Home

Cabdullaahi Badel Cabdi Qamaan

                                                                          Hagardaamo mooye Hartiyow kaama sugo hiile

Ha is Raacdo
Galaal Xoor
Shugri
Quduro
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Huurso meel la yidhaahdo oo Itoobiya ku taal ayey dawladda dhexe ee Itoobiya shir ugu qabatay qawmiyadaha kala duwan ee dalkaa ku dhaqan.  Soomaalida oo ka mid ah qowmiyadahaas ayaa shirkii ku tagtay tafaraaruq iyo kala daadsanaan. Gabayaagu tafaraaruqaa Soomalida lagu ibtiliyeey ayuu ka xun yahay, beelbeeshana wuu ka horjeedaa.  Wuxuu si gaar ah u dhaliilayaa rag ay hayb wadaagaan oo uu hiil, garabgal iyo midow ka sugayey asii kala aguugay, cadow heeryadii cune ah iyo shisheeye nacab ahna dabadhilif u noqday.  Wuxuu ku billaabay: 

  • Hagardaamo mooyee Hartiyow, kaama suga hiile
  • Wuu kugu habsaama, ninkii kaa isku halayne
  • Halla uma taraysaan, kolkay col is hujuumaane
  • Wuxuu hooda leeyahay, hadduu kaa ammaan helo e
  • Halkudhegidda ceebaha tolkaa, yaad heli taqaanaane
  • Huqdi waa u meel ool, nimaad hilib wadaagtaane
  • Laakiin intaad horukacdaan, ma hinqanaysaane
  • Hareertaad jirtaan baylah baa, haw kasoo tidhiye
  • Halgan baa socda oo ciidan, waa la isku haystaaye
  • Heer waliba kii kale, inuu hororo mooyaane
  • Nabad looma soo hoyan carriga, tan iyo Haabiile
  • Adna hoygii laynagu dhalay, yaad ka harjadaysaaye
  • Waligay hal tuulana ma maqal, meel aad hanateene
  • Dadkii wuu hayaamaye, maxaa xeebta kugu haysta?
  • Intaadse aniga igu hawlan tahay, eed i hadal  hayso
  • Haaraanka beenta ah intaad, igu halgaadayso
  • Ogaadeen habdoole iyo intaad, habad ku sheegayso
  • Cali Dhuux halbuu yidhi, intaad higiro moodayso
  • Haddaad heerin weyn tahay, maxaad hawl ah ood qabatay?
  • Wixii hore aan kaba soo hadhoo, haayidii dhiga e
  • Hadda Habar-Dugaageed, sideed Huurso ugu raacday?
  • Intuu kuu hogaansaday siduu, hilibka kuu siiyey?
  • Hoomaaq  la ii qoday sideed, hog ula saynsaabtay?
  • Ma halmaantay Iidoor siduu, hanaqa kuu gooyey?
  • Hindisa sideed ugu darteen, hiilka Gadabuursay?
  • Heshiiskii aad la gaadheen Gurgure, yaa isu kiin heegay?
  • Sowdigii hordhalad baan ihiyo, hanadka ii sheegtay!
  • Halkay aaday boqortooyadii, laydin yidhi hooya?
  • Ma wax idinku haystaa jirood, hawl la qaban weydo?
  • Inaad hanatid soo kuma wacnayn, ood hormuud noqoto?
  • Maxaa hoos-ka-tuurka iyo xinkiyo, hagaga baas keenay?
  • Sidii magacan laydiinku huray, uma hagmaysaane
  • Hayinna kuma wanaagsana inuu, heeryo diid yahaye
  • Ma horqaada geediga ritigii, aan hogaan barane
  • Idinkana habdhaqankiinu, waa mid aan haboonayne
  • Hayalsami inaad yeelataan, la hubsan doonaaye
  • Hadalna lagaga maahmaah, abuur waano ka horeeye
  • Ruuxii hurdeed toosisaa, waysla hebelkiiye
  • Qof hadduu habaabo oo lumo, oo hero deydayayo
  • Halkuu aaday gurigoodii baa, ula haboonaaye
  • Bal agow hadduu hubo, cidlada uma hadaafeene
  • Hartiyowda magacaa iga maray, haybta guudnimo e
  • Inta kale hujuunkoodu waa, iaga hadhaayaaye
  • Hawaadee ujeedadana waa, laysla helayaaye
  • Habarwaa tolkood kagama baxo, hawl la qeybsadaye
  • Warsangalina maan helin, waxay naga haleeyeene
  • Walibana hanaan gobonimiyo, haybad lagu sheegye
  • Dashiishana intuu hiiliyaa, hilibku diiraaye
  • Majeerteen hareertaad jirtaa, layga haadsadaye
  • Hanbalaalaqsanideenu waa, hohee daraadaaye
  • Mana waydaan waxaad harawsato, oon kuu aqoon horaye
  • Anna waanigii kaa hanjabay, kaana haajiraye
  • Laakiin hawadintiinu waa, noo hurti la’aane
  • Hurgumo iyo calool-sumo inay, heerka kala gaadho
  • Anigoo raggaan la hadlayow, hiiftan ula jeedin
  • Haansaabka gabaygaygu waa, inaan hagaagnaaye
  • Heshiis daacad ah oo waxaan rabaa, aan ku hiranaaye
  • Waxaan u hanqal taagaa midnimo, loo hogaansado e
  • Lamaba hubase laakiin inaan, idin helaynaaye
  • Ninkastoo idiin habar-wacda, oo gacan idiin haadsha      
  •  Hinjijiirsan maysaan intaa, hagaro beeshaane
  • Arintiinu waa ‘ha iyo alif’, miim la hoos dhigaye
  • Arintiinu waa ‘ha iyo alif’, maya ku hoostaale
  • Hadal iyo dhamaantii runbaan, idin hiraabsiine
  • Gacal heelan baan ahay, ma qabo hiijo godobeede
  • Haansaabka dulucdeeduna, waa hooya kaalaya e
  • Haah iyo haddii aydaan haye, iyo odhanin hawraarsan
  • Oydaan habsami weyn u qaban, hawsha dhiniciina
  • Ama aynaan hanaan lagu qanco, iyo hadaf cad noo sheegin
  • Yeynaan is haaraaman waan, kala hadhaynaaye
  • Anna maalintaan libinta helo, een hantiyo guusha
  • Walee Hebel Saleebaan danbow, kulama haasaawo

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.