|
The largest
online collection of Somali poetry
-
Cashadii
gashaba waagu waa caynad gooniyahe
-
...
-
Caammadu
waxay moodayaan curasho dayreede
-
Cilmi
Felegga way garan raggii caalimka ahaaye
-
Anigaase
moorada cakiran kuu caddayn kara'e
-
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyow'e
-
Wuxu
yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirkii soo dhaafye
-
Carruuraha la dhacay awliyada laga cadhaysiiyey
-
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
-
Caawaa
la kala soocayaa caabud iyo gaal'e
-
Casha
aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
-
Caaddaa
rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
-
Ciil buu
u dhiman Ina Cigaal coobadaa gubane
-
Caanuhu
dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
-
Inay
curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
-
Ceeryaamo subaxeed nin nool curadka roob moodye
-
Marse
haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
-
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e
-
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo
cadceedsadaye
|
|
|
|
|
|
|
|
|