Waa mar kale iyo taxenihii ahaa "Rag waa raggii hore, hadalna waa
intuu yidhi." Waxaan maanta soo qaadanaynaa sheeko ka mid ah
sheekooyinkii badnaa ee lagu qaadan jiray dugsiyadii Soomaaliya.
Waxaa sheekadan gaar ahaan lagu baran jiray fasalka koowaad ee
dugsiga sare. Waa sheeko diin iyo qosolba leh. Waxay
sheekadu ahayd sidan:
Wuxuu
ku barbaaray miyiga, waligiina magaalo subax kama soo toosin.
Xoolaha dhaqaalahooda ayuu aad u yiqiin, nolosha miyigana meel fog
ayuu ka gaadhay. Magaalada haddii wax looga baahdo aabihii ayaa
reerka u safri jiray.
Ileen ninkii aan dhiman waaya
dhibaato waa u hurti la’aane, maalintii dambe ayuu aabihii allaystay,
isgana irrido howleed oo hor lihi ku furmeen. Markii Jiilaal
dhaartay, caanana jeesteen ayuu reerkii usoo safray isagoo neefaf
adhi ah wada. Jidkii haddii ay soo mareen ayuu baabuurkii ay
fuushanaayeen mar qudha jirjircadka iska rogey. Intii hadhuubkood
buuxsamay way geeriyootay. Faaraxse dhaawac uu la miyir doorsoomay
oo aan nabar muuqda lahayn ayaa gaadhay. Markiiba waxaa goobtii
guuldaradu ka dhacday usoo gurmaday dadkii meelahaa ka dhawaa iyo
baabuurtii wadada marayey. Faarax iyo dhaawicii kaleba waxaa
degdeg loogu daadgureeyey cisbitaalkii ugu dhowaa.
Laba maalmood ka dib ayuu
miyirsaday oo wax kala gartay. Markiiba waxay ishiisu ku dhacday
waxyaalo aanu weligii il saarin. Sariiro dhar cad lagu dedey,
dhalooyin sariiraha qaarkood kasoo kor deldellaa iyo dad sariirahaa
ku dul jiifay.
Isaga oo aad u yaaban ayuu nin
sariir u dhowayd ku jiifay oo Manaxe la odhan jiray waraystay oo
yidhi “war bal meesha iiga waran?” “Meeshani waa aakhiro” “Waa xaq”
Faarax baa isdhiibay, isaga oo aad u naxsan. Cabbaar markii uu
aamusnaa ayaa nin dhakhtar ah oo cad iyo gabadh kaaliso ahayd oo
iyaduna dhar cad xidhnayd qolkii Faarax jiifay soo galeen oo dadkii
safkii Faarax kasoo horjeeday yiilay tooyasho iyo wax u qabad ku
billaabeen. Waxaa kale oo uu arkay gabadh iyaduna dhar cad qabta oo
cuno dadka u qaybinaysay.
Illeen la yaab ma lehee, intuu
is hayn waayey ayuu Manaxe la hadlay oo yidhi “war kuwanina maxay
ahaayeen?” “Waa malaa’igtii qof walba wuxuu kasbaday siinaysay”
Manaxaa miskiinkuu kusii dhallaaliyey. “Waa xaq” ayuu Faarax ma
labaad yidhi. Waxaanad aqoon u lahayniba waa ballaayo adduune,
wuxuu haddana arkay dad qolka qalliinka la geeynayo oo rabrab ama
dhooliyaal lagu walwaalayey. Markaas inta uu jiifkii sidii wax
boodaya ka hinqaday ayuu Manaxe ku yidhi “Kuwaana xaggee loo wadaa?”
“Waa qoladii la xisaabay oo cadaabta iyo jannada ayaa loo kala
dirayaa.” “Waa xaq ayuu Faarax sidiisii ku celiyey.”
Naxdin iyo argagax inta uu
Illaahay isugu keenay Faarax ayuu daaqad wejigiisa ku beegnayd eegay
wuxuuna arkay awr afar ahayd oo cisbitaalka xaabo u sidday. Manaxe
oo markaas inuu kaco oo uu soo fooldhaqdo u kaankaansanayey ayuu
su’aal kale ku celiey oo yidhi “war awrtan aakhiro joogtana maxay
ahayd?” “Waxay siddaa xaabadii cadaabta lagu shidi lahaa.” Ayuu ugu
jawaabay Manaxe, isna geddiisii “waa xaq”
Muddo yar ka dib ayey
dhakhtarkii iyo kaalisadii sariirtii Faarax soo gaadheen oo intay
kaadhkiisii qaadeen daawooyin ugu qoreen iyaga oo aan afka u kala
qaadin! Markii ay ka tageen ayuu Manaxe weydiiyey oo yidhi ‘war
maxay anigana ii qoreen?” “Cadaabta” Manaxaa degdeg ugu jawaabay.
Hal cabbaar ah markii uu
fakarayey ayuu Faarax intuu xanuunkii hayey iska ilaaway degdeg u
kacay oo irrida ka booday. Deetana orod buu is qaaday isaga oo
doonayey inuu caddaabta cago kaga baxsado. Shaqaalihii isbitaalku
markay orod ku gaadhi waayeen ayaa baabuur Booliisku lahaa lagu
eryey oo sariirtii lagu soo celiyey isaga oo lahaa “haddii aan ifkii
camal fasho, Malaa’igta cadaabku cago iguma gaadheen. Faarax dadku
waxay u qaateen inay jugtii gaadhay wax u dhintay, cidina ma aanay
waraysan.
_____________________
Waxaan kasoo guurinay
buuggii suugaanta ee fasalka 9aad ee billowga dugsiga sare. |