1. Home

    Gabayaagii Hore; Xigasho Xushmad Leh

                                                                 

     
     
     
     
     
     
     
     
     
     

    Xaddis A. Caabbi

    Xadiscaabi@hotmail.com

     

    Haddii aanay jirin xuquuq lahaansho gaar ahaaneed ee shay waxaa la arki lahaa in is qabqabsi badan yimaado.  Lahaanshaha gaar ahaaneed kuma koobna shay muuqda sida bayd, bino ama beer oo kaliya ee waxaa la ogaaday inay lagama maarmaan tahay in xitaa muhindiska la siiyo xuquuq la siman mida ruuxa guriga leh si ay u korodho in wax badan lagu soo kordhiyo nolosheena.

     

    Ujeedadaydu ma aha inaan si sharci ah u gada galo xuquuqaha lahaanshaha iyo xukumadooda laakiin waxaan jeclaystay bal inaan milicsado Soomaalidii hore sida ay u qadarin jirtay xuquuqda lahaanshaha gaar ahaaneed khaasatan midda suugaaneed.

     

    Waayadan dambe waxaa batay inaad aragto is qabqabsi suugaaneed. Gabay nin lahaa ayaad maqli mid kale oo loo xanbaarinayo, marar kooban waxay ku dhacdaa aqoon la’aan inta badana waxaa sababa eex qabiil iyo nin jeclaysi, waxaase la arkaa hadii uu noolaan lahaa gabayaagaa loo xoolo goynayo inuu iska bari yeeli lahaa.

     

    Waxba yaanan ku dheeraanin ee aan isku dayo inaan si guud mar ah u milicsano xilligii hore iyo sida ay arimo ahaan jireen.  Malahayga waxa ka ilaalin jiray in nin sheegto gabay nin kale waxaa ka mid ahaa: dadka oo necbaa beenta iyagoo u arkayay inay tahay wax Ilaahay iyo aadamihiisuba karheen isla markaana sumcadda ruuxa disha; tan kale waxaa jirtay in ruuxu isku kalsoonaan jiray oo uu u arki jiray inuu xigmadda inta Eebbe ka siiyay ay kafaaye ku tahay isagoo aqoonsan in ay waliba jiraan rag uusan agtooda qori ka jabin karin.

     

    Haddaba suura gal ma ahayn in gabayaagu ka kaaftoomo inuu ku kabo gabaygiisa eray, bayd, ama qeyb dhan oo gabay nin kale tiriyay ah, ama taariikh muhiim ah uu uga maarmi waayo taasoo khasab kaga dhigta inuu soo ergisto,  amaba waxaa mararka qaarkood khasab noqota in gabyaagu jawaabta gabaygiisa kusoo daro baydad uu tiriyey abwaanka uu u jawaabayo.  Waxaa su’aal ah marka sidee bay inta badan u maamuli jireen arimahaas.

     

    Aan soo qaadano dhawr tusaale;

     

    Cabdi Gorad garaadkii markuu, gabayga saaraayey

    Gablan talo adduunneey wuxuu, ugu guraabaasay

     Macnahuu ka gooraamayaan, Biixiyoow galaye

     

    Gabayaaga weyn ee Macallin Dhoodaan ayay tooggo u qabatay in uu gabaygiisa ku sharaxo erayga ah “Gablan talo aduuneey” Dhoodaan kama ilduufin in eraygaasi ahaa udub dhexaadka gabaygii uu horaan u tiriyay mu’alifkii waynaa ee Cabdi Gorod.

    Gablan tala adduuneey maxaa, tu walba loo joogay

     

     Dhoodaan isagoo mulkiilaha siinaya xuquuqdiisa muhundisnimo isla markaana si xikmad leh oo sharafi ku dheehan tahay u xusaya abwaanka ayuu isticmaalay eraygiisii walibana uu bar bar dhigay sida ay arintiisu ugu dhawdahay tii uu Cabdi Gorod ka gabayay sanado ka hor.

     

    Mar kale bal milicsi cilmiyeed ku samee sida uusan abwaanku raali uga ahayn inuu isa siiyo sadar aan maskaxdiisa ka soo maaxan ama cidi uga horaysay - wuxuu garanayaa qiimi jabka ay u keensan karto gabaygiisa- wuxuu waliba mar kale muujinayaa awoodda  muhundisnimo ee uu leeyahay ee u saamaxaysa inuu adeegsado murti horay u sii jirtay isagoo ku loohaya tiisa kana samaynaya wax cusub.

     

    Talalkiyo catowgiyo ilmada,n iga tiflaynaysa

    Balaayadan i taabo leh miyaan, toosin kari waayey

    Taariikhda Nuur Jiir siddii, looga soo tabiyey

    Mar uu taakhirkaaygaa galay buu, ciil tawaawacayee

    Tanaa taxadka uga sii dhow oo, tahan ka sii dheere

     

    Dhoodaan waxaa mar kale xiiso galiyay bayd uu tiriyay abwaan Nuur Jiir “Balaayadan i taabo leh miyaan, toosin kari waayay” oo ka mid ahayd gabaygii qaaliga ahaa ee uu tiriyay abwaankaasi; odhaahdan oo aad u caan baxday Macallinku wuxuu u adeegsanayaa dhawr shayba: waa maree waxay si buuxda uga turjumaysaa gabaygan uu markaa xardhayey ee ahaa “Takartaa Maroodiga Liqday” oo baydkaasi si fiican uga tilmaan bixin karay, waa mar kale e taariikhda uu baydkaasi ku qotomo oo ahayd mid si wayn umaddu u taqaanay oon u baahnayn in la is waydiiyo. Balse eeg sida cilmiyaysan ee uu Dhoodaan u amaahday erayga isagoo magacii mulkiilaha iyo waliba taariikh ahaanba banaanka soo dhigay.

     

    Bal aan eeggana milicsano abwaankii waynaa ee Ismaaciil mire oo xiganaya Qamaan Bulxan waa silsiladii Rayid;

     

    Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey

    Cawlkii la dabay oo middida, dabaxda loo waayey

    Oo qoday birtii lagu dig dhabay, kuugu duurxula'e

    Allaylehe dadkii kugu danniyay, waaba kuu digaye

     

    Ismaaciil wuxuu  si waafi ah uga sheekaynayaa  ninkii soo gabraarsaday ee cawshii uu qabsaday wuxuu ku gawraco u waayay ee rafadkay rafanaysay  mindidii lagu gawrici lahaa lawga ku dhufatay ee soo saartay, haddaad eegto baydadkiisa koobaad “Damanaansho nimankaad bidaye…” wuxuu uga jeedaa Qamaan oo ahaa ninka uu xiganayo bal is bar bar dhig baydadkii Qamaan waa kuwane;

     

     

    Cowl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye

    Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan

    Golxobtiyo lawaa tooriday, Gurey ku noolayde

    Jeenay gabsiisoo markaa, qodatay garaaye

     Adiguna gaddii baa tahoo, ways gunaanadiye

     

    Waxaa wax aad looga helo ah sida uu abwaan Ismaaciil Mire ugu celiyey sheekada isagoo waliba isticmaalaya xaraf ka duwan xarafkii uu ku socday gabayga Qamaan ee uu waliba u xusayo in erayadaa -macno ahaan- uu ruux kale lahaa‘Qamaan.’

     

    Waxaa la wariyay in Sayid Maxamed maqlay gabay uu tiriyay abwaankii caanka ahaa ee Faarax Afeey oo uu kaga sheekaynayay dagaal uu galay iyo sida faraskiisu uga qayb qaatay, ahaydna:

     

    Feedhaha markaan uga qablamay, sida libaax qoodh ah

    Waa kaan Xamar Qaayibow, qoorta kaa rogaye

     

    Sayid Maxamed oo fardaha aad u jeclaa ayaa la sheegay inuu yidhi: haddan ogaan lahaa eraygaa inta uusan gabaygiisa ku darin boqol halaad waan ka siisan lahaa. Laakiin Sayidka waxaa u diidayey inuu iska xayuubsado tuducaa uu jeclaystay xaq dhawr uu xaq dhawrahayey lahaanshaha qaar ahaaneed ee uu mulkiga u leeyahay eraygaa abwaan Faarax Afeey.

     

    Inagoon qormo iyo laba toona ku dhamayn karin sidii asluubta iyo anshaxa lahayd ee abwaanadu isu tix galin jireen mid walbana uu si kalsooni ah laabtiisa iyo maankiisa uga muhindisoon jiray inta Eebbe ku anfacay isaga, iyo waliba sida qadarinta leh ee uu u ilaalin jiray mu’alifka kale shaqadiisa iyo hantidiisa suugaaneed ayaan qoraalkaygan kusoo koobayaa siday abwaano badan maanka iyo maskaxda ku hayeen marka ay gabay curinayaan;

     

    Inaan gabay abuuraa haday, ila ekoonaato

    Waxaan dooni meel ugub ahayd, inaan abbaaraaye

     

     

     
     
     
     
     
     
     
     

    Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

    Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.