Home

Weerar Bulxan iyo Cali Oday

                                                            

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Insaanku kolkii uu muddo barwaaqo iyo badhaadhe ku jiro sanahaabo iyo kibir ayuu billaabaa.  Dawladdo iyo talisyo fac weyn oo xoog istaawiyey dabadeed khilaaf ka dhashay islaweyni iyo muruq-tuujin uu jilbaha dhulka ugu dhuftay ayaa ku badan waayaha caalamka. 

 

Sida taariikhdu nagu soo gaadhay, waxaa jirtay boqortooyo muddo dheer u arimin jirtay tol weynaha Soomaaliyeed ee Kuumade: Absame iyo Galimays.  Boqortooyadaasi is badbedel badan ayey soo martay.  Hoggaankeeda guud mar waxaa hayey Bartire, marna waxaa hayey Reer Sacad, markii dambena waxaa caynaanka u qabtay Bah Xawaadle, illaa ay ugu dambayntii filiqday una kala hadaftay saldanado yaryar. 

 

Kalajab kasta oo boqortooyadaa ku dhaca wuxuu sababi jiray murug badan, muruggaasina wuxuu keeni jiray in tololka boqortooyadaa hoos yimaada ay u qaybsamaan in boqorkii hore taageersan iyo in midkan ka faladhmay ayidsan.  Sidaasi markay dhaco ayuu  waayo-aragu ku talin jiray in wadajirka la ilaaliyo, tolkuna aanu kala ufoonin maxaa yeelay “kala lun kala lulashaa dhaanta” Taladaa fiican ee waayeelku soo jeediyey dhawr goor oo aan lamahadinin ayaa laga booday.   “Waayo-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday?”

 

Haddaba, xilli ka mid ah xilliggii Bah Xawaadle hormuudka boqortooyadaa ahayd ayaa waxaa la yidhi Abraahiin baa tashaday kuna heshiiyey inay dhisaan ama samaystaan suldaan iyaga gaar u ah.  Nin Cabdiraxmaan la odhan jiray ayey boqreen.  Xaruntii boqortooyada arintaa lagama jeclaysan.  Haddaba si khilaaf loogu dhextuuro loogana hortago suldaanka cusub ee Abriihiin doortay, waxay odayaashii boqortooyada bud-dhigaha u ahaa isku dayeen inay mid kale ka garab sharaxaan.  Waxay istuseen inuu ismaandhaaf dhici doono haddii ay Abraahiin kasoo baxaan labo suldaan oo garbo-siman ah, dabadeedna ay halkaa ku kala dhaqaaqi doonaan.    

 

Ninbay caano ku shubeen, gabadh u dhiseen, xoolona siiyeen.  Waxay ku yidhaahdeen suldaanimada Abraahiin adaa mudan ee kacoo tolkaa isku duborido, cudud iyo ciiddana waad naga heli.  Ninkaasi arintaa wuu la dhacay, isagoo fikirkaa qaba ayuuna carro Abraahiin u ambabaxay.  Oday waayo-arag ah ayaa tabtaa ay Bah Xawaadle isticmaashay ka gowsqabsaday kuna dooday inaan arintaasi labadaa nin wax khilaaf ah ku dhalinaynin, ayna isu tanaasuli doonaan.  Sidii odaygaasi ka digay, tabcadaasi ma shaqaynin oo ninkii loo dhisay, maalkana lagu bixiyey ayuu Abraahiin mood yidhi.  Dabeed, khilaafkii ay Bah Xawaadle ku waday inuu Abraahiin dhexdii ka curto wuxuu isu rogay mid iyaga iyo Abraahiin oo wadajira dhexmara. 

 

Halkaa mushkilo ayaa mudh kasoo tidhi, labadaa reerna waxaa dhexmaray dagaal ahli ah.  Waxaa haddaba fidnadaa gabayo ka tiriyey laba nin oo gabay loo qiray.  Waa Weerar Bulxan iyo Cali Oday.

 

Weerar ayaa ku horreeyey oo mariyey gabay digniin, faan iyo goodi wada socda ah.  Wuxuu ku faanay laandheeronimo, hub casri ah iyo degaan ballaadhan oo haddii dhinac colaadi ka dhacdo dhinacyo kale oo uu u ciirsado leh.  Cali Oday tolkiina tiro yaraan iyo inay dhul kooban ku dhaqan yihiin sidaa awgeed aanay xamili karin colaad degaankaa ka dillaacda ayey ugu muuqatay.  Wuxuu ku xidhay in illaa Aadan iyo Xaawo tallada Baahale iyaga uun ay ka go’i jirtay.  Wuxuu yidhi:   

  • Indhaawayd waa taan beneyday, baanisaha gabaye

  • Waataan ka baaliday tan iyo, bilo samoolaade

  • Bilcil waaban baan jiifi jiray, sida bakaylaade

  • Alleylehe bardoodan iyo gabay, iguma beegnayne

  • Baab waxaan u naqay Reer Xirsiga, bawda damin waayey

  • Baab kalena waa Ina Barwaaq, hal aan u beeyooday

  • Laba iyo toban hal oo wada ba’ ah, igaga buus qaado

  • Banka Faaf biyaha geel u dhaco, hilada baarjeexan

  • Bilcanta iyo barbaartiyo habraha, bidixda saydhaaya

  • Burburka iyo barwaaqada la cuni, badowga dhaydiisa

  • Iyo balaayo reeraha tas odhan, igaga buus qaado

  • Biyo-keenta Reer Faaraxee, baanka wada haysta

  • Boon iyo Warfaa iyo Xirsiga, Bih-ina-nuur oo dhan

  • Anigaa bukaartaba ka rogi, beesha Magan Guura

  • Bah Xawaadle kaliyey u dhigmiyee, igaga buus qaado

  • Bishaan Reer Magan waxaa u iman, boqol darmaanoode

  • Buuryada nin jaray oon lahayn, faras baroor ciida

  • Beeshaanu nahay laguma oga, nimaan baxdow hayne

  • Baadida lug kuma doonanee, igaga buusqaado

  • Boqol wali biyaha Aw Caliyoo, buuniyaal wada ah

  • Iyagoon bidhaantaada arag, budana ka yeeli

  • Balo aadan ogayn baa jirtee, igaga buus qaado

  • Berri hoose Boodhiyo Gidhays, Baato iyo Ceel Cad

  • Balli iyo Bur Geesoole iyo, Bohola Faafkooda

  • Bilcilliyo lafaha buuran iyo, Baarara agtiisa

  • Buqda Magan barkadahaan ku furay, Doollo beledkeeda

  • Intaasuu ku baahoo tolkay, buuxiyoo degaye

  • Adiguna barqaad fuli haddaad, beri aroortaaye

  • Faro baalis iilama ekide, igaga buus qaado

  • Dalka Eebbahaa igu basharay, tan iyo Boosaaso

  • Barbarkaan u boodaba arlada aanan, ka baydhaynin

  • Iyo bohosha aadan dhaafi karin, igaga buus qaado

  • Nin bah yari ma dego meel haddaan, lagu bariinayne

  • Bah Gasaalaada ku meersan iyo, baraha Reer Kooshin

  • Cabdillahan ka badan kuwaas, dhabarka kaa boobi

  • Meeshaad kusoo baqan jirteen, Ban iyo Ood Weyne

  • Berri inaan Burciyo Loy ku furi, igaga buusqaado

  • Nin baruur leh oo haad balxaday, waa bugtiyo ceebe

  • Dumar bilicle oo bacad ku yaal, kuma baxdootaane

  • Yaan baqalyo idin dhuunyanine, igaga buus qaado

  • Barnida tiirsan labadiina beyd, aqalladoo buuxa

  • Billadayaha iyo dhiisha iyo, bulayda reexaanta

  • Intaan baylah duul kale u helin, igaga buus qaado

  • Baashiga magaalada fadhiya, ee Berbera yaala

  • Isagaba naftaa loo baqee, lama bariiyeene

  • Wakaas billaawiyo warmiyo, buuray qalabkiiye

  • Hadday bilise shay habkaan, laga bukaareene

  • Anna baalad kaaga adkiyee, igaga buus qaado

  • Buntukhooley baanu nahay rasaas, baabah kaa dhigiye

  • Bir ma sidano oo qalabku waa, nin iyo baaruude

  • Banaadiikh dablaan kugu haligi, igaga buusqaado

  • Bis ma galo nin habartii ahayd, baal caddii hore e

  • Waxaan beegsanaa naaga go’ba, dhalasho buure??

  • Birtu waliba sii kala dhaddige, igaga buus qaado

  • Baab kalena waa Ina Barwaaq, hal aan u beeyooday

  • Burka xabaga maatidu dhirbay, baadhataa sabene

  • Anna waxa bil Alla dhashaba, ii bislaan jiraye

  • Afartii billood baa rag kale, baydi maashadaye

  • Bal ogaadaa biirtaan tufiyo, biixidaan jebiyo

  • Barkinkiyo barkimo qoortu wow, kala buseeshaaye

  • Bal ogaadaa biixuu noqdaa, baalal dheeruhuye

  • Haddii boqor nin lahaan jiray nin kale, beri u toogowdo

  • Bal ogaada baadiyo ninkeed, wow bidhaan arage

  • Meeshiyo billowgii halkiyo, beydkii Nabi Aadan

  • Baahilo Siciid boqorkanaga, yaw bud dhig ahaaye

  • Ma nagu beegsadaan labo iyo toban, nimaan bur loo saarin

Waxaa gabaygaa ka jawaabay Cali Oday.  Cali wuxuu tiriyey gabay ebhin, araare iyo waano isugu jira, wuxuuna ka digay cidhib-xumada ka dhalan karta dagaal labadaa qoys dhexmara.  Tiro yaraani inaanay haynin oo uu ku arooro Sacad Amuudaan, tol weyne ay wada dhasheen isna jecel yihiin inuu ciiddaa yahay ayuu isna ku dhaatay.     Wuxuu ku xidhay, haddii aad waanadayda dhag u jalaqsiin waydo, is keen sii wixii aad ka hesho ayaad leedahaye.  Wuxuu yidhi Cali Oday: 

 

  • Ogoobow Bah Xawaadle way, adur dhabaysaaye

  • Sidii Eebe aadmiga ayey, amar u sheegteene

  • Inaad ii ugaas tahay anoon, ku arin diidaynin

  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga

 

  • Sidii awr gugulo waayey baad, ii adaafiifine

  • Waxaad iga eryeysana ma oga, aan ajaal ahayne

  • Haddaad ul iyo qool ila dhacdood, eriso ruuxayga

  • Kol unbaan intaan oo idhaah, eebo soo ridane

  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga

 

  • Haddaad inana doontaan midaad, eegataan rariye

  • Agliil iyo waxaan kuugu dari, awro goolalehe

  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga

 

  • Idil caanaheed waxaa, aqalka kuu yaala

  • Iqliil gaban ah oo igu yarbaan, ubadka siistaaye

  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga

 

  • Abtirsiinyaday waxay gashaa, Sacad Amuudaane

  • Alfayn boqol ka badan wiilashuu, dhalay adeerkaye

  • Ilma adeer is jecel baanu nahay, anniyo Fooley e

  • Haddaan awrta Gacan Weyne lumin, waan aleegadiye

  • Allaa igu ogoo inaan qabin, faro aqliilkoode

  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga

 

  • Abbuu Jahal sidiisii haddaad, Eebbe garan waydo

  • Arinkii Namruud eeday baan, kugu arkaayaaye

  • Sabiyo nabaa laga helaa, abu jihaadkiiye

  • ….

  • Haddii kale na soo aada oo, kaalay naga iisha

 

Waa lays dilay, kolkaasuu Cali Oday gabaygii ku noqday oo uu tiriyey mid hor leh oo digasho ah.  Gabaygaa waxaa naga soo gaadhay: 

 

  • Garasho iyo Bah Dhuubaan lahayn, gocosho waayeele

  • Waana garab baannan yahay ninkii, gacal u haystaaye

  • Gashigayga adigoo qaboo, gelaya dhiigayga

  • Asaan diiday beesho go’diyo, geeri sii badata

  • Waxaad nagu galaysaan kolkuu, ruuxna garan waayey

 

  • Adoo goba anoo guna idaa, ma isla soo gaadhnay

  • Wuxuu gebi ku dumayaad tahee, mayla garan wayday

 

  • Geeridii Sanqoole Hurriyo, gabadhii Nuur Ciise

  • Iyo tii Garlawgubay dhacdiyo, hadalkii Geedlaawe

  • Dafar siduu u gaardiyey ama siduu, tol ugu goohaayey

  • Iyo gocashadii Faarax  Gaydh, dhaarta kaga gooyey

  • Galabtaa dabeed wixii ka dhacay, waad ku gubateene

 

  • Goobtaan islaynoo dhan waad, gebawaraydeene

  • Waxaa guna adoo lagu gambiyey, oo anaa gobahe

  • Ma haddaad gadhka i jiiddayood, nabad usoo guuxday

 

F.G.  Inkasta oo ay muuqato inay gabayadani isku qiso iyo wakhtiba yihiin, haddana ma sixi karo inay sidaa isugu xigeen.  Haddaba haddii aad gabayada iyo sheekadaba u hayso si ka duwan sida aan usoo gudbinay, fadlan nala soo xidhiidh.  Sidaa oo kale meerisyada qaarkood ma saxna ee soo sax.  mail@doollo.com

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.