Cawaale
Xuseen
awalle@gmail.com
Waxaan dhawaan dhagaystay cajalad uu duubay Abwaan Cabdullaahi Macallin Axmed
Dhoodaan cajaladaas oo uu ku saxayo taariikho la kufsaday
iyo suugaan la boolyaday. Markii aan laba saddex jeer
dhinaca kale uga baxay ayaan waxaan haahaabtay qalin iyo waraaq oo is idhi
Allaa ku lehee wax uun kala hadh xikmadda ma guurtada ah ee abwaanku
cajalada ku qabtay.
Waxaan haddaba galay kala doordoorasho iyo isbarbardhig aan leeyahay talow qisadeed ku hormartaa.
Ma tan, taa, tii, mise tu kale. Dhawr jeer haddii aan laba-qalbiyeeyey, dhawr
goor oo kalena
saddaradii aan qoray qashinka ku daray waxaan ugu dambayn goostay
qisadan Dhoodaan sida hufan dhagaysiga ugu soo gudbiyey inaan qoraal
ahaan usoo bandhigo.
Sadarkii ugu dambeeyey markii aan ebyay
ayaan dib u milicsaday si aan u saxar tiro, kolkaa ayaan waxaan
xaqiiqsaday inaanan sheegan karin qoraalkan ee
hadalkii Dhoodaan ee cajalka dhex giraangirsanaa sidii anigoo
Macallinka karaani u ah aan rogay oo daabacay. Waxaan dabadeed is
idhi mar haddaan Dhoodaan wali qorin inaad adigu qorto, isagoon ku
wakiilanin laakiin aan is leeyahay koley daa kuma dhaheen, waa wax
ku ool.
Qisaba qiso ka tilmaamane tani
waa weyshii cabeebsanayd oo sida laga yaabo inaad maqashay ninba
siduu doono u dhigay ciddii uu la jeclaadana u tiiriyey dhacdada iyo
gabayada la xidhiidhaba eex iyo aqoon xumo midood iyada oo ay
indha-duubtay. Waxaan Dhoodaan afkiisa ka dhagaystay qisadan oo uu
sida uu halkan ugu sajilay uga sheekaynayo isagoo jooga Nairobi
xilligaa oo haatan laga mudaystay sanado dhawr ah.
Anigoo sooyaalka taariikhda
kasoo raraya cajaladii uu Dhoodaan duubay, ayaa waxaa la yidhi
wareemeysi sokeeye ayaa dhexmaray laba qoys oo Ogaadeen ah oo la kala
yidhaahdo Isaaq Aadan, Bah Gari, iyo Reer Warfaa, Reer Cabdille. Dhawr
goobood ayey labadan qoys ragna isaga laayeen xoollana ku kala
qaadeen. Colaadii waxay soo guura-bahalaysaba Isaaq Aadan ayaa geel
laga soo qaaday. Haddii geel la qaado ninka dhacani xeelad,
xeer, iyo xoog kolba kuu kusoo celin karo ayuu ciirsan jiray.
Isla waqtiga warka dareenka lehi yimaado ayey barbaartu salabka
xaabsan jirtay buxuushtuna ergo degdeg ah diyaarin jirtay. Aw
Yuusuf Barre oo geel la qaaday ergo u ah waa kii lahaa:
·
Nin caddaaday caddaabkiiba,
waa lagala ceesaaye
·
Rag cirroobay baa nagu jiree,
geela noo celiya
Siddii dhaqanku ahaa odayaal
Isaaq Aadan ah ayaa ka daba yimid geelii si ay
tolnimo iyo wadahadal ugu dayaan in geela lagu soo celiyo dhiig
daata iyo gurbays isku madhana ay uga hortagaan.
Odayaashaa waxaa hormuud u ahaa Cilmi Guud-Cad, Xeef Ileey, iyo Caafi
Geeraar. Waxay jilib culustaasi la kulmeen dhiggood ka socday
dhinaca Reer Warfaa oo ay ka mid ahaayeen Warfaa Faarax Cadde, Reer
Ugaas, iyo Guraase Xaaji Cali, Reer Dalal.
Waxaan isleeyahay maqaawiirtaasi dhammaan waa uun aakhiro
sidaa daraadeed Allow u naxariiso inaan ugu duceeyo ayaa igu waajibay
mar haddaan magacaabay. Haddii cidi ka nooshahay naxariista noloshaba
way
ugu baahan yihiin.
Gar iyo xeer dheegasho ayuu
samo-kataliskii beeshu jilibka u laabtay. Geela aan celino oo
aan tolka ku kala hagoogano ayaa guurtidii ra'yiyeysay. Hase ahaatee wiil
dhalinyaro ah oo malaha rabay in dagaal lagu kala food qaado lana
odhan jiray Ina Mataan, Reer Xandule, Baha Magan, Reer Warfaa, ayaa
gabay tiriyey isagoo ku haasaawaya geela siduu usoo qaaday iyo sida
raggii maali jiray u hamraday iyo in cudud loo sheegto mooyee in aan si
kale farihiisa lagaga saari doonin. Barbaar geel soo dhacay oo
waligii maslaxo dhaafsay lama sheegin, Ina Mataanna barbaarta
xilliggaa ayuu
la mid ahaa. Inta naga soo gaadhay wuxuu yidhi:
·
Hashu waa hashaan ugu dhex tagay, Habar Saleebaane
·
Huurmood iyo yaraankoodba, waw hagar la’aayeene
·
Iskagama hadheen geela ay, qalab u haystaane
·
Kama
hawlyareysteene way, hidiin la’aayeene
·
Hurre Caliyo Xeef maalinbay, hirigta jiidhiine
·
Kol hadduu raggii Hira lahaa, hawdka uga yaacay
·
Qolti Hogol leh oo hays yar iyo, Madi horaad weyn leh
·
Anigaa helyeyoo hashaa, waanigii helaye
·
Horin iigu soo godol bagaan, Haybe soo dhacaye
Gabaygii Ina Mataan ayaa loo geeyey
Isaaq Aadan. War ninku caaqsanaa ama cadowsnaa iyo miyaan
dadku cashiiro wada dhalatay ahayn cidna isma weydiinin. Dadkii
digashada Ina Mataan maqlay ruux la yaabay wiilka iyo
haasaawihiisa toona ma jirin maxaa yeelay geela ayaa xilligaa ahaa
mid hadba ninkii u xoog bata xeradiisa ku jira. Ninkii muruq iyo
dhac ama dhaqaale iyo daryeel ku tanaadiya ayaa warkiisa
iyo weedhiisu wax ku ool ahaayeen, weeye iyo war muxuu yidhiduna gaar
u ahayd. Qofkii xilligaa joogay ee la yaaba geel la qaaday ninkarmeedkii qaadayna dumarkii ku dalaaqay inuusan maslaxo
dhaafsanaynin tuludda u ahaatay, laga-roone iyo damane aan waayaha
iyo xilligga lagu sugan yahay la qabsan karin ayuu u muuqan jiray.
Wuxuu xilligani la tilmaan
ahaa xilligii uu gabyaagii Carbeed lahaa hadalkii macnihiisu ahaa:
ninkii aan darkiisa hubkiisa ku difaacanin waa laga dumin, ninkii
aan dadka dulmiyinna waa la dulmiyaa. Wuxuu ahaa xilli
colaadi ku habsatay geyiga nimankan isu jawaabaya ay ku dhaqnaayeen.
Wuxuu ahaa xilli
ninkii muruq lihi maalo kii miskiin ahina midhaysto. Anoon waxba
ku dheeraanin sifaynta xilliggan, Guure Dulyar oo ahaa abwaan
gaamuray, jilibkiisana af-hayeen u ahaa ayaa kasoo jawaabay
tixdii Ina Mataan oo tiriyey gabay ay naga soo gaadhay:
·
Lix kun iyo lix deyrood ninkii, libin macaan haystay
·
Waxaad cadho la luudoo isagu, kibir la liicaaba
·
Mar unbuu adoo laaci kara, luqunta keenaaye
·
Intaan laabta kaaga degaan, kaa likayn warane
·
Waxba gabayga laanlaansiga ah, luuqda haw badanin
Gabaygii Guure la keen Qorraxeey
iyo degaanka Reer Warfaa, isna idhi ka jawaabe oo gabay kale ka
celiye iyadoon waliba yaa u jawaabi kara iyo hebel ha la raadiyo
midna aan lagu daahin gabyaaga xilligaa joogay oo faraha ka batay
awgeed.
Haddaba Guure Dulyar ma ahayn
kaliya nin gabayaa ah ee waxaa kale oo uu ahaa ammaanduule ciidan wuxuuna
ka dhabeeyey goodigiisii oo duullaan culus dumay. Duullaankii
ayuu kusoo mooraduugay geel iyo lo’ badan. Waxaa lo’da la socotay weyl
baadi ah oo bugta oo aad u ciyeysay. Guure oo aad u shanqadh
tiranayey rabayna inaan qardaftiis ah la maqal inta uu kala xerogalayo xoolaha ayaa amar ku bixiyey in weysha geed lagu tigtigo oo
laga reebo duulaankan sii dheelmadka ah.
Waraabaa cuniyee Guuroow
maxaad ka xidhaysaa ayaa raggiisii ku bushiyey? Dab ku ag shida si
dhurwaagu uga leexdo neefka una moodo in dad ka ag dhaw yahay ayuu
kusoo celiyey. Ciidankiisii u jajabnaa fulinta amarkiisana
siddaa ayey yeeleen. Weyshii markii ciidankii iyo ciddiiba ka
jaanqaaday, inay xidhan tahay oo aanay cago ku gaadhi karina is
hubsatay, mugdina jawigu yahay ayey ci aan kala joogsi
lahayn bilowday. Ileen weyl baadi ah ci waa caadkeede siddii
Cabdullaahi Dhoodaanba u sifeeyey isagoo xalka ummadda Soomaaliyeed
raadinaya:
·
Qeylaa willane yaa dadkii, waydan kaga yeedhshay
·
Siddii weylo baadi ah maxaa, kaga wadhaac siiyey
·
Waraabaha qarsoon yaa noqdayoon, ruux wajiga moodnay
Col Qoraxeey raacdo kasoo
galay oo guure ah maalkii lasoo dhacayna ku raad taagan ayaa
weyshii oo ciyeysa dabna agteeda ka baxayo xilli dambe kasoo dul
dhacay. Qamaame ayuu markiiba ooda soo jabiyey ninba ninkuu ka
gacan fududaa tabta iyo tabcada dagaalkana uga aqoon liitay. Col
isu gibilo weyn ayey Soomaalidu horay u tidhiyee kuwii duulaamada
ku caan baxay aqoontana u lahaa dagaal iyo camaladiisaba ayaa
qiyaastayda is weydiiyey: war maxaynu
yeelaa nimankii halkanay fadhiyaan iyo war u kaadiya aan xeel dagaal
xariiqnee! Mir iyo in xilligaa weerar la
galaa-bixiyo iyo in subixii waagu markuu soo iftiimo lagu kala baxo ayey midood ahaatey. Waxay talo ku ibo-beeshay in la
dul fadhiisto halkan la is yidhi xoollihii ayaa ku hoyday. Ilaalo iyo gaadh wada jira ayaa lagu wareejiyey si aan
fudho yar oo xataa neef qudhihi ka fakado loo helin.
Allaw yaan waaga waraabe la
tagin iyo waa baas waa baas wuxuu nin karmeedku ku guuxaba subixii
ayaa nin horaadkii u xiggay dhinicii colka lagu filayey tuhun galay oo is yidhi mindhaa
meesha cidiba ma joogo. Haddii waagii sii iftiimayna la arag in
dagaalku waa khudca e dabinkii sirta ahaa ee uu maleegay Guure
Dulyar, waa siday la ahaydee, badhtanka loo fadhiyo oo raacdo iyo
raadgooyo mooyee aan rugtan ruux nool iyo rammad dhaqaaqda midoodna
xalay
ku hoyan.
Guure Dulyar oo gurdan ah
libina ku geeraaraya ayaa la guri galay xoolihii uu soo qaaday. Nin
gabyaa ah oo libin intaa la eg midigaystay saw inuu gabay iyo
geeraar kolba kii la gudboon tiriyo uma ahaanin. Maxaadse ka
filaysaa markii uu maqlay in colkii birmadka ahaa oo haddii ay
habeenkii soo gudi lahaayeen halista galin lahaa,
ninkii u adkaada yeelkiisee ay weyshii uu ci da isaga
reebay xalay oo dhan dul kulaaxayey. Saw mar kale Guure uma ahaanin
inuu ku tiiqtiiqsado gabay faan, goodi, guul, iyo digasho isagu jira.
Sidaa unbuu yeelay wuxuuna tiriyey tixdan hoose oo yidhi:
-
Ogaadeenku
weys wada wargalin, wadar ahaantiise
-
Aadna waxaaba
loo sii wadwadi, weedha Baahale e
-
Subeer
waligii kaga weyn Bah Gari, wadhida ceebeede
-
Waqti horeey
waxoogaa dhufteen, geel wadeeca ahe
-
Kaanagii
wadiiqaha maryoo, wadato jeerkiiye
-
Hadduu Habar
Saleebaan wax dado, niman ma wiiqneene
-
War helkiyo
ilaaladu waxay, kugu wareegaanba
-
Walwaal baan
kasoo weerar tagay, amase Waa-Afdhuuge
-
Tunkii Qudhac
Walgaale een marriyo, bidixda weeraarta
-
Waa soo
dhawaadkii intaan, wagan biciid laynay
-
Markaan hilib
wadaagnee afyadan, laga waraab qaatay
-
Walwalkoo
dhaqaaqaan ka helay, waraqa Fool-Jeexe
-
Waraasilaha
wataan u xidhay, labigii weynaaye
-
Waataan ka
wiifsaday lo’diyo, geel walaalo ahe
-
Waa tii aan
kama waalinine, aayar soo wadaye
-
Waataan
walwaashee lahaa, wire isoo gaadhe
-
Waa tuu
wagdaalow ritigu, doobta waajilaye
-
Waatay
haraadee wardiday, waasac ololkiiye
-
Waatay
waliilkii nirguhu, wiida ku hayeene
-
Waataad nin
soo weyraxoo, dirira weydeene
-
Waatii
midkaan waabinaa, weecday oo hadhaye
-
Waatii adoo
wadhi la tagay, wahab ku saaraaye
-
Waatay wadada
Reer Ugaas, walashtamaayeene
-
Waatay Warfaa
iyo Colaad, webi u jiiteene
-
Wayshaan u
xidhay Reer Subeer, wiil u fura waaye
-
Wadhaadey
tidhaahdaba baqaad, wagac ka siiseene
-
Wadkii dili
lahaa moode iyo, waramahaygiiye
-
Alla maad
wadnaha joojisaan, Waaxid baa jira e
Waxaan qoraalkan kuugu soo
qadimay inay ka faa'iidaystaan kuwa khaldamay ee aqoondaradu u gaysay in
ay ku sheegaan qisadan iyo
gabayada la xidhiidhaba rag kale oo aan ahayn kuwaa sare ku xusan.
Waxaa kale oo aan idiin soo gaadhsiiyey qisadan in kuwa boolida
iyo xalaashu isugu midka tahay ay u noqoto hangool xaqiiqi ah oo
aad hanqalaalka kaga riixdo markii ay kugula soo daqaqamaan
sheekooyinka minguuriska ah ee marfashyada lagu qayilo lagu soo
malmaluuqay.
Qaarbaa ku odhan doona cajalad
hebel oo suugaanta aad u yaqaana duubay ayaan ku arkay gabay hebel (mid ka mid ah dhacdadan) oo uu ku sheegayo inuu tiriyey Hebel Fulaan.
Ma diidani in cajalado markii horeba ay ahayd inaan la
duubin ama la saxo midhaha ku duuban ay meel badan gaadheen,
ujeedadaydu waxaa weeye hebelkaa cajaladaa duubay iyo hebelo kale oo suugaanta Soomaaliyeed si indha la’aan ah u qardo-jeexday
ayaa buuxa. Waxaanu leenahay siddii Cabdullaahi Dhoodaan:
-
Dhuxdhux
laguma soo jiidi karo, buur dhadhaabo ahe
-
Dhul ka culus
wax hees lagu dhagriyo, dhaanis gabadheede
-
Dhayal
qoladii moodaayse, way kula dhanaanaane…
|