Gabaydaa dhex mari jiray
nimankii Isaaq iyo Maax Dhagoole waxaa ka mid ahaa mar ay qolo hadal
usoo fareen Maax oo ay yidhaahdeen:
-
Sin baneeye bawdkiyo habraha,
bari ka sheekeeye
-
Barin goon leh iyo meel
banaan, boodhka kala xaadhe
-
Bisqinyaha habaaskii galay,
dib uga baandheeye
-
Halkuu baadi doonkii ku
helay, boodhka ka afuufe
-
...
Markaa
ayuu Maaxna u caliyey:
-
Kalya cune kalluun xadhig ku
dabe, kuudud qumayaale
-
Muslinka oo karuurkiisa
dhama, kiishad madhan hayste
-
Koran xabagi oofaha jartiyo,
nirig kabaalayste
-
Kub habaasle waagii barayaba,
kadinka taagnaade
-
Meeshiyo kaxdii Dhoobo Weyn,
kolay la meerayste
-
Wax karkariye dheef laga
kibriyo, madaxyo kiikayste
-
Kuraantiyo intuu madaxa cuno,
kalalax maadoole
-
Kanbal reer intuu yuurursado,
meel xun kamandhuudhe
-
Siddii nirig kaliilada lahaa
oo, hal loo kiciyey
-
Kamiintii hunguri buu qabaa,
kadan lasoo roorye
-
Kayntaa markii uu u baxo ee,
ka kale doonto
-
Kunkii la cadcadaab ma u eg
yahay, kadaf godkii waayey
-
...
Gabayada Maax ee kale bal soo
raadi. |