|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Taxanihii ahaa rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi ayaa wali inoo socda. Maanta waxaynu soo qaadanaynaa geeraar uu tiriyey geeraarshe Mudug iyo goboladda dhexe ee Soomaaliya caan ka ahaa oo la odhan jiray Gooni Cabdi Xaaji. Waa geeraar faan ah oo uu tolkii kaga soocayo Soomaali inteeda kale. Wuxuu ka soo billaabay Daarood, wuxuu soo maray Kablalax, wuxuu u gudbay Harti, wuxuu soo gaadhay Cismaan Maxamuud. Anigoo halkaa kasoo jeeda wax Alla wixii aan doono inaan sameeyo sow ma awoodo, ayuu ku jaray. Wuxuu yidhi:
Illaahii dad dhammaantii Intuu dhoobo ka uumay Dhulka waalid ka yeelow
Dhabarkii Nebi Aadan Illaahii naga dheegayow Noo dhammeeyey garaadkow
Illaahii dhaladkaygana Daarood iiga dhex beereen Igu dheehin ninnow
Dhoomihii Kablalax Illaahii dhadhankkoodiyo Dhuuxoodii iga yeelow
Haddaan sii dhalandhoolo Abtirsiinyaha dheelmo Harti bay u dhacdaaye Illaahaan dhibic ceeb ah Meelna iiga dhoweynow
Guni waa dhaddigoodoo Waxba dhaawici maysoo Sida dhaydiyo xoortaa Layska soo dhamayaaye Illaahii dheegga Cismaan iyo Dhagax aan la marayn iyo Dhadhaabtaa iga yeelow
Haddaan dhiidhiyo maantoo Dhirfo oo aan wax laayo Intaan dhoobta suldaankiyo Dhalin Reer Maxamuud iyo Ilma Yuusuf dhex joogo Dhafoor wiil aan ka toogtay Dhurwaagoo cuna mooyee Mindhaa geel kama dhiibo
Waxaan ka qoray buuggii Ina Cabdille Xasan ee uu qoray Yaasiin Cismaan Keenadiid, 1984kii
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|