Home

Cali-Dhuux Aadan

                                                                              Dhulbahante

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabayadii Cali Dhuux kaga qeyb qaatay Guba 2:

I

Gabaygii 1aad:

  • Cartaneey Camuud layska qaad ceelkii Reer Magane
  • Hadday curadii nool yihiin waad cabbi lahayde
  • Nimankii ku caawini jiraan cidi ka noolayne
  •  Cabdullahi iyo Yuusufbaa ciidda hoos maraye
  • Badal baa cashiiro u xigoo waa cuq dabadeede
  • Raggii calanku saarnaan jiriyo Caliba loo diidye
  • Nimanbaa caarsho u noqdiyo Caamir oo kale
  • Marbuu Haybe sidda coomir degay looga soo cararye
  • Ma la cowryi Reer Yuusuf waa cirir Ogaadeene
  • Miduu caayo miduu caydhiyiyo mid uu carjaameeyo
  • Saddexdaa calaamu ka dhigay cuurkii Reer Dalale
  • Caqli mid aan lahayn baa tahee ha i caloolyeynin
  • Oo Cayn iyo Hartaad leedahye caraqa fuuqfuuqso

II

Gabaygii 2aad

  • Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
  • Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide
  • Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode
  • Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya
  • Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane
  • Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde
  • Markii duraha jiilaal kacee doogga la idlaysto
  • Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto
  • Laaskii uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye
  • Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane
  • Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare
  • Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo'e
  • Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye
  • Maantana dukaamaa la dhigay degelkii Gaafoowe
  • Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore
  • Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye
  • Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye
  •  
  • Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi
  • Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane
  • Kuna dalaaqin naagihii inaanay dib uga laabmayne
  • Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye
  • Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira'e
  • Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye
  • Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan
  •  
  • Makaahiilku doy uma kaceen degeya Hiiraane
  • Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene
  • Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelkii Haarweyne
  • Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
  • Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
  • Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye
  • Dooyiyo dabriyo weerar iyo malaha duullaane
  • Ninnaba uunka kama dawladsana Dir iyo Daaroode
  • Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay danabadoodiiye
  • Dadka uguma liitaane wey diriri waayeene
  •  
  • Afartaa sidii dalab la riday maysu daba joojay
  • Da'daan kaga bilaabiyo miyaan deelkii ka habawshay
  • Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
  • Dacwad kalana waa Reer Xirsiga halan dareensiiyey
  • Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene
  • Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa
  • Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye
  • Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo'e
  • Damal Aboodi Dayr iyo Afmeer dixida Gaaroodi
  • Reerahoodu maantay degeen daawo lagu boobye
  • Sidii galab dawaar loogu rogay Delab ma maalaane
  • Ina Raabbi waa tii la dilay waana Reer-Dalale
  • Dumar kuma sagootiyin kuwii dahay Ugaaskiiye
  • Dan baa tidhiye lama duudsiyeen Dirirkii dheeraaye
  •  
  • Aniguba dubkaan uga nixiyo diirka oogada'e
  • Ma damqodo'e kii dad ugu xigay waa durduriyaaye
  • Ilmo Dacarba duul bay indhaha dumuq ka siiyeene
  • Nimankii walaalkood durqumay kama dambaysiine
  • Degdegsiinyo waa tay ciyoon duqaq u laayeene
  • Nimaan aabbihiis danabyo dhalin looma duurxulo'e
  • Dibbaa looga yaabiye iyo inuu kaaga sii daro'e
  • Dagaalkii Killaas ugama rayn duulkii Reer Shalace
  • Dunta boqorka nimankii sitee duubi jiray shaalka
  • Anse kolay duraan waxbana yaanay dillin doorarna u layne
  • Geerida Hurahan diidayey dereja dhaamaane
  •  
  • Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
  • Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay
  • Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
  • Dacwad kalana waa aniga iyo dan iska sheegayga
  • Maansadan dad wada qoonsadee diradiraha  u qaatay
  • Diin runa dalliilkii sharciga yaan ka daabacaye
  • Denbi inaanu iga raacihayn daacaddaa furiye
  • Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye
  • Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede
  • Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane
  • Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye
  • Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye
  • Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane
  • Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
  • Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye
  •  
  • Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararkii Baarjeexe
  • Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
  • Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka habawshay
  • Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
  • Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga
  • Nabsigu waa daruuraha cirkiyo sida dabayleede
  • Dersinkii wax qaatuu la' yahay deynki godobeede
  • Daa'iradu maantay waddaa duulashii galaye
  • Xaqa daguugmay duunyada la dhacay dumarka ooyaya
  • Naagaha ilmada duugayey diilalyadu hayso
  • Daa'imo hadaydaan ahayn dagan xaqiiniiye
  • Dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu aydaane
  • Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laalaadin

VI

Gabaygii 3aad

  • Dhankaan ka hadlay waakaa Qamaan dhaafay hadalkiiye

  • Dhex-xidhka hayska gooyaan lahaa dhuugga loo tolaye

  • Haddii dhaxal adoogaa la cuno waad dhadhamisaaye

  • Waxaan cunaha ii dhaafin iyo dhaashin baa jira'e

  • Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne

  • Dheddigaanshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada'e

  • Haddayan dhiilka caanaha lahayn laguma dhaarteene

  • Wax ka dhigan gobtii dhawrsataan ceeb ka dhiidhiyine

  • Dhirfal buu Isaaq marin intuu dhaco Ogaadeene

  • Karuur dhuumay dhaydana ka jecel oo ay dhamayaane

  • Dhoobada Hargeysiyo Berbera waa dhito u taalle

  • Dharka kama macaasheen hadday dhuunta jarayaane

  • Waa dhego la'yahay Reer Subeer dhoohan weligiise

  • Dhibta gaadha waa moog yihiin, iyo dhaliishoode

  • Anuun baa dhalaalinahayee, dhiirran ma hayaane

  •  

  • Ninkaan dhalasho waa yaab qabtaa dhab ugu soo hiishay

  • Dhaladuu wax iga saaray culus dhabeelna ii raacye

  • Dhudhunna waaba ii sheegtay adag dhiillana i geliye

  • Dhawaaqayga kuma faaraxine waa ka dhiidhiyaye

  • Waayeelka dhaylada sitee, dhawrta ku ilaasha

  • Kuwa dhebedda soo xidhanayee dhuuni kale haysan

  • Oo dharabta jeexjeexan qaba waad la dhalateene

  • Dhafoorkaa ma yeesheen hadh galay dhogor xumaantaase

  • Dhoomaha Isaaq raranayee Dhaayin laga keenay

  • Dharkaa lagu qasaashaa intay dhereg u daadshaane

  • Rag baa caanahaad dhami jirteen dhiil u hoorsadaye

  •  

  • Afartaasi waa dhaabad gabay iyo dhextaashiise

  • Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus waa dhug siin jiraye

  • Maansada dheh uun lama yidhee waygu soo dhacaye

  • Dhugaheeda layskuma qabtee dhibic kalaan baanay

  •  

  • Dhinacayga ma aan saari karo dhuxullo naareede

  • Goormaan rag baa kaa dhergaye dhidibka kuu qaaday?

  •  

  • Dhaawucu ninkuu ku cusub yahay dhiigga farahiisa

  • Oo shalayto kaa dhaansadaa Dhuurre kula yaalle

  • Waakaa xeryaha looga dhigay Dhogor Idiinleeye

  • Dhaqaalaynna mayside naftaad kala dharroocdaaye

  • Libintiinnu maantay dhowdahay kuma dhaqaaqdaane

  • Car ku dhaca haddaad dhalad tahoo dhuubka boqor hayso

  •  

  • Afartaasi waa dhaabad gabay iyo dhextaashiise

  • Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus waa dhug siin jiraye

  • Maansada dheh uun lama yidhee waygu soo dhacaye

  • Dhugaheeda layskuma qabtee dhibic kalaan baanay

  •  

  • Ugaas Magan dhawaaq kuma jiroo dhimey wadkiisiiye

  • Bal dhexmariya Reer Webi inuu dhaamo Bah Xawaadle

  • Cabdille Aadankii dhaadan jiray dhab u ogeysiiya

  • Uga dhoofsha Dhicis Muuse Khalaf oo dhabta u saara

  • Cawlyahanka dhaantaynayiyo Dhugadna gaadhsiiya

  • Isaxaaqa dhooshiisii hanay dhababkacna loo diidye

  • Nimankii ku dhabannaanin jiray dhowr ka loogsada'e

  • Dharbaaxooyinkii soo ceshiyo dhabarjabkaagiiye

  • Waataa hablaha Ciise Dhamal dhigaha laayeene

  • Kacoo dhididka rida waa intaad dhimanba weydaane!

  •  

  • Dhambaal lala ma yaaciyo waraaq sida Dhabiileede

  • Hoo dhagaxa qaad iyo adeeg gaaladaa dhihiye

  • Raacdadu hadday kaa dhab tahay Dhebi dagaalkeedu

  • Adoo dhirifan baa loo ridaa dhamac rasaaseede

  • Raggaan dhibiyey waa kaa dhacsaday Dhebiyo Heemaale

  • Qamaan dhugo dhankaagaa tolkaa looga soo dhacaye

VIII

Gabaygii 4aad

  • Dan u baxay Ogaadeen hadduu duudsi qaayibaye

  • Dirirsiiyey diidana inay duul ka nixiyaane

  • Anigii dagaallaminahayey igu dabreeyeene

  • Duullaanna way soo baxsheen sida Daraawiishe

  •  

  • Daabaca raggii lagu dhuftee daabka lagu jiiday

  • Daabaqad wajiga baw hadhiyo diillin aan go'ine

  • Ma iyagaan dadkii iyo ahayn duudda Nebi Aadan

  • Iyaguba dab iyo waa sitaan damaq rasaaseede

  • Dumbuqooda liishaanka daran daalib ma ahayne

  • Dawadiisu waxay saaran tahay daacad loo rido'e

  • Waa wuxuu isaga daadsan yahay oon doocna garanayne

  • Dawdii ha darandoorriyeen hana dagaajeene

  • Dushana hawgu soo dhaamiyaan dumarku haantiiye

  • Dabinkii xumaa iyo sibraar ha isku duubteene

  • Dugsi dhaxan leh haw yuururaan diilalyiyo ciile

  • Intay dacarro waaweyn dhigaan dalag ha beerteene

  • Mar haddaanay daaqayn Walwaal nimanku dooggeeda

  • Oo dibinta saarayn Wardheer loona dacareeyay

  • Danwadaag iyaba waannu nahay downa wada naalle

  • Bal Iiddoor maxaa igu diroon, Doollo ugu sheegan

 Gabaygii 5aad

  • Daarood baan walaalayn lahaa warasadiisiiye

  • Wardheer baan lahaa hayska dego sida Wadaadkiiye

  • Wacad baan u kala qaad lahaa wadar ahaantoode

  • Ciyoon baan ku weyrixi lahaa, weris Ogaadeene

  • Ha welwelin wargeli baan lahaa way wahsanayaane

  • Waxtar baan lahaa inuu ku jiro waxa ogeysiiye

  • Iiddoor wagaashaan lahaa webiga jeexsiiye

  • Nimankii siday ugu wadeen wiiqda kaga gooyey

  • Waraabihii cunayaan lahaa ha iska waabsheene

  • Wadaad shiikh ah weli daahiriyo ma aha Weyteene

  • Iyagaa werdiga hayn jireyoo Waaxid ku ogaaye

  • Waxooddii la dhacay xoolihii wadarta loo qaaday

  • Iyo waarihii ay galeen wiiqda la cunsiiyey

  • Weerkii caddaa baan lahaa ha iska wiifsheene

  • Ceelkii Walwaaleed hashii wahane loo diiday

  • Wadaamaha Cammuud baan lahaa ha ugu waabsheene

  • Wasiirtoodi hore yaa xumayd waalidkii dhalaye

  • Wacdigayga kuma doogsan iyo waanadaan idhiye

  • Wahay wahe sidaan wax u dhimay bay wig iska siiyeene

  • Nacasku waa i wiiqaye Isaaq waanigii wadaye

  • Waa kii waddada aan ku ridey wagacda Jiilaale

  • Waaxdaan ka toosinayay bay iga wareemeene

  • Waatii wadnaha aan u galay sida Wadaadkiiye

  • Oo waalid xoortaan ogaa wiish la caaridaye

XIII

Gabaygii 6aad.  Gabaygani waa kii ugu dambeeyey silsilada ee Cali oo bilaabay uu kusoo af-jaray.  Wuxuu yidhi:

  • Gunbaan ahay ganbo-cad baygu xidhan, iyo gar naagoode
  • Gaashaantimaha sidoodoo kalaan, guur u sugayaaye
  • Aniga iyo hablaha loo galmoodo, waan gudboonahaye
  • Jeer oon ganboolka iska rido, guudka iga saaran
  • Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye

Qamaan Bulxan

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Email Us|Dhoodaan|Sayid Maxamed|M.C. Dage|Qamaan|M.C. Beenaleey| Raage Ugaas|Kaadheeri|Guba|Singub|Contact Us
Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.