Home

Suugaantan Qafaalan Qaabkee loo soo Dhiciyaa?  

                                                                                  

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xasan Maxamed Ibraahim
 

Suugaantu waa kayd maguuraan ah oo lagu xafido dhaqanka iyo taariikhda umadi leedahay, lagana dheehan karo waxa ay aaminsantahay, waxa qiima la leh iyo waliba fikradda ay ka haysto nolosha.  Tusaale ahaan: sugaanta Carabtii Islaamnimada ka horreysay lama mid aha middii Islaamnimada ka danbaysay.  Shucuubta kala dhaqanka iyo aaminaadda duwanna isku suugaan ma aha, kuwa dabka caabuda suugaan u gaar ah ayey leeyihiin, kuwa lo'da caabudana waa sidaa si la’eg, kuwa ragga iyo dumarku isku siidayska yihiin waxay leyihiin suugaan noocaas ah oo u qalanta, dadka fayow ee Rabbi iyo Rasuul rumaysanna waxay leeyihiin suugaan edab leh oo u kali ah.

 

Haddaba hadii la arko ummad ay is dhinac mareen suugaanteedii iyo dhaqankeedii waxaa loo fasiri karaa in suugaantu soo doolisay dhaqamo ummado kale sidaas darteed ayna ahayn mid dhab ahaan ka tarjumi karta dadka ay afkooda ku hadlayso. Haddiiba suugaanta oo dhami is dhalan rogto oo markii geel loo heeso ay gorayo u heesto, oo heesta Xamar laga tiriyey ay noqoto mid Baariis ku haboon waa xaajo adag oo u baahan in ummaddu gorfayso oo la is weydiiyo muxuu yahay hulunbaha suugaanta soo dhaxgalay? Yuusa yahay colka qaaday iyo walafka la tagay? Suugaantu haddii ay sidaas u daw-dhaaftana waxaa loo aqoonsadaa suugaan qafaal ama afduub ku jirta oo afka ummadda ku hadasha laakiin dhab ahaan dadkale u hadasha oo u baahan furdaamin.

 

Haddaba suugaanta Soomaalidu maanta ma tahay mid tabisa dhaqanka toosan ee bulshadu leedahay mise waa dameeri dhaan raacday oo qolada calanka u siddaa way la fakadeen waxayna ula galeen gaalo iyo umado kale? Haddii si kale loo dhahana suugaanta Soomaalidu ma xor baa mise way qafaalantahay?

 

Haddii aan dib u eegno taariikh suugaaneedkii ummadda xilligii ay xorta ahayd waxaa inoo soo baxaya inay in badan midda maanta ka duwantahay xagga waxa ay ka hadlayso iyo dadka ka qayb qaadanaya intaba:

Bulsho Weynta oo dhami kaalin bay ku lahayd suugaanta rag iyo dumarbana waa la tirin jiray gabay, geeraar, jiifto iyo qaybaha kale ee maansadaba mana jirin dad ay u xayirantahay oo kaligood inta kale ka sheema.  Waxaad arkaysaa culimadii oo wacdaro ka dhigaysa, ugaasyadii iyo salaadiintii oo door ka ciyaaraysa qaybaha kale ee dadkuna sidaasoo kalay ahaayeen maantase waxaa muuqata in dad badan darkii laga xigsaday oo ay jirto qolo isku gadaantay oo budh la hortaagan oo aan u ogolayn in cid kale soo faragaliso.  Haddii suugaanba la soo hadal qaado iyagaa u taagan.

 

Suugaantu xilligii ay xorta ahayd wax walbaa laga hadli jiray aakhiro iyo adduun; ciidamadaa lagu aloosi jiray, colaaddaa lagu damin jiray, cilmigaa lagu soo bandhigi jiray, qof mudan baa loogu madiixi jiray, ama halyay geeriyooday baa loogu baroordiiqi jiray.  Waa lagu haasaawi jiray, halxidhaale iyo xujaa laga dhigi jiray, madadaalo iyo maad bay noqon jirtay, waa lagu garnaqsan jiray, waano iyo wax sheeg baa loo adeegsan jiray,  dhaqanka habboon baa lagu soo bandhigi jiray, midka xunna waa lagu liidi jiray.  Waa lagu faani jiray oo la isugu tookhi jiray, wixii dhaca ayaa lagu diiwaan galin jiray, wixii soo kordhana waa lagaga hadli jiray.  Mararna ummadaha kale ayaa hadal la taaran jiray sida dunida wax u socdaanna waa lagu eegi jiray, badda iyo barrigaba waa lagaga hadli jiray, cirka dhulka iyo saadaasha hawadana waa lagu tilaami jiray. Isku soo wada duuboo ujeedooyin badan baa lagu gudan jiray oo kala jaad ah haddii aan isku dayo inaan tusaalayaal ka keenana maqaalkaa igu dheeraanaya.

 

Bal haddaba maanta suugaanta jirtaa sidaas ma u baahsantahay mise hal meel bay udubka mudatay?  Waxay ila tahay inay marag madoonta tahay inay ku ag wareegto wax jacayl la yidhaahdo oo sida badanba ay ka hadasho nin ama naag tawaawacaysa oo jacayl la il xun ama tawsi laabta kaga taal.  Lama yaabeen haddii arrintaasi  ku koobantahay sannad ama labo oo waxaan is odhan lahaa bal ha loo sugo qoladan caddibani inta ay ka xaraara goynayso, mar ha isu deexdeene marna ha isu cawdeen, mar ha isla miraadeen marna ha muusanaabeen.  Kololna ha marqaameen, mar boholyow ha isu sheegeen marna caloolyow, marar baaxad sooraha iyo badwaynta ay ku dheceen ha soo hadal qaadeen, marna qaylada cirka ha u qaadeen, marna hoos ha u dhigeen mar haysla hirmeceeen marna ha hiimhiimsadeen. 

 

Laakiin waxaa arrintani ku sii dhawdahay hal qarni walina halkii bay xaajadu tubantahay qolodii jirrabnaydna wareer unbay ka sii qaadday suugaantiina xidh cidla ah bay la gashay oo dara-budhle iyo luqun jibbaadh bay ku jeerarisay jacayl kaliya unbayna ku sandullaysay dadkii kalena haad way u bixin wayday.  Iyada oo la ogsoonyahay in sidaas qaawan jacayl looga hadlo inay suugaanta Soomaalida bidco ku tahay maxaa yeelay horay loogama hayn suuganyahanka Soomaaliyeed isaga oo dumar soo hadal qaaday aan ahayn xaaskiisa oo uu hoga-tusaalaynayo ama ku ammaanayo sifooyin wanaagsan oo ay leedahay.  Waxaa intaas raaci jiray inuu si kooban uga hadlo  qof dumar ah oo uu guur ka damacsanyahay, dumarka iyaga jaa'ifayba ahayd in la arko haweeneey afka kala taakinaysa oo nin islaameed ku leh waan ku jeclahay ama wadnahaa i babanaya oo laabtaad ii fadhidaa!  Haddiiba ay dhacdana wax laga samray bay ahayd bahdeedna ma hadhay ku noqon jirtay.

 

Haddaba mar haddii suugaantii u gacan gashay qolo jacayl uun ku gaardisiinaysa dadka kalena girgirka u dhigaysa soo dhab ma aha inay qafaalantahay?

 

Yaa Suugaanta Qafaalay?

 

Haddii aan hubsaday in suugaantu qafaalantahay oo aan raad goyn ugu dhaqaaqay cidda qafaalkan gaysatay waxaan soo helay in shirqoolka afduubkan ay maleegeen niman isbariyeeyayaal ah (Mustashriqiin) oo ay ka mid yihiin I. M. Lewis iyo Andarawiski (Andrzejewski) waxaana ka qeyb qaatay dablay aan tiro badnayn oo ay ka mid yihiin:

 

1)        Koox haween ah oo tannaagada samada ku tola oo aad u uubateeya in jacayl dardrayna aad ugu heesa, markii la waraystana mid waliba waxay ka hadashaa inta oodood ee ay soo jabisay iyo in reerohoodu dayriyeen oo lagala quustay inay xishooto.

 

2)        Koox niman ah oo ka dhax qalaada oo uu Cabdullaahi Dhoodaan ku yidhi: “Kuwa dookha Ina Ciise lee, dumarada u heesa” oo iyaguna la hidiwaaleeya jacaylka oo aan laftoodu qaylo yarayn, haddii la raad raacana mid waliba uu sheego inuu tacliintii ka saaqiday oo loogu taagwaayey inuu dantii garto.

 

 

3)        Niman been-hawaasyo ah oo malmaluuqa wax riwaayad la yidhaahdo oo sida badan ku jaangooya nin iyo naag is jeclaaday oo dhib iyo rafaad qabsaday oo wareega caddaynaya.  Dadka qaar ayaa mooda inay wax intaas dhaafsiisan ka hadlaan ama wax sarbeebayaan oo ay mucaaradnimo ama xaajo kale wataan.  Laakiin haddii loo dhabba galo oo guntigooda la baadho wax aan ahayn jacaylkaas waydda ahi kuma jiraan haddii aynaan qaadanin madhabka Sooseero ee qaba in qofka hadalkiisa laga fahmi karo wax uusan ula jeedin.  Anigase arrinkaase is yeel yeel buu ila yahay haddii la rumaystana sanku neefloo idili ismaba af garteen haa iyo mayana isku macnay noqon lahaayeen.  Inayna nimanku hadalkooda waxba ku hoos qarinayninna waxaa u daliil ah inay ahayeen kuwa aadka ugu salliya kolba ninkii xukunka haysta aad bayna ugu tirtirsiin jireen inuusan marna kursiga ka dagin.

 

4)        Niman kale oo sheekabaralayda qora oo iyaguna aad uga sheekeeya qisadii Maanafaay iyo jacaylkii helay iyo wacdarihii caashaqii Habar Kuulay ama Xiddigtii is Xujaysay, oo qalin iyo warqado badan isku dhammeeyay hadal badan oo  aan dux lahaynna soo daabaca.

 

Muxuu Yahay Qalabka loo Adeegsaday Qafaalka Suugaanta?

 

Colka afduubkan gaystay waxay ku hubaysanyihiin qalab la yidhaahdo muustiko oo ka kooban:

 

-  Bahal Garrida u eg oo dhawaaq dheer

-  Durbaan awlax ah oo ay ila noqotay inuu ka waynyahay midka habraha saarku tuntaan

-  Waxyaabo gurxama oo reema oo malahayga lugta iyo gacanta lagu garaaco

-  Birqalax fara badan iyo waxyaabo lagu tumo oo isla jalamleeya

 

Qalabkaas badankiisuna wuxuu dhulka ku soo fatahay wixii ka dambeeyay 1935kii sidaasna waxaa ii sheegay alle ha u naxariistee aw Daahir Afqarshe.

 

Intee la Egyahay Dhibka uu Keenay Qafaalkani?

 

Qolada suugaanta qafaalatay  dhibaatooyin iyo dacdarro badan ayey dadka iyo suugaantaba u gaysteen waxaana ka mid ah:

 

-  Waxay bi'iyeen dhaqankii  oo waxaa lumay xishoodkii iyo asturnaantii, dhulkiina waxaa ku  faafay 

    aafooyin badan oo gaaladu qabtay dhaqan ahaan

 

-  Waxaa gudhay togag badan oo suugaanta u irmaanaa waxaan jacayl iyo caashuq digaaga ahaynna waa la

    awday

 

-  Dad badan oo suugaanta murti iyo maahmaaho wax ku ool ah ku soo kordhin lahaa ayaa irridkiiba laga

   didhay oo la takooray dad badanna waxay isu quudhi waayeen inay qoladan gagabsan ee caashaqu

   madaxmaray wax la wadaagaan sidaasna waxay suugaantu ku wayday murti badan oo qiimo leh

 

Afkii baa lumay murti iyo xikhmad iskaba daaye.  Da'yartii garaadsatay suugaanta oo afduuban afkoodii

    hooyo badankiisii maba garanayaan, waliba haddii ay sidan ku sii socoto tarjumaanno ayaaba loo baahan

    doonaa.

 

Afduubayaashiina waxaan filayaa inayba oodan la gashay oo meel ay u dhaqaajiyaan garan la'yihiin, waliba waxaa la ii sheegay in ninka Maykal (Michael Jackson) la yidhaahdo ee ugu caansan qolooyinka durbaansada afduubayaashuna ka shidaal qaataan waxa uu ku heesaa ay u badanyihiin cay iyo aflagaaddo afduubayaashana waxay ila tahay hadda waxaan caraatankaas ahayni uma dhimmana.

 

Waxaa meesha ka baxay gabaygii oo ahaa midka ugu muhiimsan suugaanta ay Soomaalidu ku faanto waxaana dunidii saabtay hees wax la yidhaahdo oo aan waagii hore shirkaba lala iman jirin.

 

Gabayga ama eray suugaaneedka kale ee abwaan soo bandhigo wuxuu ahaan jiray dareen run ah oo laabtiisa ka soo hooray haddase xaajadii waxay isu baddashay been abuur (foojari) nin waliba intuu laba sadar khasab ku qoro uu muusikana dabada u qabto ayuu yidhaahdaa iga daba jiibiya, sidaasna waxaa ku lumay kalsoonidii suugaantu bulshada ka haysatay waxaana loo arkay wakhti lumis aan wax macna ah xanbarsanayn.

 

Qaabkee loo soo Dhiciyaa Suugaanta Qafaalan?

 

Mar haddii ay hubaal noqotay in suugaantu qafaalantahay oo ay waliba garba- duubantahay waxaan shaki ku jirin in soo furashadeedu hawl u baahantahay iyo waliba hub iyo ciidan waxaana soo jeedinayaa qaababkan soo socda:

 

1. Ugu horreyntii waa in la dumaa ciidan birmad ah oo ka kooban culimo suugaanyahan isugu jira, curiyayaaal, iyo qorayaal iyo wax garad kale oo badan oo ku hubaysan dhaqan iyo suuugaan toosan oo si wada jir ah bursaynta u saara budhcadda afduubka gaysatay.  Waliba waxaan ku talin lahaa in horseedku haddaba tacshiiradda sii billaabo geeddankuna is uruursado goobaha Internetkana iska diiwaan galiyaan ama meeshii kalee dad miyir qaba ku kulansanyahay.   Halkaliyaaluhu meeshiisa ha kaga hirgiso afduubayaashana yaan laga hadhin ilaa ay is dhiibaan oo ay afxumada iyo dhaqan dilka jooyiyaan waliba waa inay si badheeh ah uga tawbad keenaan suugaantii ay marjiyeen. Shan ka roortiina waa anigaa riday qac qub.

 

2. Dadka faldanbiyeedkan faraha kula jira waa rag iyo dumar ibtiloobay talaabada koobaad waa in iyaga la kala kexeeyo oo fiin firidhay laga dhigo ka dibna dumarka dadkii dhalay waa in la yidhaahdaa cesheda oo adiyaddooda dadka ka xaslada.  Iyagana waa in lagu dhahaa dabliqa Illaahannee yulqanka joojiya oo tarsigiinna ku ekaada, raggana waa in la dhahaa yaahuu afka wadhaf idinkaga dhacye sooyaanta daaya oo sannahaabada aayara.  Waxay ila tahay haddii ay Illaahay ka baqi waayaan in arrintaasiba keeni doonto inay nafta la cararaan markii la dhabannaaniyo oo tummaatidu ku xidhato. 

 

3. Giraamaha (cajaladaha) ay hurgumada iyo waabayda ka buuxiyeen middii la arkaba waa in Qur’aan lagu boobaa ama duruus wax ku ool ah iyo gabay lagu hubsadaa, Inshaa Allaahu way gudhahayaan, sida gal miireede. Taariikh ahaanna intaan ogahay waxaa jidkaa furay Sulfa magicii ha jiree oo ah nin Soomaaliyeed oo sharaf leh oo ka soo hadhay qoladan suugaanta qafaalatay.

 

4. Idaacadaha caadaystay inay faafiyaan suugaanta boolida ah waa inaan ooddaba laga rogin ninkii ay irbaddu kaga dhacdo isagoo wareejinayana ha ka istaaqfurulaysto dibna yaanu ugu noqon, kuwii ka tawbad keenana waa in Qur’aan lagu cugo iyo gabay qiima leh si danaanigii ay dhagaha ku reebeen laydha loo raaciyo. 

 

5. Aaladaha jaan ee muustikada ah wixii alwaax ka soo jeeda dabka ha lagu shito, bir qalaxdana alqaban iyo bir canjeero miidhan halaga dhigto, wixii caag ahna carruurtu ha ku ciyaarto inta ay ka burburayaan, wixi harag ahna tooriyaha gal ha looga dhigto.  Haddaad is odhan lahayd xukunkani waa mid qallafsan ogosoonow inuu yahay midka ugu dabcsan ee lagu qaadi karo qalab danbiyeedkan si aad u hubsatana bal culimada weydii.

 

Dhammaad

   

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M. C .Dage| Qamaan| M. C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.