Qore:
Cawaale Xuseen
awalle@gmail.com
Af-Soomaaligu waa af aad u ballaadhan, hodan ah oo murti iyo
maahmaaho badan. Maahmaahda ama murtidu waxay ku timaadaa dhacdo
qofka qabsata oo uu shaqsigu isagoo dhacdadaa ka dabqaadanaya hadal
miid ah oo maldahan ku cabbiro dareenkiisa. Odhaahda
murtiyeysani
ma hanaqaaddo dadkuna aad uma qeybo haddii aanay ku dhisnayn dareen
dhab ah oo maskaxda qofka xoodaamiyey.
Badanka murtida iyo maahmaahda Soomaalida lama yaqaan ama waa laysku
khilaafsan yahay qofkii ugu horreeyey ee ay maskaxdiisa(deeda) kasoo duxeen.
Aqoon la'aantaa wuxuu xigtuhu ku saynsaabaa hordhaca ah "Soomaalidu
waxay ku maahmaahdaa..." ama “odhaahbaa waxay ahayd...” Xigtihii maahmaahda daliishanayey wuxuu caddeeyey
inuu qof kale murtidii amaahday, laakiin qof gooni ah ma sheegin
maxaa yeelay waxay u badan tahay inuusan wax xog ah ka haynin qofkii
ugu horreeyey ee murtidaa laga soo tabiyey.
Bal maahmaahaha aan hoos ku taxay akhri, mid ama wadarbana sheeg
qofkii ugu horreeyey ee laga maqlo?
·
Arrad waa dan usgagse waa dullinimo
·
Ragganimo kordhi bay eedday
·
Nin maqan tabbidii waa nin jooga ceebtii
·
Maan rag waa mudacyo afkood
·
Habar fadhida lagdini la fudud
·
Hal diidani geed ay ku xoqoto ma waydo
Sidaasi in kasta oo ay hubaal tahay, haddana maahmaaho iyo murti
kale oo qofkii ugu horreeyey ee ay ka sugnaadeen la yaqaano ayaa
jira. Tusaale:
·
Firdi xog ogaal ayaan ku xukumay
(Suldaan
Cali-saafi)
·
Saddexyo ku luudso
(Ugaas Xarjafeey)
·
Lun adduunow ma maantaa Warneef la iiga soo
digay
(Sayid Maxamed)
·
Caqliyo ayaa reer la martiyaa
(Faarax Hoori – Faarax-turuqyar)
· Wasiir isu darawal ah iyo wadaad aan tusbax
lahayn midna dadka lagama garto (Cabdi-dhiqle
Cali Xaashi - Afcad)
·
Waayeel ha u yeedhinee waxgarad u yeedha (Raage
Ugaas)
·
Wayeel jiraaba waa innagee leebka iyo
qaansada inaga dhiga
(Xirsi Injirif)
·
Badow tuur leh (Suldaan Cali-saafi)
·
Adduun i khatal
(Aadan Galaydh)
Murtidaasi waxay ka mid tahay xikmadda aan yarayn ee asalkeeda la
yaqaano.
Haddaba, dhawr qiso iyo murti ku xidhiidhsan oo hal il kasoo jeeda
ayaan qoraalkan kusoo gudbinayaa. Waxaa murtidan loo nisbeeyaa
Fooleey Aadan Cali Hareeri oo ugaas caan baxay ahaa, muddo horena ka
talin jiray degaanka Ceel Gaab, Doh iyo Doollo.
Waxaa la yidhi...
Niman dableey ah oo dadka uu Fooleey Aadan u taliyo ka mid ah ayaa
waxay dileen nin degaanka Muuse Cawl u taliyo kasoo jeeda. Muuse
Cawl qudhiisu wuxuu ahaa ugaas caan ah, dhalyo iyo degaanna la
wadaaga Fooleey Aadan. Muuse magtii ninkii la dilay ayuu Fooleey
uga soo geed fadhiistay. Fooleey wuxuu tolkii amray inay magtaa si
degdeg ah u bixiyaan isagoo dhalyaha hoose xeerinaya, dhiig daata oo
kale baajinaya, dhawrayana saaxiibtinimada isaga iyo Muuse ka
dhexaysa. Hase ahaatee jifadii gacan ku dhiiglaha ayaa diiday inay
magtii bixiyaan oo godobo hore oo ay tirsanayeen, tabar badan oo ay
isbideen, ama talo xumo shaydaan u horseeday midood indhasaabtay.
Fooleey ayey talo ku ciirtay. Boqol halaad kaligaa ma bixisaa waxay
ku nuugto iyo waxay ka nuugtaba ha weydee? Maya, caruurtaada qoodh
iyo xero ha caydhaynin. Tolweyne kale arinta ma u bandhigtaa si
nimankan khaldan laguula arko? Maya, nin ugaas ah oo sidaada u
magac dheer oo raciyadiisii ka amar diiday waa ceeb ee ha is
fadeexaynin. Haddaba sideed tolka ugu kala hagoogataa, ayuu is
weydiiyey?
Fooleey wuxuu ahaa nin lagu
yaqaan rogrogidda tallada iyo u fudho-bixinta hadba xaajadii la
saari waayo. Wuxuu goostay inuu xikmadiisa iyo garaadkiisa
isticmaalo oo rag talo
kama idlaatee hawshan xalliyo. Tolow sideed wax u maaraysaa oo
halkeed ka gashaa? Allow
ur
u bixi, ayaa laabtiisa ka huguntay.
Halkaa arini markii ay ka qandoodsatay, ergadii Muuse Cawlna weli
gurigiisa gebran tahay, ayuu maalin dambe wuxuu maqlay hal baadi ah
oo ka fakatay jifadii ninka wax dilay oo niman deegaanka Muuse Cawl
ah baadi ahaan ugu tagtay, dabadeed ay si Alla u qasheen. Arintaa
markuu maqlay ayuu Fooleey faraskiisii jeedladay wajigana saaray
degmadii Muuse Cawl.
Maalintii oo dhan ayuu sii socday. Xilli habaynimo ah ayuu kusoo
hagaagay qeyradii Muuse Cawl oo uu dabadeed tilmaansaday aqalkiisii.
Salaan oo is ogeysii. Muusena waa kuma iyo wuxuu isku daray
bannaanka oo uu aqalka uga soo baxay. Waa Fooleey Aadan ee Muusow
maxaad sheegtay? Muusena isha ku dhufay Fooleey oo waran iyo
gaashaankiisii ku hubaysan, faras fardihiisii caanka ahaa ka mid
ahna ku taagan.
Waraysi kooban ka dib, Muuse Cawl oo og habheebta uu kasoo gudbay
Fooleey si uu usoo gaadho goobtan uu caawa joogo ayaa weydiiyey waxa
uu doonayey. Fooleey ayaa diirka ka qaaday inuu mag doon yahay oo
hal niman ay isku qoys yihiin kasoo luntay mag-dhawgeed uu rabo.
“Oo hasha magteedu waa imisa Fooleeyow?” ayuu Muuse warsaday. “Waa
100 neef oo adhi ah.” ayuu Fooleyna ku jawaabay. Muuse ayaa fahmay
dubaaqa Fooleey iyo ujeedada hoose ee uu ka leeyahay magta uu dalbay.
La is faham oo laba nin oo isku qodboqaad ah ayey ahaayeene
habeenkii oo dhan waa kow iyo hagaagta gure. Subixii ayuu Muuse
Cawl raggiisii shiriyey oo uu weydiiyey “nin walbow haddii aad
maanta Fooleey Aadan aragto maxaad samayn lahayd?” Ileen rag
boqolle laga dilay aan magtiisii la siinin ayey ahaayeene, colaad
ayey u hayeen Fooleey iyo dadka uu ugaaska u yahayba. Waliba, ogaandarro awgeed, badhkood waxay uhaysteen in Fooleey la go’aan yahay
ragga diiday inay magtii marxuumka bixiyaan.
Si uu uga jawaabo su'aashii Muuse Cawl, mid raggii ka mid ah ayaa
lasoo booday labaan ka dhigi lahaa haddii aan maanta Fooleey laba
indhood saaro. Mid kalaa walee inaan Fooleey iyo cid kale eeqo
dambe dhexmarteen oo aan kadabkiisa halkaa ku goyn lahaa ogyesiiyey
Muuse Cawl. Mid kale ayaa ma anigaa nasiibkaaba leh ku guuxay.
Ninba hadal gundhiciisu yahay waan dili lahaa Fooleey iyo
raciyadiisaba ciddii aan ka arko ayuu ku jawaabay.
Muuse Cawl oo aan qariibsanin jawaabaha raggu bixiyey maxaa yeelay
qaarkood ayuu uur ogaa ayaa soo celiyey "Fooleey Aadan aqalkan aan
hortaaganahay ayuu ku jiraa oo xalay aniguu marti ii ahaa." Waa la
aamusay! Aamuskaa gaaban ka dib ayuu Muuse Cawl ka codsaday inuu
Fooleey soo baxo. Fooleey oo doodda Muuse iyo raggiisa gudaha
aqalka kala socday ayaa mudh soo yidhi. Qoodh iyo xero waa isagii!
Muuse ayaa mar labaad ka codsaday Fooleey inuu ujeedada safarkiisa
la wadaago ragga goobta xaadiray. Fooleey ayaa haddaba shaaca ka qaaday inuu doonayey hal
magteed. Raggii oo aan ka warqabin wadahadalkii dhexmaray Muuse
iyo Fooleey iyo ujeedada qarsoon ee imaatinka Ugaaska ayaa qaadan
waayey weedha dhagahooda kusoo dhacday.
Intaa ka dib ayuu Muuse Cawl mar labaad Fooleey weydiiyey hasha
magteedu inta ay tahay si uu u maqashiiyo ragga kale. Fooleey ayaa
ku jawaabay “waa tiro adhi ah.” Muuse Cawl 100 neef oo adhi ah ayuu
isla goobtii in la isugu keeno amar ku bixiyey, dabadeed Fooleey iga
tiri ku yidhi. Fooleeyna mar haddii aad adigu tirisay wuu dhan yahay
oo kaa daba tirin mahayo ee cid ii kaxaysa igu dar codsaday, illeen
ugaas adhi shaminaya daw ma ahee. Saa taana wuu ka yeelay oo war
adhiga haloo xerogeliya Ugaaska faray.
Fooleey ayaa cagta dhabbaha saaray oo intii uu sii socday in la eg
markuu soo socday qeyradiisii Koonfur kasoo galay. Salaan iyo
nabdaadin gaaban ka dibna tiro adhi ah ayaa la daba wadaa oo dadkii
fidho, ci, eedaan iyo laaqin wada socota ayaa badankiisii kusoo
kacay. Ugaas bal waran? War dhafoor buu ku yaalaaye, qoyskii hashu
ka fakatay 100kan neef ee adhiga ah haloo xereeyo! Oo xaggeed ka
keentay? Nimankii hasha qashay ayaan magdhaw ahaan uga soo qaaday.
Cajiib, waa wax aan hore loo arag loona maqal.
Maalmo ka dib ayuu Fooleey isagu yeedhay tolkii oo ujeedadii uu ka
lahaa sheekadan gudagalay. Tolow i maqal, ma nimanka aan hal
magteed ka soo qaaday ee dhalashada oo ay xeerinayaan iyo
sharaftayda oo ay dhawrayaan darteed saa iisoo hagaajiyey ayaad
isugu darteen inaad qoodh-iyo-xeraale ka dishaan, diyona u diidaan!
Arintaasi mid i qabata ma aha, Muuse Cawl mid qabata ma aha, oo mid
tolka kala qabata ma aha. Si degdeg ah ninka magtiisii aan u bixino
oo 100 neef oo geel ah ha la iisoo tubo saacadan aan joogno.
Nimankii way xujoobeen oo si ay wax u diidaan oo kale garan waayeen.
Dabadeed 100 geel ah ayaa durba la isu keenay mag ahaana loo
guddoonsiiyey Muuse iyo tolkii.
Halkaa ayuuna Fooleey colaad fogaata iyo ciil waara ku baajiyey
isagoo xikmadii Eebe Weyne ku manaystay arinta ugu cirbixiyey,
saaxiibtinimadii iyo wadatashigii isaga iyo Muuse u dhexeeyeyna ku
badbaadiyey. Illaahay baa xakiim ah.
Mar kale…
Haddii laba reer jabo wada degaan waxaa caado ahaan jirtay inay
labada Suldaan ee labada qoys u kala taliya aqaladooda ka dhisaan
kobta ooda reeruhu ku kala rogmato oo uu raaska suldaan ama ugaas
walba noqdo midka ugu baalleeya una xiga reerka kale. Haddaba
qisadaa kore ka dib, Fooleey Aadan iyo Muuse Cawl ayaa
jabo wada degay. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa qofkii aad
rabto inaad barato jabo la deg ama jid dheer la mar. In kasta oo ay
saaxiib iyo ehelba ahaayeen haddana jabadan aad ayey isugu barteen
oo ninba ka kale rag-ka-roonidiisa iyo dhaliilihiisa arag.
Laba nin oo aan kala dhicin raganimada, geesinimada, aftahanimada,
iyo deeqsinimada ayey ahaayeen wuxuuse moogan Fooleey damcay inuu
gun-ogaado Muuse Cawl sida uu u arko illeen insaan dhaliil la’aan
ma noqon karee. Tolow wax goldaloolo ah Muuse ma kugu sheegi karaa
maanta shakiga ah ayuu jawaab u doon is yidhi.
Fooleey ayaa haddaba Muuse weydiiyey, “Ina Adeeroow, raaskan intii
aynu niilay waynagaa darisnay, shaxnay, wada cawaynay, gar wada
qaadnay ee maxaad wax dhaliil ah igu sheegi lahayd?” Muuse oo aan
hadalku dabamarin ayaa si degdeg ah ugu jawaabay "waad samir xun
tahay!" "Oo sideen u samir xumahay?" ayuu weydiiyey. "Boqolle
intaad dishay ayaad adiga oo aan magtiisii wali bixin neef geel ah
oo kuray geeljire ahi qashay magtiisii iisoo doonatay!" ayuu Muuse
ku jawaabay.
Gartay ayuu Fooleey yidhi isagoo wajigiisa garawsho ka muuqdo.
Muuse ayaa moogiisii isna u celiyey adigu Fooleeyow "maxaad wax
dhaliil ah ii haysaa?" Fooleey ayaa Muuse kor iyo hoosba u dhawray.
Saa wuu kaba la’a yahay. Dibbuu ugu noqday intay degaanka wada
ahaayeen. Saa wuxuu xusuustay inaan Muuse salaadda aad u tukan
jirin. Kolkaa ayuu ku jawaabay, "Muusow adduunkana u kaba li’id,
aakharana u salaad li’id." Waa lagu kala dhaqaaqay, ma hadal
dambaa yaala.
Waa kow…
Mar kale ayey colaadi dhexmartay Fooleey tolkii uu arimin jiray iyo
reer kale. Dagaal ayaa foodda lays daray kolkaa ayey Fooleey iyo
raggiisii guulaysteen. Iyagoo dagaalkii markaa kasoo baxay oo
warmihii iyo seefihii wali midigaysan, dhiiguna tifqayo ayuu Fooleey
yidhi "war aan tukano?" "Oo Ugaas maxaan tukanaa saw annagaa
dhiigga Islaameed ku cillaamanay ma aha!" ayuu mid dagaalyahan ahaa
oo calaacashiisii midig iyo seeftii dhiig isku kooleeyey usoo
celiyey. “Mareexaan baanu collownay ee Illaahay maanaan coloobin
ee aan tukano” ayuu Fooleey halkaana ka yidhi, raggiina iimaam
ugu noqday. Tawajahnaa ilaa beytulaahil Xaraam, usalii Lillaahil
kariim iyo salaama naqsi ay kolba dhinac dayeen.
Dabadeedna…
Waa kale ayaa Fooleey oo duullaan ku maqan col reerkiisii usoo
dabamaray oo dukumdaakum ka dhigay. Reerka colku galay waxaa ka
hadhay oo ay Fooleey iyo ilaaladiisii jabadii ugu yimaadeen xaas kii
ahaa oo xaamilo ahayd. Wuxuu arkay isbadel weyn oo ka muuqda
reerkiisii. Wuxuu kaloo arkay haweenaydii oo aan siddii hore u
humbulayn. Sidaa oo kale, waxay ishiisu qabatay saddex nin oo
sac waalan wadda. Wuxuu haddaba damcay inuu haweenaydii
waraysto wuxuuna weydiiyey “naa waa hawoo lama daayee
maxaad dhashay? Waa hunguri oo lama daayee maxaa dabka kuu saaran?
Oo waa hadal oo lama daayee maxaa reerkii galay?” Xikmaddaa oo
aad u faaftay sheekooyin badanna Soomaalidu ka bixisay.
Allow ha ku mudin…
Mar kale ayaa waxaa la wariyey in Fooleey Aadan xoog istaawiyey,
tolkii iyo dagaalyahanimadoodana aad ula dhacay, aftahanimadiisa,
garashadiisa iyo dood aqoontiisana mahadiyey. Reer Aw Axmed Jiin
qoys la yidhaahdo oo dadkii uu ugaaska u ahaa ka mid ahna quraan
ruugnimadooda iyo diin aqoontooda la dhacay. Kolkaa ka dib ayuu
reebay hadalka gadaal caan baxay ee ah “Dood aan afkayga u
haysto, dagaal aan Cali Biciide u haysto, iyo diin aan Reer Aw Axmed
Jiin u haysto ninna oogama dambeeyo.” Cali Biciide waa laf hoose oo
tolka Fooleey Aadan ku aroorta.
Allow aadan beerka u dhimanin…
Ugu dambayntii, niman kale oo Reer Muumin la yidhaahdo oo Fooleey la
tol ahaa ayaa dacwadoodu ku badatay. Hebel ayey dileen, hebel ayey
dakhreen, iyo hebel kale ayey daaneeyeen ayaa kusoo noqnoqotay. Gar
joogta ah iyo dacwo aan dhammaan ayuu ka bixi waayey kolkaa ayuu
saaxiibkii Muuse oo ay wada tashan jireen weydiiyey su’aal. Wuxuu
yidhi Muusow:
· Taladaada ma yeele
· Tiisa ma mahadiye
· Tuu falaba ku qabsatay
maxaa laga yeelaa? Muuse ayaa ugu jawaabay “waa layska daba
luufluufaa” Fooleey ayaa kusoo celiyey “oo maxaad ula niyoon?”
Muuse ayaa ku jawaabay “kaasi meel walba wuu joogaa. Adigoo kaagii
xumaa ka yimid, ku kiisii xumaa wata ayaa ku dili.” Xikmaddaa Muuse
ee ku dhisan maamulka iyo hawadinta dad badan oo kala duwan ayuu
Fooleey qaatay, nimankii Reer Muumin ee dhibayna dadnimada iyo
dugsiga kale ee uu ku qabo tixgaliyey, shaqaaqada yar ee ay
abuuraana ugu dulqaatay.
Innaga oo aan soo koobi karin xikmadaha Fooleey Aadan Cali laga soo
tabiyey ee maahmaahda iyo murtida isugu jira, aynu intaa uun ku
xaalxaalno qoraalkan. Waa inoo mar kale.
Adigu maxaad ka haysaa murtidii iyo sheekooyinkii dhaxalgalka ahaa
ee ka hadhay Fooleey Aadan iyo Muuse Cawl.
Nagala soo xidhiidh
mail@doollo.com
|