Qamaan Bulxan ayaa go'aanka ku gaadhay inuu duulaan afkiisa
laga habaabay ku kiciyo nimankii afadiisii, Barni Sheekh Cabdille,
dhacay. Wuxuu u hub uruursaday marka roobku da'o, reeruhuna isu
soo noqdaan ee Banka Qoraxey laysugu yimaado uu rag iyo ciidanba dumo
oo uu dagaal haweenaydiisii ku raadgoobo. Wuxuu yidhi inta
nasoo gaadhay:
-
Dadka maatada u kala tagtaan,
muran ka oognayne
-
Haddii haatan lays kala
maljaday, murug aduunkiiye
-
Muslinow bal maqal xaajadaa,
laysku malaq siiyey!
-
Ninba tuu miliilico haween,
maraq la weeyaane
-
Waa midig kataal dumar ninkii,
moodi tuu qabaye
-
Muslinow bal maqal xaajadaa
laysku malaq siiyey!
-
Anoon marintideedii dayicin,
meel fogna aan joogin
-
Oo shalay minkeedii tagay oo,
gaadhi kara maanta
-
Muslinow bal maqal xaajadaa,
laysku malaq siiyey!
-
Iyadoo mandheeri cad qabtoo,
socod mushaaxaysa
-
Oo aanan maqnayn oon fadhiyo,
maqasha foofkeeda
-
Muslinow bal maqal xaajadaa,
laysku malaq siiyey!
-
Maadhiinka buuxa iyo intay,
midigtu laabmayso
-
Rabbi bow markhaati ah inay,
meer la dhici naagtu
-
...
Soo dhamaystir.. |