Qamaan ayaa geeraarkan hoose mariyey isagoo tolkii guubaabinaya kuna tirtirsiinaya inay weerar qabac ka siiyaan
gacantana ay soo qabsadaan afadii laga dhacay. Wuxuu yidhi:
-
Haddii layna qarmaystoo,
-
Qoysba meel lala aaday
-
Ma indhahaan qabsanaa?
-
Qoryahaan iyo xoogu
-
Ma kuwaan shay qabanbaa?
-
Raggaan qoodhaha waynlee
-
Xaasaskii laga qaaday
-
Bari sow la qashee
-
Asaagood ka qaxee
-
Quwaddiinna qarsoon iyo,
-
Maad rag qiiro tustaan?
-
Qalabka maad gurataanoo,
-
Barni soo qabataan!!
-
...
Isha gabayga:
Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh
iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980.
Ma dhana gabaygani ee soo raadi inta ka maqan
oo nala soo socodsii. Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey Xadiis Axmed Caabi.
|