Xilligii Daraawiishta waxaa Soomaali kasoo baxay rag door ah oo
gabya oo halgankaa lid ku ahaa. Sababo kala duwan ayaa mid walba oo
nimankaa ka mid ah mucaarad ka dhigay: ninbay mucaaradnimadiisu
shaqsi ahayd, midbay qoys hoose oo uu ka dhashay iyo Daraawiish
xurguf dhexmartay ku salanaysnayd, midbay laaluush iyo gunno Ingiriis
u lulay hodday. Midba si ayuu xadka uga tallaabay.
Arinta ugu weyn ee Daraawiish iyo raggaa aan xusnay isku dirtay
waxaa lagu sheegi karaa inay ahayd midda qabyaaladda. Sidaan
ognahay, Soomaalidu qabyaaladda way ku daran tahay, gabayaaguna
Soomaalidaa ayuu ka mid yahay oo uu waliba ugu cod dheer yahay.
Sebenkii Daraawiishta, nimanka gabyaa badankoodu waxay isu fiirin
jireen dhaqdhaqaaqa Daraawiishta iyo jilibka ay ka dhasheen danta
ugu jirta haddii Daraawiishi xooggaysato hadafkeeduna taabogalo.
Haddii gabayaagu – waa qaarkoode - u arko in danta guud ay ka hor
imanayso midda gaarka u ah jibsintiisa, mucaarad ayuu noqon jiray.
Kol haddii uu mucaarad noqdana afkiisa ayuu maali jiray oo uu isku
dayi jiray inuu weerar iyo difaacba ka noqdo waxa ugu muuqda danta
qoyskiisa.
Haddaba, ragga gabayga caanka ku ah ee Daraawiish iyo halgankii
Sayid Maxamed ka hor yimid waxaa ka mid ahaa gabayaa la odhan jiray
Cilmi Raage oo reer Qorraxeey ahaa. Cilmi gabayo badan ayuu Sayidka
iyo Daraawiishba u mariyey, kolkiise uu maqlay geeridii Sayid
Maxamed iyo daanadii Ingiriis caga-weyne ku falay Daraawiish ayuu
midkii ugu darraa tiriyey.
Cilmi judhiiba inuu aad ugu farxay geerida Sayidka ee lasoo tabiyey
ayuu ina dareensiiyey. Maal iyo degaan, guri iyo garashoba intii
uu hodanka ku ahaa laguna tixgalin jiray balse ay Daraawiishi
dhaafisay inaanay waxba la ahayn wax walbana jabka Bahgeri soo
gaadhay kala weyn yahay ayuu raaciyey.
Guud ahaan, wuxuu mariyey gabay digasho ah oo aan aakhiro iyo adduun
midna carabka la gafin. Waa gabay aan Daraawiish iyo Sayid Maxamed
kaliya ku ekaanin laakiin ku digtay cid walba oo ay Cilmi ugu
muuqatay inay Daraawiish la jirto. Bahgeri oo Sayidku ka dhashay,
Makaahiil iyo madaxdiisii oo uu Rafle Guuleed Hagoog ugu horreeyo
iyo qof kasta oo godob ka qabay ayuu bagga ku leeyahay. Mar haddii
Sayid Maxamed aakhiro u guuray ma tolalkaasaa guluf dambe igu soo
bixin kara weeye dulucdiisu.
Cilmi wuxuu qaadan la’a yahay wixii uu awood iyo xoog Sayid Maxamed
lahaa inuu maanta uun aakharaad ka yahay. Waxaa kale oo ay Cilmi la
tahay inaan Sayidka wax camalsan ahi aakharo uga horraynin. Sidii
iyadoo Sayidku mowdka isu hayo, ayuu wuxuu Cilmi la yaaban yahay
sida uu aakharo laabta u siiyey! Ugu damabayntii, Cilmi maba
aaminsana in Sayid Maxamed geeryooday, wuxuuna qabaa inuu wali
dhaqan yahay oo uu aroos iyo barwaaqo, guubaabo iyo dagaal gelin
wali baaqi ku yahay.
Sidaan wada ognahay, qofna camal kaliya naxariista Alle kuma helo,
jannaduna waa gallad Eebbe uu bixiyo. Qofkii shaqaysta, Allena ku
manaysto ayunbaa jannada hela. Waxaase xaqiiqo ah in Sayid Maxamed
Cabdille Xasan uu ahaa ehlu kheyr, mujaahid, caalim, caabid iyo
saalixba. Sidaa awgeed, ninkii dooni ha hadlee, Sayidku
sharaf iyo wanaag ayuu dunida ku noolaa kagana tagay, aakharana
sidaan qabo waa ehlu janno.
Taariikh ahaan iyo xikmadda gabayga oo aynu ku xasilno uun
iyadoo qasdigeenu yahay, gabaygii Cilmi Raage waa
kan:
-
Iimeey galkeediyo warkii webi kasoo guulay
-
Ee guurihii noogu yimid gurigan ruuxiisa
-
Ganka waan ka diirsaday wadnaha gacaladiisiiye
-
Goonyaha shan jeer baan is-rogay galindhexaadkiiye
-
Sida goodir dhalay baa qalbigu ii gunuunucaye
-
Guuloow ha beenayn xalay gini i siiyeene
-
Afartaa garraax lama hadlee godoro maw xaadhay
-
Sidii webi galdaasa ah miyaan gabiyadii dhaafay
-
Galgala-baxaygii miyaan uunka wada gaadhay
-
Galoof lama shubee xalay miyaa layga wada guufay
-
Goortuu gabbaan soocan jiray gorof miyaan buuxshay
-
Caawaana gobaa igu habane bal aan gufaacoodo
-
Waxay gu’itin moodeen armuu yara gamuuyooday
-
Wadaadkii gunaanaday miyaa yaraha guulguulay
-
Sideebuu u go’ay Maxamed sow lagama hayn gaadhka
-
Guhaaddiisa wiilkaan bartiyo geesinimadiisa
-
Sallib baa god loo qoday anaan laabta galinayne
-
Anse mooyi Guullaw Illaah noo garbixiyaana
-
Afartaa garraax lama hadlee godoro maw xaadhay
-
Sidii webi galdaasa ah miyaan gabiyadii dhaafay
-
Galgala-baxaygii miyaan uunka wada gaadhay
-
Galoof lama shubee xalay miyaa layga wada guufay
-
Goortuu gabbaan soocan jiray gorof miyaan buuxshay
-
Caawaana gobaa igu habane bal aan gufaacoodo
-
Ima galin galladahay wadeen gooshigii shalaye
-
Kolkii mowdka lagu soo ganees galiyey waabeyda
-
Amuu gii lahaa ee wadnaha gacantu ay fuushay
-
Girligaanadiisii miyaan goobta lagu haynin
-
Goonyaha miyaan laga fadhiyin gole nijaaseedka
-
Gooskii miyaan lagula jirin gubadii baaruudda
-
Gabas loola fiirsaday kolkuu galay bogaaggiisa
-
Gumcadle iyo Abraahiin miyaan geydh u diriraynin
-
Giddi Haber Saleebaan miyaan daba guclaynaynin
-
Isagaa u gaardiyi jiree Gallac miyaan joogin
-
Ma Raflaan guddiga hayn sidee garacii loo aasay
-
Aakhiro sidee ugu galbaday doqonsanaa gaalku
-
Afartaa garraax lama hadlee godoro maw xaadhay
-
Sidii webi galdaasa ah miyaan gabiyadii dhaafay
-
Galgala-baxaygii miyaan uunka wada gaadhay
-
Galoof lama shubee xalay miyaa layga wada guufay
-
Goortuu gabbaan soocan jiray gorof miyaan buuxshay
-
Caawaana gobaa igu habane bal aan gufaacoodo
-
Haddaasuu garuumaynayaa gabadh Islaameede
-
Haddaasuu garoob meher la’ iyo garandi haystaaye
-
Haddaasuu haween ula galbani gobartii waynayde
-
Haddaasuu cadkuu goosan jiray gawska ku hayaaye
-
Haddaasuu gojaxa loo karshiyo garaw cunaayaaye…
-
Haddaasuu galaay iyo baxaay ugu galaydhyayne
-
Haddaasey u gaardiyahayaan golihii naareede
-
Haddaasuu Rasuulkii gafsiin qoomka garab yaalle
-
Shir gamaaman waayeel gab yidhi odayo guulaaya
-
Arrin guud ah gaardiyo xarago gooddi iyo fuulmo
-
Waxba yaanan geedaha tolkay gabay ka luuqayne
-
Geel nimaan lahayn baa wadnuhu guban diraacdiiye
-
Gamashiga hayaanka ah dadkoo bari ka soo guuray
-
Waxba yaanan gooraan ku furin galihii Baarjeexe
-
Gangan iyo gafuurkii hadhiyo Faafan gudaheeda
-
Waxba yaanan Duumaale geyn sebenkan Giirbey e
-
Waxba yaan gadhoodh lagaga lulin gacammadii Ciine
-
Gu’ samaaday deegaan gig tidhi, gocorro doogoobay
-
Galadiid gobkii Dooxa Weyn, Gorayga meeshiisa
-
Waxba yaan furaash lagu gamo’ iyo gaadh la’ii dhigine
-
…
-
Kabadhahakan soo gudahayee Guban ka soo dhoofay
-
Waxba yaanan gooshaashka yimid maro ka soo goyne
-
Anigoo gargaar qaba kuwii galab i naafeeyay
-
Guska iyo xiniinyaha kuwii iiga gudi waayay
-
Nimankii raggaan garabsan jiray gudurida u loogay
-
Kol hadday Bahgari gaabatay ooy goob xun wada joogto
-
Ooy sida gal-miireed gudheen waan gargaarahaye
-
Gacallowah Eebbaw haddaad gaaladii lumisay.
Sidan si ka duwan haddii
aad gabaygan u maqashay fadlan nala soo xidhiidh:
mail@doollo.com
Waxaa
soo saxay meerisyo baddanna aanu ka helnay
Maxamed-rashiid Sheekh Cabdullahi.