Home

Show sabbaad tahay

                                                   Cabdullaahi Dhoodaan

 

 

 

Axmed Ismaaciil Diiriye ninkii la odhan jiray ee Qaasim[1]  ku magacdheeraa ayaa 1974kii gabay mariyey.  Gabaygaasi wuxuu ahaa mid qabyaaladeed, Soomaali badanna wax ka sheegaya.     Sidaad arki doonto Qaasim gabayga wuxuu ka billaabay Eyle iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene.  Eyle waa tol Soomaaliyeed oo koonfurta dalka ku badan oo ku abtirsada beesha Jareer Weyne, Siwaaqroona waa niman Majeerteen ah oo bariga Soomaaliya dega.   Dhoodaan oo xilligaa Hargaysa joogay ayuu gabaygaasi gaadhay.   Kolkii uu dhagaystay ayuu wuxuu u tagay Cali Cilmi Afyare.  Wuxuu ku yidhi “war ninku Siwaaqroon ayuu garaacay, faalooyinka kalena iyagaa ayunbay ku imanayaane u jawaab.”  Cali haye waan u jawaabi ayuu yidhi.  Muddo ayuu Dhoodaan is celiyey oo uu sugay jawaabta Cali Cilmi Afyare.  Isagoon wali wax hadal ah ka maqal Cali ayuu Dhoodaan wuxuu arkay gabaygii Qaasim oo laysla fandhaaliyey oo si daran ugu faafay Xamar iyo Hargaysa.   Gabadhu gabadhii ayey ku casuuntay, darawalku darawalkii ayuu ku casuumay, sarkaalku sarkaalkii ayuu ku casuumay, dibjirkuna dibjirkii ayuu ku casuumay.  Sidoo kale Dhoodaan wuxuu arkay dadkii oo gabaygaa xiisad ka qaaday.  Kolkaa waxay badday inuu jawaabo.  Gabaygii Qaasim oo dhan iyo kii Dhoodaan oo in badani maqan tahay ayaan hoose kusoo qaadanaynaa si dulucdu kuugu ambabaxdo. 

 

Gabayga Qaasim wuxuu ahaa:

 

Eyle iyo Siwaaqroonta xumi, ha i suryeeyeene
Seetada ha ii gaabiyeen, sabab la'aaneede
Seeddiyo boqnaha hay jareen, sab iyo laangaabe
Sanqadh yari ha ii dilo tumaal, siiqya looshadaye
Sanka hayga mudo inan-gummeed, loo sarrayn jiraye
Sawaab iyo midgaan Guulwada ihi, ha i sudhnaadeene
Hadba hay saloosheen sidii, geedka saarka ahe
Ilaahbaa sidaa noo gartee, ha i sadqeeyeene
Annagiyo Saleebaanadii, way na sidataaye

Seeftii Abgaal bay agtaal, saawirta ahayde
Habar Gidir sinsaarada ku timid, sigay ugaaskiiye
Sixilluu Kacaankani u galay, Sacad raggiisiiye
Warsangeli suldaan iyo ma jiro, boqor la sooraaye
Saamee dhammaantii Isaaq, salaw colaadeede
Soomaalidii waxa ka nool, saaka madaxgaabe
Wax siyaasaddii loo egmaday, silic ku nooshiiye
Markii talada habar saar leh iyo, sebiyo lo doortay
Ayey sayn-caddaa iyo waxgarad, sibiq dhaqaaqeene

Dhulkan suuradii laga baddelay, socodna dhaameelay
Way wada socdaaleen raggii, soocanka ahaaye
Saadada cadhootee midgaha, laga sarraysiiyey
Waa sixirradii Bucurbacayr, sananka muuqdaaye
Inta ay sidaa tahay nin gobi, sooman ka ahaaye
Qaansaleydu haw sacbbiyeen, Siigga qalataaye
Naagaha surwaalka lihi mashxarad, ha u safnaadeene
Single iyo waxaan dhalad ahayn, siidhi haw tumo e
Sabaalada ha moodeen in loo, sahanshey meel roone

Saadaaladaa lagu gartaa, sebenka caal waaye
Waa waxa abaar nagu salliday, soof ma reebta ahe
Saddex-guuro waa waxa na baday, sadhiyo daacuune
Samadii daruur laguma arag, seermaweydada e
So'dii ceelka waa waxa biyuhu, uga salguureene
Adduunyadu sidaa kuma gudhoo, subaxba waa cayne

Nin kastoo sallaan dheer u baxa, siibashaa xigiye
Suuldaaro waw halis ninkay, rag isa seegeene
Sirqabahana taariikhdu way, sahamindoontaaye
Maantana Siciidow waqtigu, saamaxaad malehe
Moorada salkeediyo xalaan, sugay malluugtiiye
Siigadaa madow ee dayaxa, saaran baan garanne
Dhiig buu sidaa waqalkan aad, sagalka mooddaaye
Siigada dhacaysaa ragbay, sabibi doontaaye
Illaahay sidaan ka arki jirey, way ku socotaaye
Duulkii sedkoodii dhammaa, saancadka lahaaye
Sanbabada gantaalaha ka mudi, saadanbay garane
Waa layna kala soocayaa, subax aan dheerayne
Ninki cadho la sooyaamayow, samirka maad dhawrtid

 

Qaasim gabaygiisu intaa ayuu ku dhan yahay.  Jawaabtii Dhoodaan cajalad uu xilligaa ku qabtay ma helin.  Bishii May 2009 mar aan ku booqday magaalada Diridhaba ayaan gabayaaga doocdoociyey oo aan ku kallifay inta uu ka xasuusto gabaygaa inuu ii qabto.  Wuxuu ii sheegay inuu gabayga Qaasim finiq-finiq u tixraacay, hase yeeshee gabaygiisa badankiisii uu halmaamay oo aanu hadda soo tuuri karin.  Waxa maqan waxaan ku raadin inta yar ee aad xasuusan tahay ee ii duub ayaan ku adkeeyey.  Markaa ayuu ii sheegay meerisyadan hoose.  Dhoodaan wuxuu yidhi: 

 

·     Nin siqsiqaya waa loo ritaa, mar uu sinbiidhaaye

·     Ku sarkhaamay oo Qaasimow, suuxsan baa tahaye

·     Sababtoo ah saa waa inaad, marinkii seegtaaye

 

·     Haddaad sirirtay saaxiibadaa, kuuma saxayaane

·     Anna saaka sawd uma cesheen, tuug salleelo ahe

·     Hadal suruq leh iyo sheekadaad, saydhisaa ba’ane

 

·     Asalkaba sintaad raacsanayd waa, su’aal fudude

·     Saado iyo Shariif iyo durriyad, sadarba waa cayne

·     Saddexdaba ciddiinaa tidhaa, waa safkaan nahaye

·     Salsaloodad mooyee haddana, kuma salowdaane

·     Dhanna kuma sallimo Qaasimow, reer sansaan xume

·     Sakatiga waxaa kuugu wacan, show sabbaa tahaye

 

·     Waxaan kugu sasabayaa anoo, talo ku siinaaya

·     Sancaduba aday kuu dan tahay, saa haddaad garane 

·     Hayska soocin Soomaalida waad, dhex socotaaye

 

·     Sinaantiyo waxaad dawladnimo, uga santaagayso

·     Sad qabiil hadduu yahay inaad, suuqa kaga baanto

·     Sarsarkiinu waw jilicsan yahay, seeska reeraha e

·     Wakhtigii saraayo leh ragbaad, saynta kaga taale

·     Dadka soodintiinaasi waw, sabad xumaydeene

 

·     Adaa saamo jiidee haddaan, taadi kala saafo

·     Doog saxal la’aaneed wakaa, maalku saanyado e

·     Habar Gidir sinsaariyo ma helin, seexatiyo feedhe

·     Mana sigan ugaaskiiye waw, sacab tumaynaaye

·     Seef looma quudhiyo Abgaal, sumuc ka dhiijaaye

·     Idinkiyo Saleebaanadaa, laysma soo sudho e

·     Suwaaqroonta bariyeed lahayd, ima suryeynayso

·     Isaxaaq sidiisii iyagu, sado ma dhiibayne

·     Adaa sumac-la-raac kaga haboon, sogob dhufaanyow e

·     Oo soomalhaadoo hunguri, kuu sanqadhayaaye

·     Ka surkaaga xidhay waa ugaas, kuu sarayn jiraye

·     Seetada ha kuu gaabiyeen, sino qalloocnayde

 

·     Haddii sayn-caddaa gabbay xilkii, dhabarka loo saaray

·     Asii habar saar qabtiyo, sabi uu dhaamaayo

·     ….

 

·     Dayaxa iyo suudiga kolkaad, sahanka gaadhsiisay

·     Qiiqaa ku saameelan iyo, siigadaad aragtay

·     Sixiroolayahow waa adigoo, lagu sadqeeyaaye

 

·     Wiilkii sallaan kore u baxay, sabano dheeraad ah

·     Siigada hadduu kaga dhacoo, kaasu sidan waayo

·     Sunbuu adiga kaa yahay kollay, subaga daataaye

·     

Intaa ayuu ka xusuustaa.  “Rag haya kollay waad heli doontaaye raadi gabaygaa adeer. Axmed-rashiid Garaad Af-waranle oo Jigjiga jooga waan tuhmayaa inaad ka heli doonto” ayuu ii raaciyey.

Waxaan 12ka meeris ee cusub ka helay Yuusuf-dheere Maxamed Sugaal, Luulyo 2009, London, UK.

Gabaygaa isoo gaadhsii inta dhiman haddii aad hayso. mail@doollo.com


 

[1] Isaaq, Habar Yoonis, Qaasim.  Degmada Ood Weyne ayaa Axmed isagoo kuray xoog ah la keenay si tacliinta loogu daro.  Ninkii magacyada caruurta qorayey ayaa weydiiyey Axmed inuu magaciisa oo saddexan sheego, kolkaa ayuu ku jawaabay Axmed Ismaaciil Diiriye oo Qaasim ah.  Mindhaa in la abtirsanayo ayuu u qaatay.  Sidoo kale, markii kacaankii Soomaaliya ka talinayey qabyaaladdii waanu aasnay uu yidhi ayaa wuxuu ninkan odayga ahi ku balweeyey:  nin qabyaalad diidow, anigu Qaasim baan ahay.  Labadaa qiso oo ta hore Hadraawi laga wariyey  midkood in naanaysta Qaasim ahi ka raacday ayaa la sheegay.  

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.