|
Isla dagaalkaa Jiidha ayuu Maxamed Dheere wuxuu sifeeyey sidii rag
isu helay, sahankii la diray, iyo wixii rag kale dheefay. Wuxuu
taxayaa rag door ah oo Abraahiin ah oo uu u arko inay wacdaro muujiyeen. Inta aan
helay wuxuu yidhi:
-
Xasan
Qalac qumanow Yuusuf Qani, qaalanoow Maxamed
-
Qalbinuuriyow
ina Guhaad, qaate ducadiiye
-
Xuseen
Mallow sibraarkii u qabay, qaabkii loo toloye
-
Qolkii
xero jilfeey gaas qabbiran, qab isla dhaafeene
-
Qamaamihii
horeetaba labay, kaga qolfeeyeene
-
Qaylya iyo gaadh
lanada qolo, laysu qoob eriye
-
Teeriyo qabriga Xaajigiyo, qodaxle
meeshiisa
-
Qardo iyo wadaba waa sinaa,
qalablahoodiiye
-
Wixii qaamudkii galay ku dhimay,
qaarna dhaawace e
-
Qalabkoon la guran weerarbay, nagu
qac siiyyeen
-
Qiyaas li'i rasaas noogu ride,
qaaca waaberiye
-
Qabo daadsan
qaar tolan fundhaal, qaade wixii yiilay
-
Qurbac
loogama tagin reerihii, qeyrada ahaaye
-
.....
-
Markaan
Quustar Dheeriyo Lixlaha, qoorta kala raacay
-
Ku qabaw qabkuu
damacsanaa, qaar-dambe cayuune
Mar kale ayuu
Maxamed wuxuu si gooni ah gabay ugu weeraray nin ka mid ah raggii
colka soo dumay oo la odhan jiray Koosaar. Sida tixda aynu ka
fahmi karro, Koosaar markii raggiisii la jabiyey ayuu u cararay dhinaca Caado. Dadkii safraha iyo reer
guuraaga isugu jiray ee Koosaar arkay markuu baqaha ahaa horayna u
yaqaanay ayaa la yaabay diifta odayga ka muuqata. Maxamed Dheere wuxuu damcay inuu mar
kale uunka maqashiiyo dhibaatada gaadhay Koosaar. Wuxuu tiriyey tix
ay iga soo gaadhay:
-
Siddii
geel cashiyey oo galbeed, geed xun kaga caalay
-
Ama
cawl lo’aad oo carriyo, keyn cosob ah jooga
-
Ama
adhi cararay oo dhurwaa, ceynta ku idleeyey
-
Caarad-dhuub
markii labada dhinac, lagaga cayntaarshay
-
Ceebowyey
koosaar miyuu, calaladii tuuray
-
Cantabkii
ka daadaataan wadada, Caado loo marine
Maxamed Geele Ibtaahim Yalax
Xasan Faarax Siciid
Xasan Guhaad
Xuseen
|
|