-
Gabay uma dhaqaaqeen haddan
dhiillo ii imane
-
Dhabta iyo xaqiiqada jirtee
dhogortaan ii yeeshay
-
Dhiraandhiriska caawana murtida
dhinac yar aan jeexo
-
-
Ma an dhalan markii gobonnimada
dhiiga loo huraye
-
Geed dheer rag baw fuulayoo
dhaxan usoo jeeday
-
Dhaadadka rag baa loo jaroo
jeelka loo dhigaye
-
Hoo yoo dhan baa nalakuyiri
dhayda xoorta lehe
-
Hayeeshee inaan dhawrno oo
dhaqanno waan diidnay
-
-
Dhaxal nimuu lahaa diidanyahay
bay ka dhigantaaye
-
Dhurwaa maqal xannaanee layiri
dhaqanki weeyaane
-
Ma dhursuge masoo dhaanshe iyo
mahad masoo dhiibe
-
Dhankastood ka eegtaba tolkay wax
isma dhaamaane
-
-
Wixii dhiiglahow kaca rag baa
dheel uyiri waaye
-
Dad aan dhago laheyn baa kolley
dhaanto loo tumaye
-
Dhakafaarka waxaa iigu wacan
dhamanadaan heysto
-
Dhawaaq kale kuceli baan lahaa
dhimatay maandeeqe
-
Ku dhaqaaji baan yara lahaa
dhoohanow nacase
-
Anigaa isdhibayee tolkay wax isma
dhaamaane
-
-
Dheef iyo haddii ay rabaan dharag
maguurtaan ah
-
Dhulku waa barwaaqoo kufilan
dhuuni raacyada e
-
Hadday dhagaxa hoosiyo qotaan
dhoobadiyo ciidda
-
Ama ay kalluun dhoofiyaan moosku
waa dherege
-
Gaajada waxay ugu dhinteen waa
dhugmo la’aane
-
Dhiigooda kii jaqahayey dhabarka
saaraane
-
Anigaa isdhibayee tolkay wax isma
dhaamaane
-
-
Dharaarkasta kun baa dhimata oo
haadka loo dhigiye
-
Dhiilana madaayaan haddana dhac
iyo boob taagan
-
Gacmahaas isdhaafdhaafayiyo
dhagarta miisaaman
-
Dhanka looga soo maqanyahana
dhaayo uma yeelan
-
Dhalanteed ayaa loo arkaa dhamaca
qiiqaaya
-
Anigaa isdhibayee tolkay wax isma
dhaamaane
-
-
Dhallaankiyo masaakiinta iyo umul
madhaafaane
-
Dhaqan iyo xishood waa horaa
dhabarka loo jeedshay
-
Dhalan roganka duulkaan ku dhacay
ma aha dheeldheele
-
Dhulkii loo yaqaannaa rag kale
dhiil u culayaaye
-
Dharbaaxada waxaa ugu hayaa waa
Tigreey dhabahe
-
-
Dhimashadu marbay ina abtow
nolosha dhaantaaye
-
Dhaqdhaqaaq xornimodoon haddaan
dhidibka loo aasin
-
Bilowgii dhammaadkeenna baan meel
dhow ka arkaaye
-
Dhaxalkii awoowgeen ogow inaan ku
dhaantaynay!!!