|
The
largest online collection of Somali poetry
-
Dadka
wada dhashay een lahayn diirnax iyo xeebad
-
Labada
uurka soo dabataye daacad kala wayday
-
Daayimow
maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?
-
-
Daaraha
kiraysane gabdhaha lagu dembaysiiyo
-
Oo biilka laga doonayaa
waa darxumo wayne
-
Daayimow
maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?
-
-
Darmaanaha waraabaha digliyo daalacay haadka
-
Dameeraha la bari siinayiyo diiftan Xamar qaayib
-
Daayimow
maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?
-
-
Naagahan
dafiray kii qabee diiday gurigooda
-
Oo wada
dareerayee nin kale doontay lacagtiisa
-
Daayimow
maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?
-
-
Qarshigaan dirsaday saaka ee dooc i tari waayey
-
Ee
duubka neef ariya iyo daasad bixi waayey
-
Daayimow
maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?
-
-
Hadday
dunidu kheyr leedahay oo la isu daynaayo
-
Dadkii
Xaawo laga uumay iyo duudkii Nebi Aadan
-
Derajada
kuwii loo dhalaan laga dereersheene
-
Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo
-
Doqon
iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane
-
Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin
Amiin
yaa Ilaahii
|
|
|
|
|
|
|
|
|