The
largest online collection of Somali poetry
Waa gabay uu abwaanku isku
difaacay mar ay haweenay u qabsatay wax Alla wixii godob ahaa ee ay
Daraawiish ka tirsanaysay. Waxay ku eedaysay inuu col
galaa-bixiyey oo uu qoyskeeda caydh iyo dawarsi baday kadib markii
uu rag badan ka laayey xoolo badanna ka qaaday isagoo Daraawiish hor
kacaya. Haddaba isagoo haweenayda tusaalaynaya una sheegayana
inuusan mas'uuliyadeeda qaadi karin dhibkay Daraawiishi ku
fashay raaskeeda ayuu Darwiishku yidhi:
Gelin dhexe xalaan Maxamadow,
geyrtay oo kacaye
Gam'ina waayey hadalkay i tidhi, gacallow naagtiiye
Adigay gabley tidhi markaad, gaaska wadateene
Waxay tidhi adaa igu gondolay,
garangartaan iile
Waxay tidhi aday guridhigoo, ma lihi gaadiide
Waxay tidhi adaa gelengel tubay, garayartaydiiye
Waxay tidhi guyaalkii adaa,
gaajo ii dilaye
Waxay tidhi gurboodkii adaa, geesaha dhigaye
Guhaadeeda aan jirin bal aan, gabay ka soo qaado
Gumburo iyo Cagaarweyne iyo,
geedkii Daratoole
Goobtii Jidbaaliyo Xargaga, guuldarradii joogtay
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo, gudurigii haagay
Gabooddeeda Beerdhiga wixii,
la isku gooraamay
Maydkii gabraday seerigay, Good ku tumanaysay
Gawarkaad maraysaba laftaad, galayaxaa mooddo
Ogaadeenka gaanka ah wixii,
geydho laga qaaday
Iiddoor cayuun godan wixii, gelin la waydaarshay
Shirshooraha gudbani cayrdh, wuxuu gorof la meeraystay
Gadhcas iyo Majeerteen wixii,
guuyo laga dhaarshay
Gob ninkii ahaan jirey wuxuu, gibil madoobaadey
Giddigiis naflaa'iga wixii, gobolba meel aaday
Dayuuradaha gowliyo wixii,
samada guuraayey
Daarihii gelgelintaa noqdiyo, gebiyadii ciiray
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay, dunida guudkeeda
Gembiyo jahaadkii arlada,
gaday wixii joogay
Gaaliyo Daraawiish wixii, uunka kala gaadhay
Keligey ma wada geysannine, la isku geeryooye
Geyigii rogmaday oo dhan baad,
guudka ii sudhiye
Waxbana hay gurraynine dembaad, galabsanaysaaye
Gartaa maaha naag yahay inaad, ii gilgilataaye
Gashi kaama qabo oo ma layn, gabannadaadiiye
Gambana kaama furan baan u fili, gulufyadaydiiye
Naa gefkiyo beenta daa yaadan gelin, godadkii naareede |