-
Qaran dumay dadkiisaa dhamaan
qaxar asiibaaye
-
Qaxii Xamar kadhacay waad ogtiin
qulub wixii yaaley
-
Qolo qolo kusoo duushay iyo qolo
ku sii duushay
-
Qiyaamaha wixii lagu matalay qac
iyo baaruudda
-
Qardojeex waxaan soo maraan dibu
qiyaasaaye
-
Qisadeedu waa dheertahaye yara an
sii qaado
-
-
Qurac iyo mareerkiyo wixii laan
iqabaneysay
-
Hadba buur qarfaa iyo waxaan
waadi qaadaayey
-
Marna keymo qoofalan maryaha
qaarba dacal jeexay
-
Qolofdhaca cagaagii waxay qodax
innaafeysay
-
Qoloonkiyo biyaha qura waxaan
quud kadhiganaayey
-
Intaasoo qatooyiyo dhibiyo qax
iyo aafaad ah
-
Qurbe uma hayaameen haddaan qaran
nabdoon heysto
-
-
Qaaraddii madoobeyd markaan qiil
u bixin waayey
-
Qolo dibadda joogtaan kahelay
qabasho dheefeede
-
Waxaan sii qaloombiyo waanigaan
qaarad kale jooga
-
Inkastoo Qaxii iga haroo yara
qaboobaaday
-
Oo qaddarka Eebahay cidina
qoonsan karaheynin
-
Qurbe kuma nagaadeen haddaan
qaran nabdoon haysto
-
-
Quruum aanan garaneyn guryaha
qolo ma seexdeene
-
Qamandhaco jirkeyguna in badan
lama qaloodeene
-
Qosolkiyo farxadda waayo badan
kama qatoomeene
-
Anigoon wax qabankarin indhaha
kama qashuuceene
-
Qamuunyiyo is ciil ciil haddana
qosol maraacsheene
-
Qisadeydu waa dheertahaye
qaarkale an sheego
-
-
Magaalada haddii aan qabtoo
laamiga anqaado
-
Saanqaadka socodkaa lagaran
qoomka aan ahaye
-
Qowl markaan iraahdaa nafluhu
qosol laseexdaaye
-
Qobka diirka ayaa iigu filan inay
iqoomaane
-
Qaxootiga wixii iga qabsaday yara
an sii qeexo
-
-
Quursiga waxaa kaaga daran
qadafka joogtaahe
-
Dhaqankiinu waa qaasiroo diintu
waa qalade
-
Qoysaska waxaa loo dhaqaa qaabka
reer yurube
-
Qamiiskiyo maryaha aad qabtaan
waa wax qaabdarane
-
Qolol haysku xirinee baqtiga
qooshta dhinaciinna
-
Intay qarinayaan baa kadaran
qowlka hadalkooda
-
Halahaas qisooyinkii dhiciyo
qarow abwaaneed dheh
-
Qurbe nimuu waxyeelleeyey iyo
maanso quruxdeed dheh
-
Halakalana qubxis been ahoo rag
ku qaraabtaan dheh
-
Qabqablaha dagalkee kidbiga
qolokastaw sheegay
-
Toosh aan kusoo qabanayiyo qalin
masiibaa dheh
-
-
Qabiil baa na laayeey in badan
qiil kadhigayeene
-
Qallaafiyo Hawaasay iyana shirar
ku qaataane
-
Qolo qolo makala laha intaas waa
qayilayaane
-
Qosolkana waxaa loo mudaa duul
qaraaba ahe
-
Ninka qaba sidii dumarka bay amar
ka qaataane
-
Sambabadu intay wada qarxaan
qufac ha daataane
-
Sow beentii qorrax kama caddaan
qaranka naafeysay?
-
-
Qori iyo gantaal bay la dhicin
qolo masaakiin ah
-
Qafaalkuna mareebana hadday quud
kuhelayaane
-
Qurqurada waxay ugu hayaan dhiig
qabow badane
-
Qanjir iyo waxay nagu noqdeen
cudur an qaadeyne
-
Sambabadu intay wada qarxaan
qufac hadaataane
-
Qaniinyada sidii bahal wax cuna
qolodu saw maaha?