Ninka geeljire
ahi haddii uu geelooda oo cadow qaaday ku dagaalami waayo wuxuu
mutaa guhaad iyo guulguul badan. Inuu nafta garabdhigo oo ama
lagu dilo ama uu dhiciyo ayaa midood laga fishaa. Haddii nin
gabyaa ahi ninkaa geela ku dagaalami waayey ehel u yahay gabay
canaan ah oo aan ku eekaanin degaankaa ama jiilka xilligaa jooga
kuse faafa dhulal badan iyo jiilalka soo socdaba ayuu tiriyaa.
Cabdi-Kaahin geel la qaaday oo raggii lahaa uu ku tuhmayey inay
hamradeen iyagoo waliba hubaysan ayuu gabaygan qurxoon u mariyey.
Wuxuu yidhi:
-
Suullowba gaas iyo
ma wadan, guuto xoog badane
-
Gaw bay
ahaayeen colkii, labada geesoode
-
Gaajana waxaa
qabay kuwii, guuraha ahaaye
-
Garba weyne
Ina Shuuqaagaad, gebbiga moodaysay
-
Isagoo intuu
gaawe dhamay, jiifa goloheeda
-
Oo Uustar aan
god u dhinayn, gudub u haaneedsan
-
Miyuu galow
ka yidhi bawd yaroo, galabtii loo ooday
-
Gale hawdle
iyo laagihii, dhaguxu gawriiray
-
Gu' rinkiyo
markii teeda culus, lagu garaacaayey
-
Go'a kore
hadduu tuuro oo, gaadha madaxeeda
-
Oo geed isugu
toosiyoo, gumuca liishaamo
-
Oo dhawr
genbiyo waa horrey, gudi lahaayeene
-
Ma
gabbaatibaa xoolo, waa laysu geeyaaye
-
Ma
gashaantiyaa Eebahay, gaagna kama reebe
-
Inuu geelu
koodii ahaa, sow ma garanaynin
Nimankii uu tirtirsiyey ayaa
weerar culus qaaday oo geel badan soo qaaday markaa ka dib ayuu
gabaygii ku noqday oo wuxuu tiriyey mid ay ka mid ahayd:
-
Saawiri markii aad listay,
seedda kuu kariye
- Sangihii cag-culus jeedalkaa, lagu salaaxaaye
- Sida sulubka Reer Magan haddii, aanan u
soofaynin
- Oo ceebta waan ugu subkaye, suuqa lala meerin
- Sodon wiil dul-howd kuma gasheen, shalay sagaal
reere!
- Sumacoodu waw wada dhannaa, sudaha Liibaane
- Salqadhlaydii uma gaaxsanayn, saafiga ahayde
- Dhaaxay sarraaf iyo raggii, suutada hayeen
- Seddex geesi waatay dhigeen, sibirta geeliiye
- Sujaac miidhan baa wada heshoo, waw
sallixiyeene!
Labadan gabayba ma dhanna.
Soo raadi inta maqan. |