Gabaygii 2aad ee Ina Dubbe
Ina Dubbe oo aad moodo inuu Cali fiirsanayey ayaa mar
kale u jawaabay isagoo waliba kala qaaday isla xarafkii “Dh” ahaa ee
Cali ku qotomayey gabaygiisan dambe. Wuxuu yidhi:
- Anoo dhoor
leh gabay waanigii, dhigay hannaankiiye
- Xaluunbay
dhambaalladu sideen, dhawr ku soo ridaye
- An dhaqaajo
waatuu beryahan, dhabarka saarnaaye
- Allahayoow
dhawaaq run ah maxaa, Cali ku dheeraaday
- Dhengeddiyo
Haweenkaan ilmada, qaar ka dhiidhiyine
- Dhashooday
dagaalaan kolkay, dirid dhammaystaane
- Wax ka dhigan
qabiilkuu dhacee, weli dhex joogaaye
- Dhammidii
Ogaadeenka saw, dhexidh ma qaadsiinnin
- Ma
dhandhaamay reer Dalal sidii, dhugatadii qaanka
- Dheeldheel
miyuu kula kaftamay, dhagar intuu geystey
- Uu weliba
lama dhuumannine, Dhugadna gaadhsiiyey
- Dhicis iyo
miyuu dhankaa,Webi u dhaafsiiyey
- Ma
dhirbaaxadii lagu dhuftuu, dhaabado u raacshey
- Dhoollaha
kolkuu uga qoslay, gacal dhaweystaane
- Inuu shalay
dhalfiifaha ka dhigay, dhaadimahayaane
-
Dhalfa-weynayaashuu hayiyo, dhaafe gabaygiiye
- Allahayoow
rag layskuma dhirshee, dhoohanaa nimanku
- Dhaantada iyo
jiibtiyo orkaad, dhalasho mooddaaye
- Dhallinyariyo
waayeel kurtood, wax isma dhaamaane
- Dhuuxoowda
goortay maqlaan, dhaafe xoolaha'e
- Dhusla orodka
kaymaha xidhkii, dhuuban laga baydhye
- Ku dhadhabe
hadday dhebi sitaan, dhimasho geeryaade
- Aaway
Dhoonbirkiyo Maarrihii, lala dhabaynaayey
- Dhulku idin
liqyeey sow iyaba, koodu dhici mayo
- Afartaa
dhallaanku ha bartee, dhaw ma kaga siiyey
- Dhaqso
hadalka kii loo yidhaa, malaha dheecaane
- Dhaxdin
yarina meel doog leh, way kugu dhaweysaaye
- Dhawaaq
kalena way xaajadaa, dhaafay madaxooda
- Dhudhumada
ninkii kaa jebshee, shaqasho kaa haynin
-
Gadhoodhkiinni hadhaybuu Isaaq, maanta dhigayaaye
- Waa lagu
dhintaa Geelayaga, sida dhunkaaleeda
- Ma dhaqaaqdo
qoladii fardaa, dhuuban gelisaaye
- Ma dhadhamin
wadaadkii Hartiga, dhoon ka buuxsadaye
- Haddii
dheegga Haaneedka sumad, dheeri kaga taallo
- Dhurwaaguba
ma cuno tuugga aan, dhaqanse mooyaane
- Isba dhuuni
waa jecel yihiyo, sidigta dhaameele
- Dhacaa laga
horraysiiyayoo, dheeha malahayne
- Dhirta
debedda waakii fadhiyey, toban dharaaroode
- Bal
Dhulbahante Habar Yoonis, muu dhiinka kala gooyo
|