadaan xarfaha af Carabiga. Laakiin
dhammaantood kuma aysan guuleysan. Arrinta farsamo ee raggaas la soo
deristey waxaa ugu muhiimsanaa cillad kaga timi dhinaca Shaqalada
Carabiga oo dabooli kari waayay baahida luuqada Soomaaliga. Si
arrintaas xal loogu helo ayaa Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil waxaa
uu allifay qaab cusub oo shaqallo ah oo kaabaya shaqalladii farta
Carabiga. Waxaa uu dhibco ku daray shaqaladii Carabiga si tusaale
ahaan loo wada qori karo shaqalada gaagaaban iyo kuwa dhaadheer ee
af Soomaaliga. Farta Carabiga sida caadiga ah waxaa loo qori karaa
iyada oo laga reebo xarakada. Shaqalada gaagaaban ee af Carabiga
waxaa sida qaalibka ah lagu muujiyaa xarakooyinka (vowel points).
Qoraalka xarakooyinka leh ee luuqada Carabiga waxaad inta badan ku
arkaysaa oo keliya kutubta diiniga ah, buuggaagta dugsiyada iyo
qoraaladii waayo hore la daabacay. Laguma qoro wargesyada, buugaagta
caadiga ah iyo qoraalada ay dadku ku wada xidhiidhaan. Xarakooyinka
af Carabigu waa afar nooc: kuwaas oo korka ama hoosta laga saaro si
ay u muujiyaan dhawaaqa shaqalada gaaban ee a, i, u oo keliya. Farta
Carabigu ma laha shaqalada gaaban ee o iyo e. Waxaa intaas dheer in
aanay afka Carabigu lahayn saddexda shaqal ee dhaadheer ee kala ah:
aa, ii iyo uu.
Sidaas darteed, af Soomaaliga wey adkaaneysaa in far Carabi lagu
qoro, haddii isticmaalka xarakooyinka laga reebo. Waxaa ay
noqoneysaa inuu qofku ka fahmo macnaha sida weedhu u qoran tahay.
Taas oo aan marar badan suurogal ahayn. Dhinaca kale haddii mar
walba qoraalada la raaciyo xarakooyinka iyana isticmaalkeeda ayaa
adkaanaya, iyadoo weliba uu af Soomaaligu u baahan yahay in lagu
daro ugu yaraan laba xarako oo dheeraad ah.
Raggii sida aadka ah ugu doodi jirey in af Soomaaliga lagu qoro
farta Carabiga waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil.
Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil wuxuu qoray buug la odhan jirey “The
Institution of modern correpondence in Somali language.” Buugaas
wuxuu hordhiciisa aad ugu dooday sida ay u habboon tahay in farta
Carabiga loo isticmaalo qoraalka af Soomaaliga. Sidoo kale waxaa
isna doodaas oo kale soo bandhigay Dr. Ibraahim Xaashi Maxamuud oo
isna qorey buug la yidhaahdo “Al Suamliyah bi Lughat al Qur’an”,
kaas oo la daabacay sannadkii 1963 dii. Waxaa ay soo bandhigeen far
middeysan (standard orthography) iyo qoraalo kale oo tusaalooyin ah
sida af Soomaaligu ugu qormayo farta Carabiga. Waxaa intaas ka soo
horjeeday culimada diinta oo u arkayay in qoraalka af Soomaaligu
hoos u dhigi doono barashada af Carabiga iyo diinta Islaamka.
Maqaal uu qorey Muuse X. Ismaaciil Galaal 1954 tii ayuu isna ku soo
bandhigay far ku salleysan Carabiga oo lagu qori karo af Soomaaliga.
Fartaas oo uu ku kordhiyey xarfo cusub oo uu sameeyey, kuwaas oo
dabooli kara baahida luuqada Soomaaliga ee shaqalada aan ku jirin
farta Carabiga. Afar nooc oo loo qori karo Soomaaliga oo
dhammaantood ku salleysan farta Carabiga ayaa la soo hor bandhigay
Guddigii Luuqada ee 1961 dii. Afartaas nooc raggii soo bandhigay iyo
wakhtigii la soo saaray waxay kala ahaayeen sidatan:
1. Ibraahim Xaashi iyo
Saaxiibadii 1960
2. Muuse Galaal 1952
3. Sheekh Axmed Cismaan 1960
4. Maxamed Cabdi Kheyreh 1960
Guddigii luuqadu
dhammaan afartaa nooc ee ku qornaa farta Carabiga midna ma aysan
qaadan. Waxayna u arkeen in lagaga habboonaa qoraalka far Soomaaliga.
Taariikhda iyo aqoon intan ka ballaadhan oo farahaas ku saabsan
waxaad ka heli kartaa qoraal ay qoreen Andrzejewiski, B.W.; Strelcyn,
S. and Tubiana, J., Somalia, The writing of Somali, Paris, 1966.
Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga: Qeybtii 3aad
Farta Laatiinka
Aqoonyahanada shisheeyaha ah
ee farta Laatiinka u adeegsan jirey qoraalka af Soomaalig waxay kala
ahaayeen Ingiriis, Talyaani, Jarmal, Aawstiryaan iyo Faransiis.
Bilowga abaaraha sannadkii 1887, Dhamme J. S. King oo Ingiriis ay
dhalashadiisu tahay ayaa waxaa uu arkay dhibaatada qoraal la’aanta
af soomaaliga haysata. Kedib aqoonyahanadii ka dambeeyey waxay kala
ahaayeen: Mario Maino, Enrico Cerulli, Martino Moreno, Bruno Panza (
oo Talyaani ah); C.R.V. Bell, Liliad E. Armstrong, I.M.Lewis,
B.W.Andrzejewiski, John Drysdale (oo Ingiriis ah); aqoonyahanada
Jarmalka waxaa ka mid ahaa A. Klingnheben iyo Carl Lang iyo Reinisch
Austrian. Waxaa beryo dambe ku soo biirey Maraykanka oo Barnaamijkii
Peace Corps ahaa darteed ku xiiseyey qoraalka far Soomaaliga (Joseph
Pia, Jeanne contini iyo Dr. Castagno).
Beryo dambe ayey dad Soomaali ah door bideen in farta Laatiinka loo
isticmaalo qoraalka af Soomaaliga: Dadkaas waxaa ka mid ahaa (Marwo)
Xaliimo Maxamed Cali, Cabdi Kheyre Cawaate, Cabdulaahi Xaaji Maxamed,
Muuse Galaal iyo Shire Jaamac Axmed. Dadkaas doodoodu waxay ku
salleysneyd faa’iidooyinka xaga farsamada iyo macquulnimada.
Soo bixitaanka in farta Laatiinka lagu qoro af Soomaaliga waxay aad
u yareysay inaysan farta Cusmaaniyada caan sii ahaanin, sababtoo ah
dad xubno ka ahaa Ururkii SYL oo horey farta Cusmaaniyada rabey ayaa
qeybsamey, waxaana markii dambe soo baxay qaar farta Laatiinka jecel.
Soomaaliya waxay dawlad daakhliyad ah heshay sannadkii 1956 dii.
Sannadkii 1957 dii ayaa Wasiirkii Koowaad (Rasul-wasaarihii) dalka
ee la odhan jirey Cabdulaahi Ciise wuxuu warar Soomaali ah ku
daabacay wargeys af Talyaani ku soo baxa oo rasmi ah, isagoo
adeegsaneya Farta Laatiinka. Waxaa aad arrintaas uga cadhoodey
Guddigii Dhexe ee Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL), waxayna
weydiisteen in qoraalkaas la joojiyo. Ugu dambeystii, waxay ku
heshiiyeen in arrinkaas ku saabsan qoraalka Soomaaliga dib loo dhigo
inta xoriyada laga qaadaneyo.
Guddigii Luuqada ee 1965 tii waxay ogaadeen in qaadashada Farta
Laatiinka aysan carruurta horey dugsiyada ugu baratey af Ingiriisiga
ama af Talyaaniga wax dhib ah kala kulmeyn. Run ahaantii, barashada
Farta Laatiinka ay carruurtu afkooda ku bartaan waxay marka dambe u
sahleysaa inay bartaan luuqado kale oo ajinebi ah. Ugu dambeystii,
waxay guddigaasi ku andacoodeen in marka farta Laatiinka loo
adeegsado qoraalka af Soomaaliga, inaan qofna inkiri karin xaqiiqda
ah inay fartanu si toos ah uga soo jeedo Farta Waqooyiga Seemtik
(the phoenician branch), halka Farta Carabiguna ka soo jeedo isla
Farta Waqooyiga Semetik (the Aramaic branch).
Guddigii Luuqada ee 1961 kii Bishii Luuliyo 1 deedii 1960 kii ay
labadii gobol ee Soomaaliyeed middoobeen, waqooyiga oo uu
Ingiriisigu gumeysan jirey iyo kooonfur oo uu Talyaanigu gumeysan
jirey. Middowgaas ay labada gobol isku darsameen waxay keentay in
dhibaatooyin badan oo ku saabsan qoraal la’aanta far Soomaaliga lala
kulmo. Sababtoo ah labada gobol waxay ku kala duwanaayeen xaga
maamulka iyo waxbarashadda, kuwaas oo kala ahaa Ingiriis iyo
Talyaani. Dhawr bilood markii xoriyada la haystay ayey Golihii
Shacabku ka codsadeen dawlad inay guddi ka baaraandegga sidii af
Soomaaliga loo qori lahaa sameeyaan, kedina wixii talooyin ah
dawlada u soo gudbiyaan.
Arrintaas waxaa baarlamaanka la hordhigey bishii Sebtember 16 keedii
1960. Bishii Oktoobar, 1960 ayuu Wasiirkii Waxbarashaddu Cali Garaad
Jaamac wuxuu magacaabey guddi ka kooban sagaal nin sidii ay far
loogu sameyn lahaa af Soomaaliga, kedibna warbixin arrintaas ku
saabsan u soo gudbiyaan. Guddigaas ( waxaa loo yeqaanaa Guddigii
Luuqada Soomaaliga) waxaana la farey inay: soo baadhaan sida ugu
habboon ee af Soomaaliga loo qori karo, iyagoo qaddarineya dhammaan
dhinacyada luuqada, waxaana laga rabaa inay il gooni ah ku eegaan
xaga farsamada, warbixina u soo gudbiyaan dawlada ugu dambeys bisha
Maarso, 1961 ,iyagoo ku muujineya dhammaan faruhu meelaha ay ku
fiican yihiin iyo weliba hadday macquul tahay talo ku soo jeedineya
mida ay isleeyihiin in far Soomaali ahaan loo qaato wey habboon
tahay (Linguistic Report, 1961, p.2)
Xubnihii guddigii koowaad
waxay kala ahaayeen:
1. Muuse Xaaji Ismaaciil
Galaal Guddoomiye
2. Yaasiin Cismaan Kenadiid Xubin
3. Maxamuud Saalax (Ladane) Xubin
4. Dr. Ibraahim Xaashi Maxamuud Xubin
5. Khaliif Suudi Xubin
6. Mustafe Sheekh Xasan Xubin
7. Shire Jaamac Axmed Xubin
8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) Xubin
9. Yuusuf Meygaag Samatar Xoghayn
Magacaabidii raggaasu waxay ku salleysneyd arrimahan soo socda:-
a) Waxay ahaayeen dad horey
ugu mashquulsanaa sidii af Soomaaliga far loogu sameyn lahaa.
b) Waxay ahaayeen dad aqoon u leh hab-dhismeedka af Soomaaliga
c) Waxay kala mateleyeen lahajadaha dhawrka ah ee ay Soomaalidu
leedahay iyo
d) Waxay kala taageersanaayeen faraha kala duwan ee guddiga la soo
hordhigeyo
Qaar ka mid ah Soomaalidu waxay ku doodayeen in raggaas xubnaha
guddiga ka mid ah aysan ahayn raggii ku habboonaa inay go’aan ka
gaadhaan farta qaranka ee Soomaalida. Dadkaas waxaa ka mid ahaa
Yaasiin Cusmaan Kenadiid (wiilkii ninkii farta Cusmaaniyada allifey)
oo mar dambe yidhi:”xubanaha guddigani qoddobadii laga doodey mid
qudha kuma aysan heshiinin. Qaarkood arrinta ayeysan daacad ka ahayn,
qaarkoodna arrin suufinimo darteed oo ay sabab u tahay iyagoon si
wacan ula socon dooda la soo hordhigey (Yasin, 1967)
Guddigii intuusan shaqadiisa
dhammeystirin ayuu Yaasiin ka baxay.(Yaasiin waxaa lagu eedeynayaa
inuu guddigaas isagu iska casilay). Muuse Galaal oo difaacaya inay
dawladu tallaabadii saxda ahayd qaadey marka ay guddigan soo xushay
wuxuu ku doodey inay dawladu gacanta u gelisay raggii inay
dhibaatadan farta haysta xalliyaan kuwii wax ka allifey ama kala
taageersanaa farahan kala duwaan.
Wuxuu yidhi waxaa dhab ah in laba xubnood ay taageersan tahay farta
Carabiga, laba xubnoodna farta Laatiinka iyo laba xubnood oo
taageersan faraha kala duwan ee Soomaaliga. Yaa kale oo arrintan
xalin lahaa? Haddii ay ku heshiiyana waa wanaag, haddii ay ku
heshiin waayaana dhibaatadu wey taagnaaneysaa (Linguistic Report,
1962) Guddigaasi waxay taageero dhaqaale ah iyo mid niyadadeedba
dawlada kama uusan helin.
Tusaale ahaan, wax dhaqaale ah oo guddigaas loo qoondeeyey ma uusan
jirin, dhinaca kale laba xubnood oo muhim guddiga u ahaa oo kala
ahaa Maxamuud Saalax iyo Mustafe Sheekh ayaa wasaaradihii ay u
shaqeynayeen waxay u beddeleen gobolada. Khaliif Sudi waxaa u
suutoobi weydey inuu shirarka si joogta ah uga soo qeybgalo, waayo
goobtii uu ka shaqeyneyey ayaa cadaadis laga saarey. Codsiyo ay
guddigu u gudbiyeen wasaaradaha si labadaas nin ee guddiga ka mid ah
Muqdisho loogu soo celiyo wax natiijo ah kama aysan helin. Dawladdu
arrintaas wax siyaasad ah kama aysan lahayn, ee iska qas iyo nidaam
daro un buu ahaa.
Xubin kasta oo guddiga ka mid ah waxaa loo diyaariyey inuu qaato
casharo ku saabsan qoraalka faraha, codeynta bilowga ah iyo hab –dhismeedka
af Soomaaliga iyo codadka, iwm, si uu faraha u kala saaro, isagoo
eegaya sida ay u waafaqsaaneyso farahaha casriga ah. Inta aan far
kasta baadhitaan iyo deraasaad lagu sameynin, waxay guddigu ku
heshiiyeen in 17 qoddob oo aasaasi ah in saldhig looga dhigo kala
saaritaanka farahaas. Arrintaas waxaa loola jeeday inay adkaan
lahayd in qoddobadaas lagu heshiiyo, haddii deraasaadka mar hore la
sameeyo. Waayo, taageerayaasha faraha kala duwani waxay ogaan
lahaayeen meelaha farta ay taageersan yihiin ay ku liidato.
Sidaas darteed, wax dhibaato ah lagalama kulmin inay xubnaha guddigu
qoddobadaas ansaxiyaan, sababtoo ah midna ma garaneyn inay fartiisu
gudbi doonto iyo inay qoddobadan ku dhici doonto toona.
Marka waxyaabaha kale laga reebo, farta aan mustaqbalka qaadan doono
waa inay astaamahan soo socda leedahay:-
1. Waa inay xuruuftu cod leedahay
2. Waa in qoraalka xurufteedu sahlan yahay
3. Waa in aysan lahayn calaamado gaar ah oo codka kala
saara(diacritics)
4. Waa in aysan lahayn calaamado hal wax ka badan loo isticmaalo
5. Waa in aysan lahayn laba ama caalamado ka badan oo codadka keliya
kala
saara
6. Waa in aysan lahayn calaamado laftoodu cod u taagan ama leh
7. Waa inay leedahay qalabka wax lagu daabaco oo hada waddanka laga
heli
karo
8. Waa inay nidaamka Calaamadaha Caalamiga ah waafaqsan tahay
9. Waa inay habbeysan tahay (standarised)
10. Waa inay hab xuruufeed ku salleysan tahay
11. Waa inay dhaqaale ahaan loo awoodi karo
12. Waa in far la isku dardari karo lagu qori karo
13. Waa in aysan jirin wax la mid ah (unique)
14. Waa in lagu qori karaa dhammaan lahjadaha af Soomaaliga
15. Waa in aysan adkayn in dib u habbeyn lagu sameeyo
16. Waa in dugsiyada lagu dhigaa
17. Waa inay xuruufteedu leedahay cod joogta ah oo loo yeqaano
(Linguistic Report, 1961, p. 11-12)
Kedib markii uu guddigu dersaad ku sameeyey far kasta wax ay ku
fiican tahay iyo waxa ay ku liidato, guddigu waxay soo jeediyeen in
farta Shire Jaamac ee “Laatiinka” ee dib-u-habbeynta lagu sameeyey
inay tahay “tan ugu wanaagsan” iyo Kaddariya oo noqotey “tan labaad
ee ugu wanaagsan”. Inta aan go’aanka la gaadhin waxaa guddigii iska
casilay oo ka baxay Ibraahim Xaashi Maxamuud iyo Maxamuud Jaamac
Afballax, sababtoo ah ma aysan taageersaneyn in af Soomaaliga farta
Laatiinka lagu qoro. Waxaa booskoodii lagu beddelay rag kale. Sidaas
darteed, go’aankii ugu dambeeyey waxaa saxiixay:-
1. Muuse Xaaji
Ismaaciil Galaal Guddoomiye
2. Shire Jaamac Axmed Guddoomiye Ku-xigeen
3. Xuseen Sheekh Axmed Xoghaynta Farshaxanka
4. Cali Sheekh Axmed Qutbi Xoghaynta Farshaxanka
5. Abuukar Joodaadex Xubin
6. Caddo Sheekh Cali Xubin
Arrimaha khuseeya dhinacyada siyaasada, diinta iyo bulshada waxaa
loo daayey inay go’aan ka gaadhaan dawlada, golaha shacabka iyo
dadweynaha (Linguistic Report, 1961).
Wasiirkii Koowaad (Rasul-wasaarihii) dalka mudane Cabdirashiid Cali
Sharmaarke iyo Wasiirkii Waxbarashadda mudane Cali Garaad Jaamac
warbixintan ma aysan jecleysan. Xaataa iskuma aysan deyin inay
saxaan “waxyaabihii aan dhammeystirayn” ee guddiga. (tusaale ahaan,
waxay magacaabi kareen guddi aan dhinacna raacsaneyn ama waxay hawl
gelin kareen aqoonyahano shisheeye ah oo ku magac ku leh aqoonta af
Soomaaliga). Cali Garaad Jaamac wuxuu taageersanaa in af Soomaaliga
lagu qoro farta af Carabiga, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiirkii
Koowaad waxaa laga soo weriyey inuu yidhi “Inta aan xukunka joogo,
ma oggoli in af Soomaaliga lagu qoro farta Laatiinka” (Adam, 1968,
p.37). (Haddii aan maleeyo, Rasulwasaaruhu wuxuu taageersanaa farta
Cusmaaniyada). Warbixintaas golaha wasiirada lagagama doodin, lamana
soo hordhigin golaha shacabka. Waxaa la dhigay oo lagu keydiyey
xusuusdhigyada Wasaaradda Waxbarashadda, iyadoo dusha lagaga qorey
“Qarsoodi ah”.
Guddigii Luuqada ee 1965
Warbixintii Guddiga ee
1961 kii waxay ahay mid aad u faa’iido badan. Waxay aasaas u noqotey
meel ay guddi kasta oo raba inay af Soomaaliga far u yeelaan ka
ambaqaadaan. Warbixintanu waxay saldhig u noqotey warbixintii 1966
dii ee ay soo saareen Andrzejewski, Strelcyn iyo Tubiana oo ay
ha’ayada UNESCO maamuleysay. Waxaa deraasaadka aan sameyney qeyb
weyn ka qaatey warbixinadii Guddigii hore ee Luuqada Soomaaliga ee
ay dawlada Soomaalidu sameysay ee Mudane Muuse Galaal uu
guddoomiyaha u ahaa.
(The 1965 Linguistic Commission, p.1)
Guddiga Luuqada ee 1965 waxay
soo qaateen oo derseen 7 nooc oo faraha ka mid ah, sidatana u kala
qeybsan:-
1.) Farihii Waddaniga ee
Soomaali, Cusmaaniya iyo Kaddariya.
2.) Fartii Laatiinka, ee dib-u-habbeynta uu Shire Jaamac Axmed ku sameeyey, taas
oo ay ku talo-bixiyeen.
3.) Fartii Carabiga
Guddigu waxay si maldahan ugu taliyeen in farta Laatiinka ee Shire
Jaamac uu dib u habbeynta ku sameeyey loo qaato qoraalka far
Soomaaliga. Hase ahaatee, waxay sharax gaaban ka bixiyeen faraha
kale mid kasta faa’iidadda iyo khasaaraha ay leedahay. Markii
saddexda khabiir ee luuqadaha ee kala ahaa B.W. Andrzejewski, S.
Strelcyn iyo J. Tubiana ay magaalada Muqdisho yimaadeen bishii
Maarso, 1965, waxaa mudaharaad ku sameeyey taageerayaashii farta
Cusmaaniyada iyo farta Carabiga, waxayna ku dhawaaqayeen iyagoo leh
Laatiin macnaheedu waxaa weeyaan “la-diin”, taas oo macnaheedu yahay
diin la’aan (Adam, 1968).
Sida aad warbixintan ka
arkaysid arrintanu waxay ahayd mid nasiibdaro ah. Guddigu waxay ka
madax bannaanaayeen wax kasta oo eex ama dhan u iilasho ah. Laakiin
warbixintu waxay soo baxday markii uu maamulka laga qaadey Wasiirkii
Koowaad ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo loo wareejiyey Wasiirka
Koowaad ee cusub Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isna mawduucaas
khaanada ayuu geliyey ilaa wakhti kale laga gaadheyo.
Guddiga Luuqada ee 1965 waxay warbixintoodii ku caddeeyeen in dad
badan oo Soomaali iyo ajinebi ah ay isku dayeen inay afka Soomaaliga
qoraal u sameeyaan, sababta qoraal la’aanta af Soomaaliga haysata
aysan ahayn mid dhinac farsamo ah ee ay tahay fikradaha iyo ra’iyiga
kala duwan ee ay dadweynuhu ka qabaan sidii af Soomaaliga loo qori
lahaa (The 1965 Linguistic Commission).
Arrin siyaasadeed ayey ahayd sababta ugu muhiimsan ee keentay qoraal
la’aanta af Soomaaliga muddada dheer haysatay. Fikaradaha kala duwan
dadweynuhu ka qabaan qoraalka fartu waxay ahaayeen kuwo aad u
waaweyn, taas oo sababi karta mudahaaraadiyo, dood aad weyn oo
bulsadda dhex marta iyo weilba waxaa macquul ahayd inay rabashado
iyo qulqulado aad u fool xun dhacaan. Bishii Oktoobar 21, 1969 waxaa
maamulkii waddanka gacanta ku dhigay dawlad kacaan ah. Dawladaasi
waxay ahmiyada saartey sidii af Soomaaliga far loogu sameyn lahaa.
Qoddobadii xeerka qoraalka ah ee uu Kacaanku ballan qaadey waxaa ka
mid ahayd in af Soomaaliga far loo sameeyo. Dawladii kacaanka ahayd
si ay xal uga gaadho arrinkaas waxay xoojisey Guddigii Luuqada af
Soomaaliga, waxayna laf-dhabar uga dhigtey arrimaha luuqada.
Bishii Janaayo 20, 1970 ayaa waxaa la magacaabey Guddiga Luuqada ee
Waddanka, waxaana loo xil saarey inay diyaariyaan buuggaag kala
duwan oo af Soomaaliga ku qoran. Buugtaas waxaa ka mid ah buug naxwe
ah iyo qaamuus eray bixinta saayniska ah oo shan kun oo eray ka
kooban. Waa inay adeegsadaan farta ay isleeyihiin wey ugu habboon
tahay. Laakiin ay fartaas ku beddelaan mida rasmi ahaan loo qaato.
Hase ahaatee, guddigaas awood looma siin in farta Soomaaliga ee la
qaadan doono go’aan ka gaadhaan. Go’aanka farta rasmi ahaan loo
qaadaneyo waxaa iska leh Golaha Sare ee Kacaanka (SRC).
Kedib markii ay la tashi la sameyeen khubaraadii luuqada, waxay
Golihii Sare iyo Golihii Xoghayeyaashu ( ama Wasiiradu) go’aan ku
gaadheen in farta Laatiinka ee Shire Jaamac loo qaato farta rasmiga
ah ee af Soomaaliga lagu qori doono, laakiin wax yar oo isbeddel ah
ayaa lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybineyo. Sannad
guuradii saddexaad ee Kacaanka oo ku beegneyd 21 Oktoobar, 1972 dii
ayuu Madaxweynihii Golaha Sare ee Kacaanka Maxamed Siyaad Barre ku
dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono
qoraalka far
Soomaaliga. Marka uu madaxweynuhu wadey khudbadii ku saabsaneyd
qoraalka farta ayaa dayuuradaha qumaatiga u kaca dadweynaha dushooda
ku daadineyeen waraaqo ay ku qoran yihiin farta cusub ee af
Soomaaliga. Waxaa dalkoo dhan laga sameeyey bannaan baxyo fartaas
lagu taageerayo, kuwa mucaaradka ku ahna lagu cambaareynayo.
Soomaaliga ayaa la caddeeyey inuu yahay af keliya ee dalku leeyahay.
Dhammaan shaqaalaha dawlada derejo kasta ha lahaadaane waxaa lagu
amrey inay imtixaan ku saabsan qoraalka iyo akhriska ku gudbaan
muddo saddex bilood gudahood ah, muddadaas oo markii dambe laga
dhigey lix bilood. Qofkii ku gudbi waayana shaqada waa laga eryeyaa.
Run ahaantii, tallaabadan geesinimada leh waxay ahaan doontaa mid ay
dhammaan Soomaaliga maskaxdooda ku qoranta oo aysan illoobin.
Suugaan badan oo tallaabadaas lagu ammaaneyo ayaa la tiriyey. Dadka
Soomaalida caadiga ah, marka laga reebo kuwa diinta ama aqoonyhanka
ah xiiso badan uma qabaan inay afafka ajinebiga bartaan. Dadka
Soomaalidu wey ka soo horjeedeen luuqadaha kala duwan ee ajinebiga
ah ee dalka laga isticmaaleyo. Tusaale ahaan, Soomaalidu marka meel
kasta oo dunida ah oo ay ku kulmaan, si kastooy af ajinebi u
yeqaanaan, waxay ku wada hadlaan afkooda hooyo. Taasina waxay
muujineysaa qabka iyo jecaylka ay afkooda u hayaan.
Muddo gaaban ayuu qoraalkii cusbaa ee fartu ku fidey Jamhuuriyadda
Dimoqiraadiga ee Soomaaliya iyo dhulalka kale ee af Soomaaliga
lagaga hadlo ee ay ka mid yihiin Soomaali Galbeed, Jamhuuriyada
Jabuuti iyo Gobolada Waqooyi-bari ee Kiiniya (NFD). Waxyaabaha
fartanu ay sida dakhsaha ah ugu baahdey waxaa loo nisbeyn karaa sida
sahalka ah ee loo baran karo, ololihii horumarinta reer miyiga,
Soomaaliyeyntii waxbarashadda iyo maamulka iyo weliba kaalintii
qalabka warbaahinta.
Dhamaad
Qore: Axmed Haybe (Axmed Dawlo)
|