Home

Shirweynihii Xoolaha (III)

                                                                                  Axmed Sheekh Jaamac

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Orgigii Mudug ayaa is hortaagay is rashaxaadii faraska.  Wuxuu yidhi orgigii Mudug:

  • Farasow waxaad ku hadlaysaa, maan faqiirnimo e

  • Waligeed fahmada way dhintaa, feedha weyniduye

  • Fakarkaa ku yare khaadimnimo, kuma aad faanteene

  • Dadku adiga yey kugu fusheen, waxay falaayeene

  • Adigaa fadiilo u ahaa aan, wax faaqidine

  • Adigaa laguu fuuli jiray, faylagooyada e

  • Adigays figayn jiray intaad, fanato haadaane

  • Fakadkiyo aday odhan jireen, fiiga soo qabo e

  • Waa fadaladaadii waxaa, tan iyo Fiiq yaale

  • Fuud siinta waxay kuu bareen, ruuxna yuu furanin

  • Waadigaa fidsamay geedadoo, faaxay dheegyada e

  • Fagaaraha kurtiis baa hurgumo, faartay kuu qabo e

  • Ficil li'ida doofaarka yaad, farac wadaagtaane

  • Gacalkii nimuu faray habaar, foolxumaa diliye

  • Wax faquuqni sidii ey cadhiyo, furuqle weeyaane

  • Sango madax-faluuq waxa ku riday, aadmigoo falaye

  • Ma furdaamin karaynoo dhakada, yaa fin kaga yaale

  • Is foocaacin kama daalayiyo, foodhin been laha e

  • Adoonimo fac weyn qirayey iyo, duul aan fayoobayne

  • Fadli moodyey nabigay golaha, kaga fijaasaane

  • Xakamaha fidigiyuu niyada, mahad la foocaaye

  • Faraxyada inuu qoofal jaray, yuu ku faarixiye

  • Haddii koore faaruqo cadhada, waa firganayaaye

  • Taladeena yaan faras garba' la, faraha loo saarin

Ninkii dameerka raran jiray oo ul dheer qarqarka u sita ayaa soo muuqday.  Dameerkii intuu shirkii ka kacay oo ka hortagay oo gidaarka kala hadlay oo u tannaagay ayuu wuxuu yidhi:

  • Anoo dawlad falanqaynayoo, lay fajacay dooda

  • Anoo faylasuufnimo ku hagi, gole la feeraarshay

  • Foostooyin ima saarayside, hays fadqalalaynin

Ninkii xerada mas'uulka ka ahaa ayaa yidhi dee iskaga tag hadduu ku diiday maxkamadaha ka dacweeyoo.  Ninkii dameerka raran jiray wuxuu ku jawaabay:

  • Annagiyo faruur-caddayaal, kala fogaan mayno

  • Isuma fayno laakiin dagaal, faydo tari maayo

  • Dugsigiyo fagaagayga yey, fir u lahaayeene

  • Farta iyo dacwada aad barteen, waa fidmo horteede

  • Haddii aan fasaxo sow darxumo, kuma falaadayso

  • Balo feenatiyo haaddu sow, meel ku fagan mayso  

Ninkii xerada mas'uulka ka ahaa wuxuu yidhi ku diidyee wixii faganaya ha fagteene isaga tag haddii kale maxkamadaha ka dacwee.  Wuu iska dhaqaaqay markaa ninkii isagoo aan garwaaqsanayn arintaa.

 

Awrkii xerada ugu weynaa ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii dawlada xoolaha wuxuu yidhi geela ha la doorto.  Wuxuu yidhi:

  • Anigaa leh hoomaal san iyo, haybad iyo jooge

  • Hillaac naga fog anigaa indhaha, ku haya leylkiiye

  • Hirkii laaci anigaa arkiyo, haradii doog weyne

  • Anigaa hanfiga jiidha iyo, Sool haraad kulule

  • Anigaa hadaafoo dhexmara, hawd cidhiidhiyahe

  • Anigaa af-dhiigta u hoydiyo, halista baasheede

  • Hiirtaanyo anigaa ka madhan, hibasho waa booge

  • Anigaa hufnaan badan leh iyo, hab iyo qoor dheere

  • Anigaa is hogaamiyaan, hoos waxba u dayine

  • Deeqsinimada anigaa hiddiyo, hooda u lahaaye

  • Anigaa wixii aan hantaba, hura abidkaye

  • Hoddannimada anigaa sidiyo, hibiyo iimaane

  • Anigaa leh hoog gobonimaad, ka hirqan doontaane

  • Anigaa dhir hadhac weyn lahoo, heelan idin gayne

  • Hoggaankiina ii dhiibta oo, igu hareer jooga

Orgigii Mudug ayaa is hortaagay madaxnimadii geela, wuxuu yidhi:

  • Waxa geelu uu ku hadlayaa, waa hadoof madhane

  • Hooshaarku waa beentiyoo, weyna hodayaaye

  • Hungo weeye laafyaha kanuu, hanaqa jiidaayo

  • Hunguruu la dabandeebayaa, horor siddiisiiye

  • Hamuuntiyo cirweynida dhammaan, halacyo weeyaane

  • Sida haanta qabo soortu wey, ku halwaneysaaye

  • Hogorkaba intuu madhiyo buu, hugun sal waayaaye

  • Hanba reebi maayoo salkuu, laaci hoorsiga e 

  • Waxa geed hadoodilan arladu, haar cad bay noqone

  • Webiyada habeen qudha ayuu, hiisan gabigoode

  • Hurweynada darleefaa u iman, huugo kaligeede

  • Habaqlihiyo waxaan yaabaynaa, hugunka soo shaw e

  • Hulimada intuu buuxsho yaan, laga helayn meele

  • Hurduf iyo wuxuu inagu layn, hiijo iyo law e

  • Haraatida ayaa ina dhamayn, halakadeediiye

  • Hadhow baan hadaadun iyo cadho, hogaynaynaa boodhe

  • Hadhow baan habaartan iyo ciil, la hundhudhaynaaye

  • Goor boqontu ina heerantaan, hiif is cunaynaaye

  • Waa kaa hareeraha gabranoo, hayjadaa tubane

  • Hanqaloocsi waa kaa ku dhugan, weelashaa hilane

  • Hoggaankeena yaan geelu qaban, haatan baan digaye

Orgigii Mudug ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii dawlada xoolaha oo yidhi riyaha ha la doorto.  Wuxuu yidhi:

  • Indha qaaliyaan leenahoo, meel fog soo qabane

  • Quluub saafiyaan leenahoon, qalad ku duulayne

  • Maskax qani ah baan leenahoo, qaadda buuraha e

  • Qorqoraansho yaan leenihiyo, qurux hanaankeede

  • Cir qiyaasan baan leenahoo, aan wax qadinayne

  • Qadan fiican baan leenahoo, uunku noo qiraye

  • Rabbi baa annaga noo qaddaray, qaaya weynida e

  • Qoonkii is xaasida nicmadu, wey ka qubataaye

  • Qaafaanu nahay guurtiyey, talada nooquudha

Awrkii ayaa is hortaagay is rashaxaadii riyaha, wuxuu yidhi:

  • Riyo talada kuma ay qumana, qeexay hadalkaase

  • Qanje laayayoow qaran tukubin, uma qalmaayaane

  • Qaxar weeye oomaarayaan, diga qaboobayne??

  • Qardabiyo waxay inagu layn, qeylo kululaane

  • Qalaadkooda badan baa dhaguhu, noo qarxanayaane

  • Qardoofooyinkiyo geeska yey, nagu qataysiine

  • Orgi qeydhaboo godon ayaa, qooq inoo diliye

  • Is qaloocin iyo maag ayuu, noogu qawdhamiye

  • Qaroofihiyo giir kicinta yuu, qoorta lawlabiye 

  • Noo wada qabbaanada ayey, nagu qasbaayaane

  • Qurfo fuula bay ina odhan iyo, qarar cagaag weyne

  • Qabco keena iyo yey na odhan, midho qalfooneede

  • Qamaankay waxay ina marsiin, qawyo dalaw dheere

  • Qeydar iyo waxaa inagu mudi, jeerin qodaxdiise

  • Ka qaraari maayaan dudmiyo, qoonsimaad badane

  • Markay qolofta ka xagtaan dhirtuba, wey qalalaysaaye

  • Xiddidada qoyaanka leh ciddida, yey ku qodayaane

  • Habaas qiiq la moodiyo dhulkuu, qarinayaa boodhe

  • Ruuxii qufaca oo cabudha, way qalacayaane

  • Qablanka iyo cadhaday ku sigan, inay qudh gooyaane

  • Qiilqiil inaga oo ku nool noo, qoslay odhane

  • Inta ayna qab weyn iyo riyuhu, qiima sare sheegan

  • Dabadooda yaa qaawan ee, ha qarsadeen ceebta

  • Taladana qamaamuurta kale, qolo inoo saara

Waxaa madaxnimadii xoolaha isu soo rashaxay sac oo yidhi lo'da ha la doorto, wuxuu yidhi:

  • Afar qooblahaa tuban shirkee, togaya giirkiisa

  • Ishkinkaa garbaha taagayee, amar la tookhaaya

  • Anagaa tolkood wada ahee, talada noo dhiibta

  • Angaa leh qurux taabud ahiyo, waaxyo tamashlayne

  • Suudh lala taxaashiyo anagaa, tayga ku haboone

  • Anagaa xarago tiicaynee, talada noo dhiibta

Dameerkii ayaa is hortaagay oo yidhi lo'du dhulkaba qurdub ku reebi mayso caws iyo geedo toona, wuxuu yidhi:

  • Carrabkeeda tobanyaalka baac, tiigsan qori yaala

  • Caloosheeda toxobka ahee waqeed, baahi talalaysa

  • Ma lo' baa qurdubo nooga tagi, tog iyo laag toona

  • Saw tin xaabi meeshuu jiraba, uma talaabayso

  • Madax quud u taabac ah miyaa, horumar taabaysa

  • Ma tanaadaynaa gaajo, sow nama taftaafayso

  • Ma waxbay taraysa bulshada, tuurta lulideedu

  • Miyey taladu ku hagaagaysaa, tudhud la weedhaansho

  • Caqlibaa tisqaada ee xarago, udub miyey toosin

Faraskii ayaa wuxuu soo jeediyey in la doorto idaha Deexda, wuxuu yidhi:

  • Isku daalay oo dacasnayoo, doodii lagu xiiqye

  • Tuhunkii danbaw ina taryoo, doogo soo kiciye

  • Warkii Dakhare ina taabay iyo, nabaro duugnaaye

  • Danqashadiyo dhiidhiga wataa, laysu dudayaaye

  • Haddan kala dareeroo khilaaf, dumiyo goobteena

  • Duuggeena yaa hoogayoo, waa darxuma weyne

  • Dayacii horaan mudanaynaa, ee nadaashadaye

  • Duli baan la kamandhuudhaynaa, xero dabayl weyne

  • Waxaa inagu soo digan dadkiyo, habar-dugaagiiye

  • Duniduna waxay odhanaysaa, doqoni waa tiiye

  • Dibna uma kulmaynoo haddaa, qaarba deyr galiye

  • Waa kala dalweynaa siddii, duul habaar qaba e

  • Dawladnimada aan hanana oo, gaadhno danaheene

  • Waxaa aan inoo doorayaa, idaha Deexeede

  • Duco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina e

  • Damanaan gob baa lagu arkiyo, dul iyo iimaane

  • Iyagaa qabow dabac ah aan, dariska maagayne

  • Durwun iyo iyaga yaan aqoon, diradiraalayne

  • Dulmigiyo iyaga yaan jeclayn, dabay hulaaqshaane

  • Iyagaa baruur daacayoo, dulundulcayn goofe

  • Iyagaa dudada qoyska iyo, sabadu deeqdaaye

  • Iyagaa dareen culus lahoon, been lasoo didine

  • Iyagaa duduuciyoo bulshada, aad yar daadihine

  • Iyagaan dalluun iyo godiyo, dalow ku tuurayne

  • Iyagaa daggan oo aan fudeyd, sii durdurinayne

  • Waxaa aan inoo doorayaa, idaha Deexeede

  • Duco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina e

Orgigii Hiiraan ayaa is hortaagay in Idaha la doorto.  Wuxuu yidhi markii aan hawshan ka shaqaynaynay oo halgankan iyo shirarkan qabanqaabinaynay qeyb badan inagalama ay qaadan oo waatay xerada dhinacaa iska daaqayeen.  Wuxuu yidhi:

  • Shirka goortii aan dumaynayoo, wada dadaalaynay

  • Waatay iduhu daaqayeen, xerada daaftaase

  • Waataynay hawl nagu darsanoo, naga durkaayeene

  • Deymo ku xadka waatay indhaha, naga dadbaayeene

  • Waatay sakaar digixsan iyo, dari lahaayeene

  • Waatay is doqonaynayeen, dala sidiisiiye

  • Dammiino iska yeelyeelka, waa nagu dagaayaane

  • Diiqad baynu galaynaa hadday, dakhalka..............

  • Dararkoo dhan bay qarinayaan, fara daraadoode

  • Dubka Qarindiday yeelan iyo, diir Maroodi ahe

  • Danba kama galaayaan hayaay, dhiilo daba taale

  • Ma digiigixanayaan haddii, daad na soo galo e 

  • Dug bay odhanayaan oo hurdada, kama dafaayaane

  • Damalada qabow iyo dhalcada, yey is dadayaane

  • Ciddii soo danqaabtana hardida, yey ku dawdabiye

  • Dacwadiyo midkii qaylo badan, waa dig dhabayaane

  • Dadka aan ka cabanayno yaa, loo darsanayaaye

  • Deylo culus hanaan dawladeed, sow dallagi mayso

Markii arintii sidaa u ribbatay, Orgigii Mudug ayaa talo soo jeediyey wuxuu yidhi is rashaxaadaha aan joojino marka hore aan isla garano nooca dawladda xoolaha noqonayaan, markaasaynu garan karaan cidda ku haboon haddii loo baahan yahay: mici iyo muruq, ama gees iyo raaf, ama orod iyo cago, ama cod iyo qaraaxad, ama sayn iyo dhogor, ama wixii kale.  Arintaa waa loo riyaaqay waana laysku raacay waxaana loo qabtay guddi uu guddoomiye ka yahay dibi, xubnana ay ka yihiin laba halaad, laba orgi, laba wan, saddex laxaad, faras iyo sabeen xog-hayn u ah.

 

Waxaa kale oo la qabtay guddi guddigaa ugu qeybsan calafka iyo biyaha ooka kooban hal, faras, iyo orgi.  Riyuhu way gunuusayeen oo waxay lahaayeen guddidu iday u badan tahay, maxay keenaysaa guddi ido u badan, sow tii la yidhi idaha riyaha ayaa indho u ah.  Waa la gawriyoo waxaa la yidhi maahmaahyihii Bani-Aadamka shirka xoolaha ha keenina.  Dameerku waa dudayey oo wuxuu lahaa wali waxaa dabada la hayaa wixii deero dalka geeyey.  Awrkii weynaa intuu geed halkana tagay oo caasha saaray oo isku jajabiyey oo cartay ayuu wuxuu bilaabay mici lisad iyo raamsi culus oo lagaran waayey macnihiisa iyo ujeedadiisa.

 

Guddigaas waxaa la faray oo xilkoodi laga dhigay inuu soo baadho xukumada Aadmiga kusoo dhaqmay ee soo maray adduunka hor iyo dibba, Bari iyo Galbeed, Hanti Wadaag iyo Hanti Goosad, Boqortooyinka, xukumada ku dhisan xisbiga kaliya, xukumada ku dhisan axsaabta tartanta, xukumada ku dhisan diinta sida kaniisadihii casriyadi dhexe ee Yurub, Daraawiishtii Soodaan, Daraawiishtii Soomaaliya ee Maxamed Cabdille Xasan, nidaamkii Khumayni ee ka dhashay Iran.  Xukumadaa oo dhan intay soo baadhaan, mid walba tilmaan kasoo bixiyaan xumo iyo samo, soo kala xullaan, inay report kusoo celiyaan xoolaha ayaa la faray.

 

1987, December, ayaa duqiii magaaladii Muqdishu xoolohii wuxuu saamaxay iyo wuxuu ganaaxayba xeradii ka sii daayey, xoolihii xeradii waa ka yaaceen.  Waxay ku balameen bishaa bisheeda diraacda beerkeeda inay qabsadaan shirweyne xoolaad.  Waxay ku balameen ceelka Biratable oo u dhaw Boocame oo ka tirsan Sool, Gobolka Sool, degmada Laascaanood.  Waxay xidhiidhiye ka dhigteen Orgigii Hiiraan.  Waxaa lagu balamay shirka inay kasoo qeyb galaan da'da dhexe ee xoogga leh, gaanaha iyo garab weynta.  Waxaa lagu balamay oo laga saamaxay shirka inaanay iman oo isku soo dhibin, ubadka, uurleyda, iyo umulaha.  Waxaa laga mamnuucay shirka inay yimaadaan wixii hilib cuna oo dhan. Waxaa goobjoog loo ogolaaday shinbiraha iyo ugaadha.

 

Waqtigii lagu balamay ayaa shirkii la isagu yimid.  Orgigii Hiiraanna si fiicanbuu u shaqeeyey fariimo dir iyo waraaqo qor.  Waxaa kasoo qeyb galay shirkii 2002 neef.  Waxaa soo gabraday shir aad u qara-weyn; gurxanka, reenka, cida, ololka, dananka, yabaqa, banaaxiga, xoqoshada, takara-dhabadka, gafuurka faruuryaha, sibirta, gondaha, qoobabka, qanjaafulaha, qanaanta, dibka, dabada, kolmaha, sinagyaha, garbiska, isriixa, iyo gilgilashada.  Shirweyne xoolaad oo cajaa'ib leh.

  • Gaadhka waxaa loo qeybshay fardaha

  • Raashinka iyo taakulayntana waxaa loo qeybshay baqlaha 

  • Service ka iyo adeegana waxaa loo qeybshay ceesaamaha

Markuu shirkii soo gabraday waxay indhuhu wada eegeen oo lawada jalleecay orgigii Hiiraan oo la leeyahay dee adaa oday meesha ka ah oo shir-gudoomiya ahee shirka fur.  Orgigii Hiiraan wuxuu isla taagay khudbadii furitaanka shirka.  Wuxuu yidhi:

  • Alxamdu Lilaah kulankeenu, waa noo aftaxal kheyre

  • Alxamdu Lilaah wuu noo aqbalay, Eebe taladiiye

  • Alxamdu Lilaah geel iyo idiyo, adhi cadkaa buuxa

  • Alxamdu Lilaah ceesaamo ugub, waxa abeer tiici

  • Alxamdu Lilaah adhax-weyn riyaad, waxa is jiidaya

  • Alxamdu Lilaah aabida lo'aad ee, indhaha deeqday

  • Alxamdu Lilaah eegidda fardaha, gaadhka lagu aadshay

  • Alxamdu Lilaah baqal oofa weyn, waxa ormaynaaya

  • Alxamdu Lilaah ooglaha dameer, uur-cad waxa taagan

  • Alxamdu Lilaah xooliyo ugaadh, aagan waxa tuuran

  • Alxamdu Lilaah ururkii wakaa, noo abaabulane

  • Alxamdu Lilaah aayaha danteen, u arin guulkeena

  • Hayeeshee adduunyada dhib iyo, aafo lagu laaqye

  • Waa meel inkaar meeraysiyo, ay ibtilo taale

  • Ilmihii dhashaa waa dareen, wuxuu la ooyaaye

  • Inay agab la' tahay meeshu, yuu sii ogsoon yahaye

  • Aahda noole waa wada yaqaan, taahda eraygiise

  • Imtixaanku waa wada hayaa, Aarka iyo Xiide

  • Agahaaga balo sii martaa, aadda dariskaaye

  • Aqal ooyayaa u dhaw, kaa laga aroosaaye

  • Wixii uunku kuunyaba marbaa, goortu ka adkaane

  • Singe orod badnaan jiray wakhtigaa, aayar soo rida e

  • Ul miciinsay odaygii barbaar, soo ahaan jiraye

  • Inaad luqunta saydhaba duqnimo, awrta lagu qaadye

  • Udbo xalayto taagnaa ayaa, maqan aroortiiye

  • Aagaankii buuxsamaba waa, la af-rogaayaaye

  • Iddi looma taamyeelo iyo, ruux is lihidiise

  • Ifka dunidu hawl aan dhamaan, badan weeyaane??

  • Waxaa amarkutaaglaynta gaya, Eebe kaligiise

  • Guulbuu abaalkood ka dhigay, duul adkaystaba e

  • Usbuucyadii dhawaa iyo bishaan, olole soo haynay

  • Iliilaha cagaaga ah bishaan, socod kusoo oonay

  • Samir Eebe ehelkii dhintee, ayada bahal jiifshay

  • Samir Eebe qaarkii anbaday, oo afqadu kaysay

  • Samir Eebe qaarkuu ajalay, cudur asiibaaya

  • Samir Eebe qaar Aadanuhu, aadan naga dooxday

  • Amuurtii shalay maanta yaa, lagu ilaawaaye

  • Arin duugmay sii gocashadii, waa Allow sahale

  • Haddaan laga umulin way ba'daa, xaajo uur lihiye

  • Amin xaalka joogaa markaa, la awal yeelaaye

  • Irid loo mariyo qaabna waa, lala abaaraaye

  • Guddigii waxay talo arkeen, aan lawada eegno

Guddigii kal hore la qabtay ee dibigii madaxda u ahaa ayaa waxaa la yidhi baadhistiina reportka natiijadii keena oo soo bandhiga.  Waxaa istaagay dibigii guddiga madaxda u ahaa, Margi-Yaaqle, wuxuu sheegay guddigu markuu baadhistiisii soo bogtay nidaamka uu ku talinayo in la qaato oo xukunka dawlada xooluhu uu ku dhisnaado inuu noqdo nidaamka "Social Democracy" ga ah ee ay ku dhaqmaan dalalka Scandinavian ka, Sweden, Norway, iyo Denmark, iyo kuwa u dhaw nidaamkaa laakin tilmaanta ay qaateen waxay ka dhigteen dalalkaa Scandinavianka.  Dibigii warbixintiisii sidan buu u jeediyey wuxuu yidhi:

  • Markaan Bariga wada tooyaniyo, babacyadii Jaawo

  • Bunjab iyo markii aan Hindiga, badan ka faaloonay

  • Teer iyo Baqdaadiyo markaan, bidixda Faas dhawrnay

  • Bukhaariyo markaan Samarqadiyo, banan xogtood gaadhnay

  • Markii aan biyaha Foolgo iyo, beeratada eegnay

  • Budrusbood markaan helnay iyo, Moosko khabar buuxa

  • Markaan beelo Ruusiya dayniyo, Baltik dalalkiisa

  • Badhtamaha markaan yurub hubniyo, waxa Baraag yaala

  • Baariista weyn iyo markaan, Biritish shaandhaynay

  • Talyaaniga markaan buuqa jira, baadhnay sababtiisa

  • Markaan Bortuqal iyo Spain, bowdka uga jeednay

  • Badweyntaa Atlantika markaan, dhuuxnay bogaxeeda

  • Barwaaqada Amriikiyo markaan, Kanada baandhaynay

  • Brazil dadkeediyo markaan, Panama xuuraanay

  • Inta beel markaan tirinay, ee Bacific doojo

  • Markaan labada Bool sahaminiyo, barafka Iceland ba (Poles)

  • Afrikada balaadhanee markaan, baaxada leh aadnay

  • Banqaazigu Congo iyo, markaan Brundi suuraynay

  • Marka aan Benin iyo warkii, Buuro Wadal hayno

  • Bani-Aadam dhaqankii markaan, baal walba u raacnay

  • Buusaalo iyo dood markaan, bilo kusoo daalnay

  • Buugaag markaan soo akhrinay, dhaaftay boqolaalka

  • Bulfak iyo markaan Raasiliyo, Beekin la cawaynay

  • Balnaashaad wuxuu qoray markaan, boobnay sida daaqa

  • Bayaankii markaan Marks iyo, baaqii wada leefnay

  • Boryosaartar iyo Kaaf markaan, foore kula baadnay

  • Markaan baxarkii Faaftiir galiyo, boholihii Darwin

  • Burdad iyo markaan Tolistoy, budo sideed ruugnay

  • Markaan baababkii Ina Khalduun, gun iyo baar laacnay

  • Budliir iyo markaan Laamartiin, biidna nagu seegin

  • Markii aan Suheyr iyo Buxturi, beyd walbaba qeexnay

  • Baabihii markaan Macariyoo, bu'aya soo jiidhnay

  • Bushtiin iyo markaan Shawqi iyo, darisnay Baaruudi

  • Baxsanaanti Raage iyo markaan, baranay Gahaydh ba

  • Habka Reer Bakool iyo markaan, bogonay Xeer Ciise

  • Badow iyo magaalaba markii aan, buldinay uunka

  • Cidkastoo la biday maan markaan, raacdo nagu baaqan

  • Boqor taliye iyo Shuuci iyo, Baardhi kaligiisa

  • Oo aan baraad waayi foot, uga baqayn ceebta

  • Beel horumar gaadhiyo samiyo, bilic ma keenaane

  • Iyagaaba baad loogu dari, buraday haystaane

  • Been hariiryaleey sheegi iyo, baadhil fara weyne

  • Waa beyd hadoodilan oo aan, barako hoos oole

  • Bulxankooda iyo reenka iyo, buunka iyo heestu

  • Siddii roob ku da'ay buur salaxa, ama bacaad meel ah

  • Waa balalow lagu daalayaan, geedo soo bixine

  • Galbeed baa buriidiyo shacbigu, bili ku haystaaye

  • Madaxdaan kursiga loogu bogin, waa iska beydshaane

  • Sharci madax banaan iyo garbaa, la isku baacshaaye

  • Baaxado is jiitaa adduun, lagu bardaanshaaye

  • Baaxaali baa lagu dhisiyo, Bin-Aadan miisaane

  • Badbaada waxaa dhala quwado, baariyo simane

  • Barbaar kaliya xoog jira cadligu, waa ku bururaaye

  • Surmaseegto baal kaga dhacday, biri finiintaaye

  • Bownahaa tumaayaa dubaha, waa u banbaanshaaye

  • Hadal boqonka kama maarmo iyo, beyd gunaanada e

  • Bishmo Eebe kuu tolay xaqaa, lagu balaadhshaaye

  • Guddigani badheedhiyo taluu, soo bandhigayaaye

  • Basar iyo wanaag taa Sweden, yaa bulsho u roone

  • Denmark waa bara nimciyo, baladka Norwaye

  • Bahdaase deganoo aan ku dhaqan, booli iyo qaade

  • Habka loo barbaarshay garteen, baydi nololeede

  • Waa waxa badhaahdhiyo ka dhigay, baarax nabadeede

  • Budulkooda aan raacno oo, beegno marinkooda

Waxaa istaagtay ri' la yidhaahdo Gaylama Indha-Cas...

 

 

Eeg bogga IVaad 

 

F.G. Magacyada ajnabigi ah inaan soo wada qorno ayaan isku dayi doonaa

 

  

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.