Home

Aadan Axmed Dubbe (Gabayxoog)

Deggane Maxamedow 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan waxaa tiriyey gabayaa la odhan jiray Gabayxoog oo reer Ceerigaabo ahaa.  Isagoo diinta, geesinimada, deeqsinimada iyo wanaaga guud ee Sayidka sifaynaya, halgankii hubaysnaa ee uu Sayidku gumaysiga kula jiray dhiirigelinaya, dadkana inay halgankaa taageeraan ugu yeedhaya ayuu wuxuu yidhi:

 

  • Awal maanso waa taan dabroo, daayey waayaha e

  • Ka da’weyni daandaansi, iyo diradirayntiiye

  • Waa layga wada doonayaa, doogsintaan baraye

  • Aan daleeyo caawana qalbigu, way dikrinayaaye

 

  • Deggane Maxamedow[1] waxaynu nahay, ul iyo diirkeede

  • Dadka kale ha joogee adaan, iga digtoonayne

  • Raggiinii dariiqada ka yimid, durug warkiisiiye

  • Dunjigiisba waan wada jeclaa, degaha Reer Nuure[2]

  • Wixii duub leh deris baanu nahay, iyo Daraawiishe

  • Sayid Maxamed dooduu i yidhiyo, daabbada uu keenay

  • Waa ii soo duceeyaye Allow, darejadiis raaji

 

  • Midna waqaan Illaah kuu darraan, labada daaroode

  • Muslin oo dhan baa diiq ku jirey, jeeruu daahiraye

  • Awliyada duushuu carshiga, kula dakeeyaaye

  • Ninba wuxuu debnaha ugu hayiyo, daarka iyo laabta

  • Daniguu gartaa waxa qalbiga, kaga dahsoonaaye

 

  • Kun halaad nin subax soo didshoo, duul u yimid siiyey

  • Oo aanay duntaa iyo la noqon, dibi la loogaayo

  • Deeq nin ugu faanaa ma jiro, Dir iyo Daaroode

 

  • Nin la diini kama soo if bixin, duniyadeennaane

  • Dirir Ferenji baa ugu badnaa, dab iyo baaruude

  • Isagiina dabaq buu ku riday, duhur dharaareede

  • Dabar iyo hoggaan buu ku xidhay, duluflahoodiiye

  • Dangaraaradii bay dhegihii, wada dilaaceene

  • Dogoble iyo ka kici ceelashay, wada degmaysteene

  • Burco kama dabaaldego wixii, dabada gaabnaaye

  • Nimankuu lasoo duulayoo, dab iyo maal siiyey

  • Diintii ka saar oo hadday, wada duloobeene

  • Doofaaradaasaa jihaad, lagu deyaayaaye

  • Dadow dirira loo kala dilaac, labada daamoode

 

  •  Afartaa da’da intaan ku dhigay, daw ma ku hagaajay

  • Ma daliil dhaqsaday sida wadaad, deelka ka higaadshay

  • Dig ma yeedhshay sida danab cir dhacay, ama gu’ duulduulay

  • Duufaan ma soo riday siddii, diiqalyada xoomir

  • Ma dalleeyey sida doonyahoo, qalamigii duubay

  • Shiraacaan farmaanka ugu xidhay, dakhalka maw buuxshay

  • Deebaanka maw soo qabtoo, ma u dabayl raacshay

 

  • Warsangali dariiqii ka baydh, daahirkii Nabiye

  • Sayid Maxamed deeqduu baxshay, bilo ku doogeene

  • Waxa dararta laga maalayaa, deebluhuu dhaqaye

  • Waa niman diihaal lagu korshiyo, gaalo daallima e

  • Dadna waxay ka doorteen kufriga, inay dillaalaane

  • Ha lagu duulo nimankaasi waa, debendebyoobeene


 


[1] Deggane Maxamedow wuxuu ujeedaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo gabaygu dhammaantii ku socday

[2] Reer Nuur wuxuu ujeedaa lafta hoose ee Sayid Maxamed ka dhashay; Sayidku waa Maxamed Cabdille Xasan NUUR

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.