-
Soomaaliya dalkeennii baa ragow
silic ka muuqdaaye
-
Saadaasha gabay baan rabaa inaan
ku saafaaye
-
Mindi saawiraan laga samrine
saaka idhageysta
-
-
Sahal uma tillaabsado ruux hadduu
seedaha isgooyo
-
Sambabadu nimay maqanyihiin orad
ma sii rooro
-
Sifoyaalahaas inaan leennahaa
saaka la hubaaye
-
-
Sujuudiyo nimaan lagu kareyn inuu
salaadaaba
-
Sakadii ninkii diidayoo soonka
jabinaaya
-
Siraadkii qiyaamaha wallee saanta
rogiwaaye
-
-
Qabiilada rabbaa suubiyoo waa
sirgooniyahe
-
Sihir iyo qaraabada unbaa lagu
suntaayaaye
-
Qabyaaladda waxaan loo subkaday
saw ma aha waalli?
-
-
Sagaal bilood ninkii lagu dhalee
socodna kaa liidan
-
Subxaankiis yaqaannoo intaas
saxaya tawxiidka
-
Sab iyo midgaan saw dhahdeen waa
su’aal culise?
-
-
Saqiirkiyo maxaa loo dilaa samaha
kii sheega
-
Socotada maxaa loo dhacoo seefta
loo mariyey
-
Sinta tii nasaartana maxaa silaca
loo taagay?
-
-
Sodoh iyo dumaashiba haddii
saaqid ka adeego
-
Sokeeyiyo xigaalaba haddii sahay
la dhaafsiisto
-
Soomaalaay halkee loo socdaa
sidatan waa yaabe?
-
-
Dhaqan soo jireenaan lahayn waad
la socotaane
-
Sulux iyo heshiis baa mushkilo
lagu sifeeyaaye
-
Salaadiinta maxaa loo xaqiray
sidatan waa yaabe?
-
-
Sanawaad haddii aan jabnoo suurku
nagu yeeray
-
Saxariir haddii laga dhergoo samo
la naafeeyey
-
Soo noqosho goormaa lahelin
sidatan waa yaabe?
-
-
Deeqdii subxaankaa dhammaan wada
saluugteene
-
Sad-bursiyo waxaad wada rabtaan
subax ku maaleysi
-
Sicir bararka waxaa noogu wacan
saw ma aha tuugo?
-
-
-
Su’aal baan jawaab uga rabaa kii
siyaasiyahe
-
Suntii reergalbeedkuba nacee soo
masaafuriyey
-
Sidee baad ku yeesheen ragow
sidatan waa ceebe?
-
-
Siyaasadda waxaa loo galaa ma
ahan seegseege
-
Saadaashiyo waxaa laga bartaa
seyhadhaw noqone
-
Salaqlaha maxaad uga heshaan
subaxba meel aadka?
-
-
Sikastoo layeelaba haddii xooggu
socon waayey
-
Soomaaliya haddii aad rabteen
saatan inay dhaanto
-
Saaxiibbow heshiiyoo kaltama
sidatan waa ceebe
-
-
Sankuneefle khalqigii
dhammaan waa na sugayaaye
-
Sumcaddeenu waa eber war hooy
saad lasocotaanba
-
Saaxiibbow heshiiyoo kaltama
sidatan waa ceebe
-
-
Sacabbada wixii kuugu jiray yara
intaad seydho
-
Sandareerto inaad raadsataan waa
silloon tahaye
-
Saaxiibbow heshiiyoo kaltama
sidatan waa ceebe
-
-
Siinleyda meeshaan la rabay sahal
ma qaadsiiyey
-
Sarbeeb uma iraahdee murtida kali
makuu soocay
-
Su’aal kalana waa iga ducee
sacabadaw hoorsha
-
-
Subxaanow adaa karahayee samaha
noo meeri
-
Sufahada Allow noo hadee saamic
baa tahaye
-
Soomaaliya Ilaahow berriba saxan
saxow hoorto
-
-
Sirta kii maleegana Rabbow
siriqda uu laaco
-
Seexashada hurdada Rabbow sooba
kiciwaayo
-
Saaxiibbadiisiyo Alloow
ehelka uu seego
-
-
Sannadkaan Ilaahow qabqabo samaha
kii diida
-
Sunta uu walaaqana kumalag sixun
Allow qaadka
-
Soomaaliya Ilaahow ka dhali
dawlad lagu seexdo