Home

Yuusuf Colaad

                                                              Dood Waayeel

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry  

Gabaygii 1aad ee Yuusuf Colaad

  • Da'da gabayga waayadan ma rabin, inaan ku daalaaye
  • Dahrigayga waataan ka xidhay, toban diraacoode
  • Hadba aniga oo daayey yaa, la i danqaabaaye
  • Daandaansigaan nacebnahee, dad uma sheegeene
  • Aan daleeyo caawana ragbaa, diiday nabadiiye
  •  
  • Caliyoow danbiga aad gashiyo, gabayadaad duubtay
  • Soomaalidaad damacsan tahay, kala dareerkeeda
  • Dabkaad hurisay, dogobkaad shidiyo, damaladaad oogtay
  • Saabkaad diddada haysato iyo, dibin qaniinkaaga
  • Inaad dano ku gaadho iyo inay, kaaga dari doonto
  • Dib uga fiirso xaajada badhbaa, dowyo kaa rida e
  •  
  • Afartaa da'da iyo woowga iyo, deel ma ka higaadshay
  • Ragbaa ararta kala daadiyee, ma idin deeqsiiyey
  • Doodii abwaanadii horiyo, darajo waayeel dheh
  • Diin iyo qur'aan waxaan ahayn, mid ugu duug roond heh
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  •  
  • Soomali oo wada dagtay, ooy dani walaalaysay
  • Oo calanka daawaysatoo, dow kuwada joogta
  • Oo aan dagaal iyo dhac iyo, dil iyo qaad joogin
  • Oo dalalka qaarkii maqnaa, wadar u doonaysa
  • Ninka diidanoow waa layaab, taa damaaciday e
  • Isticmaarku siduu doonayey, yaad dabada haysaane
  • Nin gumaysi soo diray Ilaah, darajadayn waaye
  • Dulli buu ku riddi Eebahay, labada daarood ba
  • Dawladnimadu say tahay kolley, waa mid kaa dadane
  • Darmadiina waaguu ku rogay, ducaducaynaayey
  • Dacaskiyo duliga aad qabtiyo, diifta kugu tiilay
  • Iyo dabaqadaad saaran tahay, darajadaad gaadhay
  • Durba waad iloowdaye nabsigu, waa kusoo dayiye
  •  
  • Danta iyo haddaan nolosha guud, dib ugu soo laabmo
  • Dadku waa ogyahay gobol walba, suu u doogsadaye
  • Danbarkeeda maandeeq adaa, maalay darartiiye
  • Dibjirna waa ilaashaa ku qada, dibadihiisaaye
  • Dubai iyo Sucuudiga intaad, dollarka eryeysay
  • Waagii dilaacaba ragbaa, cadowgu dooxaaye
  • Dalkana xoolihiisii adaaba, dayn ku dhoofsada e
  • Dukaamada iyo baabuurta iyo, daarihiyo fooqa
  • Siisoowga kuusoo dagaba, dowladaan helina
  •  
  • Dubad Hiirad gabayguu ku yidhi, boqorkii deel-qaafay
  • Haddii doobke buuxsamo inuu, daato wow halise
  • Maantana sidaad damacsan tahay, yaa kasii daran e
  • Wiilyahoow ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
  •  
  • Afartaa da'da iyo woowga iyo, deel ma ka higaadshay
  • Ragbaa ararta kala daadiyee, ma idin deeqsiiyey
  • Doodii abwaanadii horiyo, darajo waayeel dheh
  • Diin iyo qur'aan waxaan ahayn, mid ugu duug roon dheh
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  •  
  • Waagii dad-weynuhu kacay, iyo doonistii calanka
  • Afartii kacaan ee dalka, ee is daba joogay
  • Dadkii lumay, wixii duni burburay, amase dhiig daatay
  • Dubkay adag haddii aadan u hadlayn, ama is daaxuuri
  • Dagaalada halkaad kaga jirteen, maad dadka u sheegtid?
  •  
  • Inta kalaba daayoo halkaan, aad dad ugu faanayso
  • Adigoo Riseef baa la dagay, dunida gaadhsiiyey
  • Doolaab cad adigoo xidhiyo, dun iyo weerkeeda
  • Nimanbaa Ilaahay u diray, dawladihii Yurub e
  • Dagta calanka Biixigii ku siday, waad la dirirteene
  • Shirkii dooxan lagu qaatay, ee la is difaacaayey
  • Yeydiin dirsaday waadigii, dooda ku lahaaye
  •  
  • Lixdan sano dib noo dhiga kuwii, doonayaad tahaye
  • Maantana diyaar waxaad u tihiin, saad u dumisaane
  • Allaaba waa difaac aad gasho, iyo dirirtii maandeeq e
  • Dabar iyo lug gooyaad ku tahay, daa'inkaa abade
  • Wiilyahoow ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  •  
  • Daleel lagama faano iyo af aan, daacad ku hadlayne
  • Ma duugoowdo taariikhdu way, kala dambaysaaye
  • Dagaaladii sokeeyaha baryahaay, dooxatadu joogtay
  • Dakanadayda way wada qabeen, kaama diidaniye
  • Daarood anaa bari lahaa, waa danbiyo been e!
  •  
  • Dilaal iyo malaal baa ku tagay, kuuma diidaniye
  • Ingiriis adoo daba socdoo, diriray mooyaane
  • Duulaankii Mudug baan ku galay, waa danbiyo been e!
  •  
  • Daaqado dharaan iibi jiray, kuuma diidaniye
  • Annaase duni soo qaadi jiray, waa danbiyo been e!
  •  
  • Kolkii darawihiye sanguhu, duca-ducaynaayey
  • Gabagabada deyrka leh markay, deex ka ololaydsay
  • Lafa-Ruug raggii kugu daldalay, how durbaan tumin e
  • Da'adii uu ku rimay inuu ku dhalay, taa ma diidanide
  • Daaduunka waadigii ku tagay, dowladihii Yurub e
  • Dibadihiyo niman baa ku baday, duud xamaalkaba e
  • Waarhooy  ducaysoo nimcadan, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan ibleys, dowyo kaa ridine
  •  
  • Indha-Badane deeq looma bixin, doolna ma ahayne
  • Dablaydii iyo faraskii la tagay, waa dulkii waliye
  • Digadiisa geedaha ka baxay, waa dagaan idil e
  • Dudadiina geel laguma arag, waagii dabadeed e
  • Waxaad Digile beerta ugu qodi, duunyo li'ideede
  • Waarhooy  ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
  •  
  • Afartaana da'da iyo woowga iyo deel, ma ka higaadshay
  • Ragbaa ararta kala daadiyee, ma idin deeqsiiyey
  • Doodii abwaanadii horiyo, darajo waayeel dheh
  • Diin iyo qur'aan waxaan ahayn, mid ugu duug roond heh
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  •  
  • Taariikhda kaa dadan haddaan, daaqad ka iftiinsho
  • Mareexaan dad wow talin jiriyee, da'imaad tahaye
  • Waa dacar khadhaadh nimankanaad, dooro lee dahay e
  • Nina kuma degdego uumiyaha, Dir iyo Darood e
  • Diricii ka kacay yuu nafluhu, daba galaayaaye
  • Axmed Guray dagaaladuu dhigiyo, dakharaduu gaystay
  • Ninkii Adari gaalada ka diray, idinka diimoone
  • Waa sugada diimood taxnayd, tan iyo Darood e??
  •  
  • Dumarkaa hinaasee nin rag ah, docosho wow ceebe
  • Haddii hadalku kaa daaran yahay, madaxnimaan dooni
  • Ninba maalinbaa lagu dayaa, laguna daayaaye
  • Waadigii dilaalyahoow ka gaday, janankii Diigoole
  • Dibna inaan laguu aaminayn, gali dubaaqaaqa
  •  
  • Dhoodaan Duquu la hadlayey iyo, wuxuu dareemaayey
  • Dana sheegadkoodii adoon, lagu dubaaqaynin
  • Bal inaad Doxore waalan tahay, waxaa daliilkeed ah
  • Meel aan laguu diranin yaad, soo dafleedahaye
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  •  
  • Duqaa iyo dadkaad cayday baan, dood yar kaa odhanne
  • Dal ma helo hogaan dabacsanoo, jecel dadkiisiiye
  • Duulse hadduu habaar qabo xaqaa, laga daboolaaye
  • Dariiqii iblaysku u qorray yaa, dow ka dhaadhicine
  • Daryeelkiyo wanaagaba xumahay, kaga dawoobaane
  • Madaxweyne daacad ah haddii, Daayin idin siiyey
  • Af-lagaado inaad soo dirtaan, ma aha dow giine
  • Balse laguma diimiyo ninkii diinta aaminaye??
  • Dabadhilifka raaciyo Amxaar, yuu la diriraaye
  • Waxay dab iyo baasiin yihiin, Doora-Weynaha e
  •  
  • Dalka sidduu u galay waa og yahay, ruux damiir lihuye
  • Dabaabadiyo wuxuu ciidan dhigay, Ruushba dayi waaye
  • Bangidii deyrka loo xidhay haddaa, dahab ka buuxaaye
  • Dugsiyadu halkay marahayaan, hoos u maad dayinne
  • Dariiq iyo wuxuu laami furay, waa mid kaa dadane
  • Dalxiis baaba loo tagahayaa, buulashii dumaye
  •  
  • Danlaydiyo shaqalihii yaraa, dabaqaduu gaadhay
  • Dayaaxaaba lagu sii socdiyo, dagitinkiisiiye
  • Doc-wereenka adigaa dhigaye, lagama daaheene
  • Dikadaha iyo beeraha maxaa, dabaqa kaa saaray
  • Dam hadday indhuhu kaa yihiin, daawo maad gadatid
  • Dib u tiri warshadihii, cidlaa dagafsanaysaaye
  •  
  • Dadaal iyo kartiyo geesinimo, loo dawaan galiye
  • Muruq dumay, gacan doobir leh, yey daawataa Yurub e
  • Delefeeshinay soo sidaan, dowlado Carbeede
  • Way dabaal degeen Washington, deeqna loo fidiye
  • Intuu dunnida saaxiib la yahay, SONA maad dalabtid?
  •  
  • Waxba hadalku yuu ila durkine, waxaan kusoo duubay
  • Kamaba diirin doodihii horiyo, diririgtaadiiye
  • Siyaad baa la dilayaa ayaad, dab u shidaysaaye
  • Dadku kuma maqline aniga, yaad iidan leedahaye
  • Daayin naguma keeno e haddii, xal dirir lagu duugo
  • Dadka intee ka noolaan lahaa, dunida maaxaaya?
  • Miyuu dumarku kuu dhali lahaa, Daahir iyo Faarax?
  • Duunyada miyaa rimi lahayd, duurka lagu foofsho?
  • Ma dayuurad baa kici lahayd, dibada loo raaco?
  • Dakadaha miyey iman lahayd, dooni qalabaysan?
  • Dhirtu doog miyey bixin lahayd, adhigu kuu daaqo?
  • Miyaa roobku kuu di'i lahaa, dunida maansheeya?
  • Allaaba waa darmaan iyo ratiga, dooh la leeyahaye
  • Ninkeebaa dameer raran lahaa, dumarka loo dhaansho?
  •  
  • Ninkii dunidda faanaba midbaa, darajo sii dheere 
  • Dayax haddii aad ismooday cadceed, baa dushaada ahe 
  • Digniinta aan ku siinaayo waa, kama dambaystiiye
  • Nin dayeysan baan kuu arkaaye, doori hadalkaaga
  • Dibna ha ugu noqon eray xun, waa laga dambeeyaaye
  •  
  • Gadabiirsay waad wada dagtaan, waadna daristaane
  • Dow kama imaan Ruushan iyo, duul shisheeya ahe
  • Doc bay kaa ilaashaan intaad, dibida iib gayne
  • Dagaal yahanka Ciisiyo Hawiye, waa rag dowlad ahe
  • Waa niman midnimo doonayiyo, dan iyo maamuuse
  • Waa niman cadaawaha ku daya, dab iyo baruude
  •  
  • Iyagu ha isdileen ama, ha is darajadeeyene
  • Daarood Ismaaciil ma noqon, dariska Iidoor e
  • Wiilyahow ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
  • Daayayee tu kale oo ka daran, bal aan idiin duubo
  •  
  • Qaxootiga haddii aad diidan tahay, dibadahaa jooga
  • Isha nimanka dabayoo dhan, waa dagaladiiniiye
  • Dadkii Wajaaliyo ka yimid, dacaladiisiiye
  • Dameerihii iyo lo'dii baa kabaxay, waagii Daba-Dheere
  • Daarood haday beerayaan, adigu daawayso
  • Daayayee tu kale oo ka daran, bal aan idiin duubo
  •  
  • Idinkaa dabaasha oon af-xumo, daynin waligiine
  • Dibnahayga uma quudhi karo, cay dadweynaha e
  • Dul badnaanta waa lagu og yahay, nimanka Darood e
  • Duud iyo cag dheeroow intaad, igu duqaynayso
  • Haddaan Daba-Cayuun odhan lahaa, anigu kaa daayey
  •  
  • Absame duunyo iyo kaama rabo, dad iyo xoogayne
  • Daaduuna kuuguma iman, daayinkaa abade
  • In kastoos dalkiisii ka yimid, oo daris ku soo mooday
  • Adaa dana ku qaba ways naqaan, labada daanoode
  • deg deg buu ahaa meeshiisiyo, nala dagtiisiiye??
  • Waxaa dayinkiisba u khalqaday, dirirta gaalaade
  • Dunbukhay u jecel yihiin, wixii deeq la soo rogaye
  •  
  • Mid haddii aan ku sii darana, waa sidigta doogaad e
  • Inay daafacaan labada dhinac, diidi ma hayaane
  •  
  • Daaruhu waxay nala yihiin, duudahoo kale e
  • Dano sheegadkaagii haddaan, dacal kasii taabto
  • Dalka waxa kasoo baxa irsaaq, dalag leh weeyaane
  • Dibigiyu wankiyo goolku waa, sida dareentaase
  • Anigaaba duunyo iyo maal, kaa dammaan badane
  • Dabkaad sheegi iyo lacahagaad, deeqda igu siisay
  • Ma Qadaafi tuu soo diraan, kugula daawaysan?
  • Daayayee tu kaloo ka daran bal aan idiin duubo
  •  
  • Darjir iyo dadkaad cayday baan, dow yar kaa odhan e
  • Dagaalyahanku Gubadleey kolkuu, dunida ku heshiiyay
  • Iyagoo dabkoodii sitiyo, boobe dananaaya
  • Dagtana saaray kaaraha wixii, lagu duqaynaayey
  • Duleedkii Godey labada mayl, waayagii dagaye
  • Durba Xabashigii waxaa u tagay, qaar uu soo diraye
  • Gaadiidka waa kii dalbaday, doorna soo kiciye
  • Damuunka iyo siigadii arkiyo, digigiftiisiiye
  • Iyaguna dhufays xero ka gale, jeexde dabadeede
  • Dukumdaakum waa kuwii ka dhigay, gaalo dabaq leeye
  • Dabkii laga furtaa geeljirkiyo, dumarkii qaateene
  • Daribtooda haadkiyo ka dharag, habar dugaagiiye
  • Adiguna dubkaad uga naxday, iyo diirka oogada e
  • Duray waa u lahaydeen inaad, dacalka saartaane
  •  
  • Boqolkii degmo ees joogi jiray, looga dacareeye
  • Kolkii goboladdii lagu dirqiyey, qoday damuun dheere
  • Ilaahay ha daayee Siyaad, baa war loo diraye
  • Isna ciidankii buu dalbaday, duhur dharaareed e
  • Danbaaburadiyo qiiqii ka kacay, yaabtay dunidiiye
  •  
  • Dalkii waan xoraynaye ragbaa, loogu dow galaye
  • Daba-dhilif sidaadaa Caloow, waa dareemada e
  •  
  • Waxba hadalku yuu ila durkine, waxaan kusoo duubay
  • Saamaha dulkaa kaga gur yaan, dood yar kaa odhane
  •  
  • Deegtii dhawayd ee Jigjiga, duulkii laga saaray
  • Sidii deyr dhal soo oomay, yaad deyrka jabiseene
  • Isagoo dagaalkii socdaad, dalaq tidhaahdaane
  • Dukaamiyo makhaayado dhigtiyo, dumaradiiniiye
  • Dalka lagaama xigo ee naftaad, dib u dhigaysaaye
  • Waxaad dooni waligaa rag uun, kuu dagaalamo e
  • Ood waliba dood iyo af-xumo, ugu daraysaane
  • In kastoo doorarkaygii lumeen, daanana i gaadhay
  • Gugii da'aba qaarbaa kaca oo, dooyi gali laaye?
  • Dirqina way ku dhali qaalintii, dacasha dheerayde
  • Dawladan madoow inaan Hawaas, duhur ka taagayno
  • Dibna looga laabmayn ilaa ay, deeqa noo curato
  • Mid dicaayad soo fidiya iyo, doolar mid isiiya
  • Ninkan Xayle soo daba socdoow, dan iyo aashaada

              

Banfis I

Banfis II

Yuusuf Colaad II

MakayteI

Makayte II

Makayte III

Fakad I

Fakad II

Fakad III

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.