Home

Khaliif Sheekh Maxamuud

                                                  Hurgumo

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Abshirow micnaha gabay haddaad mid iga weydiisey
  • wiilyohow madluunbaan ahaa maalin iyo leyle
  • intaas waan mugleeyahay sidii gorayadii muune
  • Mas la diley sidiisaan madaxa meerinahayaaye
  • Sideydana waxaan maaganahay waa wax kaa maqane
  • Magliga daabo maahane si kale hay maleynina
  • Adduunyadan maraabeysay oo murugtey ee xiintay
  • Ee uu Mareexaan u kacay waa masala weyne
  • Gardarradaas mutuxan waa dagaal waxaan ka miisaaye
  • Maruuryoodayeey xalay miyaan miray caloosheyda
  • Muskii layga soo galay miyaa dhaxani mowleysay
  • Goortaan wax milicsaday miyaan cadho madoobaadey
  • Midigta iyo bidixdii miyaa midiba meel aaddey
  • Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday
  • Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagey
  • Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay
  • Sidii aar mudi ahaa miyaan micida soofeystay
  • Ma inaan colaad maamulay dani i moodsiisey
  • Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye
  • Sidii miraha Doocaan ka baxa muudsey aadmiguye
  • Nin waliba wuxuu mihindisaa inuu magawshaaye
  • Agoon maalki laga qaadayoo meel kastaba jooga
  • Mareykaanka naagaha xidhee madaxa loo saaray
  • Oo mudanayaashii jeclaa mawdka laga yeelay
  • Dadku mowdka waa iska ogyohoo maalikbaw qoraye
  • Meydka iyo raqdoodii miyaa laga dul maansooday
  • Sidii waxaan muslin aheyn miyaa muxubbo loo laayey
  • Madficii iyo rasaastii miyaa meel kastaba gaadhey
  • Kulli midhaha Daarood miyaa keen isugu miirmay
  • Ma kuwii aan hartiga moodayaa soo mashxaradaayey
  • Maangaab Dhulbahanta ah miyaa nagu malaabeeyey
  • Mergi-kuusyadii hore miyaa muruqa noo tuujey
  • Mahanniga Ogaadeen miyaw mabay xumaanteenna
  • Warsangeliga maahee dadkii mayna wada meershey
  • Inkastoy bahnimo muujiyeen sooma mayl bixine
  • Malkadaan ka sugayiyo may iman mooshin kaan rabaye
  • Haddey ficil maqiiqaan warmuhu nama muquunsheene
  • Macag  iyo manaa bay idaha, kaga macaasshaane
  • Macna ineeyan noo tarin miyaa meesha ka caddaatay
  • Iidoor marduuf qaada helay waa majnuun falane
  • Hilib maraq leh iyo roodhigey miisanahayaan
  • Macnaha dowladnimo leedahayba uma muraadaane
  •  

  • Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malafleeye
  • Mudafkiisu waa kii dugaag maalin weyn cunaye
  • Maskaxdiisii waa tii tukaha looga dhigay miile
  • Nabadbay macaansanahayaan wawse maan li'iye
  • Wallee ama magaalada Berbera dhiiggu mulacyeeye
  • Ama sida mawaashiga ratiga mayr lagu saarye
  • Hawiye meel uu joogaba dagaal weyska maanacaye
  • Maankaba ka jare raganimaan meel ka soo geliye
  • Maaraha Siyaad baa ka dhigay maata caanalehe
  • Abgaal oo mihiigaan ka badan jaraha loo miiqye
  • Mudanihii Gabayruu ka diley oo mar soo baxa'e
  • Waxay talo ku goosteen inay moxogga diidhaane
  • Habargidirta mudugjoota ee maashu wada soocday
  • Ee layska maamulanahayoo deyrka lagu meershey
  • Ee sida halah maydabta ah layska maalaayo
  • Iyaba mahadhada waa qabaan ceeb muggooda ahe
  • Murursade iyo Cayr iyo haddii Sacad la miireystay
  • Marna iney maya oran kareyn kama maleeneynin
  • Hadalka hayga moodina inaannu maaran waa nahaye
  • Sidaan maanta nahay yaan la oran laga milroonaaye
  • Maruunbaannu mowjada xirmiyo maayad soo kicine
  • Nabsigaan mugdiga gudahayaa maruun heleynaaye
  • Caruuraha maryaadaya iyo Dumarka mowleeyey
  • Maruunbaa marwada Maxamed qabo noqon masaalkoode
  • Maruunbaa mid lagu meel maro iyo maahir noo kiciye
  • Maruunbaa rag wada miiggan miiddi soo bixiye
  • Maruunbaa madhada Caabudwaaq miig ku soo degine
  • Ninkii tiisa maamulan karaa kuu muraad falahe
  • Magaalooyiyo lama martiyo lebiyo meygaage
  • Bal inaad idinku naga maarataan wax is moodsiiya
  • Afartaas intaan miin ka deyey meel ma qabadsiiyey
  • Ragbaa gabayga meermeeriyee marindhac maw diidey
  • Macna kale waa hadal yar aan meesha kala yeele
  • Maraweyntii reer Cumar ahayd meher xalaaleeye
  • Midguhuba ma yeeleen waxay madaxa saareene
  • Aw Muuse gabayguu marshaa meesha soo galaye
  • Waxba yaan micna la'aan xarago suuqa lay marine
  • Waxba yaan matoobi iyo shaal lay mardaadine
  • Waxba yaan dad mudan baannu nahay lay maqmaqashiine
  • Haddaad geel mulki ah leedohoo xero u maageerto
  • Mareerkiyo galoolkiyo haddey magacley daaqeyso
  • Oo kuraygu muraha u sidoo maraq u dheesaayo
  • Ninkii maagistaada iyo fidmada muhashadeed haysta
  • Haddii uu martabbadaadi hore sax u maleyn waayo?
  • Marka hore midbuu kaa qalaa muunad loo dhaline
  •  

  • Murre haddey dhadhami weydo iyo dacar la soo miiray
  • Oo uu raggii maali jiray soo mur bixi waayo
  • Muluf iyo haddey wada mohollibiin tuunsan
  • Doqontii maldahan hawga biqin maayal dirireede
  • Mar labaad rogaal weereraa lagu mayiiraa
  • Oo muqalladoodii rag kale garabka meershaa'e
  • Cabdulqaadir bay maraqsadeen maalin duhukiiye
  • Mishingaanku goortuu dardaray mahad ma moogeyne
  • Macaan dhereg la'yahay ceebtu waa meheraddiiniiye
  • Nimankii middida saaray baa meel la hurudeene
  • Ood waliba maamuus salaan ugu mihiibteene
  • Inaad diini magantiis tihiin idinma moodeyne
  • Dabadeedna muurmuursigii lagugu meydhaanye
  • Toban iyo toddoba madax ah oo uuskii laga maaxshey
  • Is maxamuudintiinaas xun baa loo makaabsadaye
  • Mahwigii xalwiyo laga tuur malawgi dheeraaye
  • Cirro inuusan meel roon ka dhalan waw makshuuf qabaye
  • Magac ba'aye Ciisaan lahaa way mitidayaane
  • Cismaankii is maahuurin jirey malihi beenowye
  • Haddii muran dhexmaro reer tolkood ways mutuxiyaane
  • Goortey shisheeyaha mutaan reer marti xumooyin
  • Raggi shaaribbada miiqi jirey waa makaan dumaye
  • Waa taad majeerteen yaryare nagu magacowdeene
  • Murti haddaad la haydeen wax tara lagu muquuneeye
  • Ibraahiinno milanbay qabaan mur iyo deeqaabe
  • Moortaayihii shalay ku dhacay lagu mahlaakeeye
  • Ulud dheer middii lagu dhiftay doc ula miiqmeene
  • Mottarkii shirshooruhu markuu kor u muquufaayey
  • Allaaba waa gargaar meel maraa ugu miciintaane
  • Goortii la mariyaa kalgacal wada maqsuudeene
  • Ninba maalinbaa loogu iman maxastadiisiiye
  • Qoladay markaas haysataa kaga maqnaateene
  • Xasidnimada maarowdey waydiin macaantahaye
  • Mahwiga Cali saleebaan haddaan mirar ka faaleeyo
  • Waa niman mallay inay gurtaan maanka kaga taalle
  • Waa niman aan ficil muujin karin maalin lays galaye
  • Iyagoo malyuun iyo malyuun mira saruu dhaafay
  • Waa niman masaakiin yaryara lagu masaalaa
  • Waa niman micnaha ay wataan lala mashquulaa
  • Waa niman mucaarad iyo toos aan midna ahayne
  • Waa niman aan meelna uga jirin miis rag leeyahaye
  • Malagii walaalkii nin jecel murugo waw kowe
  • Ragga lagu malkhadayaa waa mahurtadiinniiye
  • Maruun inaad is deydaan way kaa madowdahaye

  •  

  • Mataraariyaha lagu furaa keligood moodeene

  • Goorti mir iyo mayrac iyo malabsi loo laysto
  • Inaad adigu marax keyda tahay wayska moogtahaye

  •  

  • Muusiyo Ismaaciil bahdood kama masuugaane

  • Mar haddey makaabbada jebshaan maara laga waaye
  • Magli kugu dhegayey sidiis wax u maroorshaane

  •  

  • Marse haddan kor u qayliyoo mirar u yeeryeero

  • Moxorkii jeceeleed haddii firimbi mawleeyo
  • Haddii aan magaalada qandala oohin ku ag meero

  •  

  • Madaxyada walwaaleed haddii belo muluufaanto

  • Ceelkii mareegsane haddii qiiqu mulufleeyo
  • Marsabadiyo xeebaha haddii laysu mariwaayo

  •  

  • Maskantii haweenkiyo haddaan marashi dheer qaato

  • Madal laysu soo baxay haddaan muusanaw kiciyo
  • Waxaan maanka ku hayaa inuu maata doox dhicine

  •  

  • Annagoo makiinada laliyo moodhar ku ordeyna

  • Oo caradu naga muuqataa mowqifkii imane
  • Eebbow waxaan maagganahay yaa maslixidoonna

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.