Mar kale oo uu gabay dhinaca
Isaaq u diray waa kii lahaa waa inta aan hayno ee:
-
Iidoor qardoofaan lahayn,
tan iyo Qaabiile
-
Qasrigaasu waw kala xidhnaa,
qolada Daaroode
-
Waxaanse qoodhihii jaray,
markaan Qaar-cayuun idhiye
-
Ma kitaab Quraanaan ka dayey,
qeexanaa hadalku
-
Hadda uu qaliil kama baxoow,
qeyd macaash yahaye
-
Hadda uu qar ooddan iyo sool,
qaali mariyaaye
-
Hadda uu qaraamaad ka guran,
qollada Hiiraane
-
Hadda uu qashwado fool xun
iyo, quluc biyeystaaye
-
Hadda uu quddaha leefayaa
waa, qorqodihiiye
-
...
Markii kalana waa tii laga soo
wariyey:
-
Milix keentayaa iyo adhyaha,
marin ka doontaaba
-
Macaluul wax kagama dhintaan,
macawisaalowe
-
Malax badane siddii Moor
garba la’, min isku heeryeeye
-
Mantag celiye miir
daaca-qudhun, kala musbaaxayste
|