Home

Xaajo kow ah

                                                                                  Khaliif Muxumed Oonduuf (Khaliif Ilkoole)              

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waa mar kale iyo taxenihii ahaa "Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi."  Waxaan maanta soo qaadanaynaa in yar oo aan ka helnay gabay uu tiriyey gabayaa la odhan jiray Khaliif-Aflow.  Khaliif degaankiisu wuxuu ahaa Doollo gaar ahaan ceelka Yucub,  wuxuuna gabaygan tiriyey xilli ku aadan 1977kii. 

 

Waxaa fajiciso ku abuuray mixnadda iyo qalalaasaha Geeska Afrika ka oogan:  ciidan heegan ah, mid dagaal kasoo baxay, mid usii socda, dhaawac la sii wado, fidho iyo uuro.    Gawaadhi gaashaaman, rooblaano iyo laba-lugood tuutaysan oo rayfalkiisii jeeniqaartay ayaa aragiisa ku batay.  

 

Dhalinyaro sandulle lagu laylyey dabadeed ciilkii iyo xoriyad la’aantii la baday shacabka kula dhacay oo dad iyo duunyaba cagta mariyey ayuu in badan dariiqyada iyo sabada ceelasha degaankiisii ku arkay.  Wuxuu arkay dhaqan aan horay degaankiisa looga aqoon oo magaalooyinka iyo tuulooyinka ka muuqda.  Waxaasoo qaxar ah ha arkee wuxuu garan waayey raasamaalka kasoo socda maxaa yeelay wax hanaan-siyaasadeedkii dhulka iska badalay ma jirin. Wuxuu haddaba tiriyey gabay aan ka helay meerisyadan hoose. Wuxuu yidhi: 

 

            Kuubba iyo Ruush iyo Amxaar, kaynta soo gale e

            Kufriga iyo Islaamkuba dadkii, way kilkiliyeene

            Keeniyo hoggaanbuu sitaa, kiin aan loo imane

            Mid waliba intuu kayn galuu, kaalay leeyahaye

 

            Kaaraha cirkaa marayaan, kor u dayeynaaye

            Kolkuu soo degana ciidda waa, lagu kexeeyaaye

            Kobna kama duleelaa la yidhi, wuuna ku arkaaye

            Waa waxaan xabadi kuu karayn, kaana orod dheere

            Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e!

 

            Naaguhu kobtii lagu ogaa way, ka tegayaane

            Kursi bay u fuuleen qaxwaha, keen la leeyahaye

            Kun nin oo hareeraha fadhida, kama xishoodaane

            Kolkay gacanta kuu fidin la arag, kolanta naaskiiye

            Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e!

 

            Geelaa kursaha weyn la waa, kob lagu maalaaye

            Koobada in lagu qaybsadaa, kooros loo galaye

            Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e!

           

 

Soo raadi gabaygaa inta maqan mail@doollo.com.

 

 
 
 
 
 
 
 
 
Dhoodaan|  Sayidka M.C.Dage|  Qamaan|  M.C. Beenaleey|  Raage Ugaas|  Kaadheeri|  Guba|  Singub

Copyright © 2003 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.