Wuxuu abwaanku gabaygan
tiriyey muddo aan saa u fogayn isaga oo u jawaabaya niman Isaaq ahaa oo soo
caraatamay. Wuxuu qirayaa sheegashada Soomaalida qaarkeed
sheegato in asalkoodu Carabta xaggeeda ka soo jeedo oo ay waliba
isugu faanaan. Wuxuu leeyahay dib ayaanban u faa'iiday mar
haddii duul aan ila sinayn hadalba na dhex maray. Wuxuu kaloo
leeyahay cir, dhul, meeshaad dooniba tag aniga unbaa kaa dul bixi
doona mar walba. Inta nasoo gaadhay oo aan cajalad Cabdullaahi
Dhoodaan duubay ka qornay wuxuu ku bilaabay Xasan:
·
Markaan Carab ahaa ee Cajami,
laygu soo celiyey
·
Isagaa ciraab lehee wuxuu,
Caadil uga jeeday
· Cagta waa inaan kugu hayood,
ciil u dhimataaye
· Cimrigaaga waa inaan sidaa,
kuu cabiidsade e
· Haddaadse cararto baallayda,
waa lagu carraabaaye
· Cirka gaadhi maysidooo, Ilaah
caasi baad tahaye
· Daruuruhuna waa cad yaroo, ku
ceshan maayaane
· Cidhib iyo dhul layslama huree,
ciidda waa imane
· Kobtaad cagaha saartana waxaa,
ku cuskan Daaroode
· Annagiyo cammuudaba ninkii,
caasiyaa mudaye
Soo
dhamaystir haddii uu qabyo yahay.
|