Waa qayb cusub oo ka mid ah dersigii taxaneha ahaa ee summaddiisu
ahayd ‘rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.’ Waxaan maanta
soo qaadanaynaa gabaygii Qayb Libaax ee uu mariyey Xuseen Maxamuud
Faarax, waa Xuseen-dhiqle.
Tan iyo kolkii ay Daraawiishi halganka billowday, waxaa Sayid
Maxamed iyo boqortooyadii Caruuso ee Nuux Maxamuud Daadhi suldaanka
u ahaa u dhexeeyey xidhiidh qarsoodi ah. Dhambaalo, fikrado iyo
hadyado badan ayey is dhaafsadeen intii Daraawiishi Doollo iyo Ciid,
Nugaal iyo Mudug ku dhaqnayd. Markii Daraawiishi IImeey soo degtay
ayuu Sayid Maxamed waraaq u diray Suldaan Nuux isagoo uga waramaya
xaalladda Daraawiish lasoo daristay caddaynaya inuu jahaadka halkii
kasii wadayo ilaa uu gumaysiga dalka ka saaro. Waxaa sidoo kale
jiray balanqaad xididtinimo oo dhexmaray Sayidka iyo suldaanka.
Wax yar ka dib, waa tii Sayid Maxamed geeriyooday, waa tii
Daraawiishi firidhay, waa tii taliskii xaruntu Iimeey ka guuray kana
cidgalay caro Caruusaad. Khusuusiga caro Caruusaad tagay waxaa ka
mid ahaa Xuseen-Dhiqle, Abshir Dhoore, Cismaan Boos, Jaamac Lugay
iyo Xaaji Firxad. Balanqaadkii ahaa in labada madaxtooyo xididaan
ayey odayaashaasi iyo kuwii Nuux Daadhi fuliyeen, waxaana, sida uu
sheegay Isahaaq Maxamuud Daadhi, labada dhinac dhexmaray kala
guursi ilaa lix ahaa.
Jamaad Sheekh Cabdille oo ka mid ahayd dumarkii
halkaa lagu kala doonay ayaa diiday inay guursato Nuux Maxamuud
Daadhi. Nuux wuxuu la kulmay Xuseen-dhiqle oo ku yidhi bal
haweenayda la hadal. Xuseen-Dhiqle wuxuu la aragti ahaa Jamaad
raalina
kama
ahayn in la siiyo Nuux Maxamuud. Horena wuxuu uga xumaa Cali Diniqo
oo la siiyey Naado Buraale. Haddaba wuxuu mariyey gabay
garnaqsi ah oo murtidiisu
tilmaaman tahay oo uu kula hadlay nimankii madaxda
ahaa ee reer Daadhi. Waa gabay mid loo dhigaa ku yar yahay
suugaanta Soomaaliyeed.
Xuseen wuxuu isticmaalay sheeko xariir Soomaaliyeed oo ah sidan.
Waxaa la yidhi habar dugaag ayaa hal dilay kolkaa ayey sidii ay u
qaybsan lahaayeen isugu yimaadeen. Libaax oo loo qirsan yahay inuu
yahay boqorka duurjoogta ayaa dhurwaa faray inuu isu xilqaamo
qaybinta hilibka. Dhurwaa wuxuu soo jeediyey in libaaxu hasha badh
qaato badhna habar dugaag inteeda kale ay ku calyo-qubto. Libaax
arintaa Alle kuma anficin, il iyo ayeydeed ayuuna dhurwaagi rujiyey.
Dhurwaagii oo dhinac isu godaya ayaa safkii habardugaag gadaal u
maray.
Libaaxii ayaa miciyo listay. Ishuu saa ula raacay kolkaa ayuu wuxuu
soo qabtay Dawaco. Ku ye, naa dayooy hilbaha asxaabta u qaybi oo
waliba si cadli ku jiro u qaybi. Soomaalidu waxay sheegtaa in
dawacadu sir badan tahay ama dhiifoon tahay. Dawaco waxay tidhi
libaax hasha jeex dhan bal qabo! Intaa markii uu maqlayba libaax
baabul ayuu kiciyey, indhihii ayuu galka kasoo saaray, afkiisii
labada taako ahaa ayuuna kala dhuftay. Wuxuu is yidhi waddadii
Dhurwaa maray ayey Dawacana ku socotaa. Ha sakatiyin bay tidhi
adeer cag baruurow wali qaybtu way socotaaye. Badhka soo hadhay
laba marka loo qaybiyo nus ku tag oo casho ka dhigo ku te. Intaa
kolkuu maqlayna dibbuu u yara joogsaday. Wuxuu is yidhi wax yarbay
waraabe caqli dhaantaa. Badhka soo hadhayna adeer cidina kuguma
haysato ee berri qureec ka dhigo ayey ku gabagabeysay. Libaax qosol
buu la dhacay wuxuuna Dawaco ugu hanbalyeeyey sida siman ee ay
saadka u qaybisay.
Libaax haddii uu hilibkii hasha kaligii saa ku qaatay, habar
dugaagtii kale ayaa Dawacadii qabsaday. Naa maxaad inoo qadisay oo
aad libaax kaligii hilbaha u siisay? Iyaduna waxay ku jawaabtay,
isha waraabe ka lulato sow ma aragtaan, war meesha haygu ajalina.
Xuseen-Dhiqle sheekadaa ayuu gabaygiisa ku dhisay. Qaar badan ayaa
gabayga maqan, laakiin inta naga soo gaadhay wuxuu yidhi:
·
Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore
·
Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye
·
Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye
·
Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye
·
Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye
·
Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye
·
Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede
·
Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye
·
Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga
·
Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho
·
Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska
·
Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado
·
Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye
·
Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare
·
Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?
·
Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay
·
Badhbaa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare
·
Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye
·
Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye
·
Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye
·
Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey
·
War ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?
·
Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane
·
Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo
·
Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene
·
Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey
·
Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka
·
Tii quruxda roonayd hadday
Cali,
la qooqayso
·
Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile
·
Tana qaata Naadaba ragbay, qaac u shidataaye
__________________________
Gabaygan waxaa lagu qoray buugaag kale duwan waxaana laga baahiyey
barnaamijkii Fanka iyo Suugaanta ee Radio Muqdisho.
Hordhaca gabayga waxaan u cuskaday uruurin iyo
waraysiyo gaar ah iyo buuggii uu qoray Siciid Samatar ee
cinwaankiisu ahaa Poetry in Somali Politics: The Case of Sayid
Mahammad Abdille Hasan. Northwestern University,
Evanston,
Illinois. 1979.
|