The largest
online collection of Somali poetry
Ina Looti wuxuu ahaa nin gabyaa ah oo xilliggii Raage Ugaas noolaa.
Wuxuu ahaa ninkuu Raage markii la weydiiyey Soomaali qofka ugu
gabay
badan xusay ee yidhi
Ina-Looti baan la hinjin karin,
heeladkuu dhigaye. Wuxuu ka dhashay laf-hoosaad tiro yar hase
yeeshe tol balaadhan ku abtirsata. qolo ay degaan wadaageen oo
qabiil kale ah ayaa colaadintooda iyo dhicidooda ka durduurtay.
Markuu adkaysan waayey ayuu ku tashaday inuu hiil doonto.
Wuxuu aaday Bari iyo
boqortooyadii hormuudka uu u ahaa Nuur Cismaan. Tolkaa hadduu
dhex tagay ayuu gabaygan ku dana sheegtay. Wuxuu yidhi:
-
Tub-dheer looma diro aniga
iyo, taag wixii le'ege
-
Tiiraanyo iyo tawsi waa,
taan la soo kacaye
-
Tixda dhegeysta waaheenka
waan, idin taraarsiine
-
-
Haddey niman tunkiyo na
qabsadeen, adhaxda tooskeeda
-
Oy nagu tilaaseen colaad,
taako dami weydey
-
Tol la'aan dheh ciilkiyo
tashiga, nagu tabaaloobey
-
-
Tiro yari dheh niman
taadaxaan, aanadood togane
-
Haddaadse adigu tabaraysatoo,
taabbo-qaad noqotay
-
Tuhmigu ha haree ma aad na
tidhi, idinma taageerin
Waa loo hiiliyey oo wuu
adkaaday xoolona kuwii laga dhacay iyo kuwo ka badanba wuu taabay,
gabay nasiib darro aanaan haynin ayuu tiriyey gabaygaas oo uu
arartiisa awr ku raray isagoo ku bilaabay:
-
Aabeeyeyeey gabay haddaan, awr u soo qabane
-
Arrumayeey haddaan caynka iyo,
bayda u adkeeyo
-
Gibil-xeerka saan ugu akido, waaba la ogaane
-
Aleesha iyo reexaanta waa,
la arki doonaaye
Marka uu tilmaamayo in
inkastoo uu qolo yar yahay haddana uu qabiil weyn dusha ka sii yahay
wuxuu macnihiisu yahay maah-maahda soomaalida ee ah "Uur-jiif
habartii ku gawracan" wuxuu yidhi isagoo taa sifaynaya:
-
Uurjiifku hooyadii godkuu,
la ajaloodaaye
-
Ninba adhaxdi meel buu la
yaal, aynigey tahaye
-
...
-
Maxay ku arrinsheen laba
Bahood, idil haddey dhaaftay
ayuu kusoo gabagabeeyey.
Tixhaha iyo taariikhda ku
milanba waxaa nasoo gaadhsiiyey Maxamed Aadan Ciiraale. Mahadsanid
Maxamed.
|