Home

Yuusuf Colaad

                                                              Sagooti

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry  

Gabaygii 2aad ee Yuusuf Colaad

  • In dhawayba deelayda gabay, kuma dadaalayne
  • Wakhtigaa igu daadihinayee, doon is ma lahayne
  • Marse haddaan dawaarka u qabsado, daalay ma aqaane
  • Aan daleeyo waa taad murtida, igu dareenteene
  •  
  • Duulkaad kicisay Caliyoow, muxuu dano ku gaadhsiiyey?
  • Dabkaad ololiseen soo ma gubin, dagalka reerkiina?
  • Duunyo iyo waxaad maal lahayd, sow ma kala daadan?
  • Iskuuladii dareereed Jigjiga, daabulka u gaysay
  • Daroogiyo khamradii aad barteen, sow ma dabar goynin?
  • Dalka madaxdii kuu joogtay ee, dibada kuu saartay
  • Ee aan damiirkaba lahayn, soow wax duwan ma aha?
  •  
  • Taa wax lays kuma daree, deel maka higaadshay
  • Ma dareeyey maansada intaan, diiradda u eegay
  • Degdeg hadalku iigama baxee, daalac ma u yeelay
  • Ninkii doonayaba ka maqlee, dibadda ha u dhoofo
  • Ha dalxiiso waa taan wax badan, daaya ku lahaaye
  •  
  • Dood kalana waa reerka yidhi, dunidda aafeeya
  • Iidoor wuxuu damacsanaa, diirka ka cadeeye
  • Kii dibada joogiyo midkii, duunyo dhaqanaayey
  • Dukaamiyo dilaal iyo xamaal, dumar wuxuu haystay
  • Dawar wuxuu kusoo helay, intuu dunida meeraayey
  • Isticmaarku wuxuu soo dariyey, dab iyo gaadiidba
  • Dad iyo duunyo wuxuu maal lahaa, doolar iyo xoolo
  • Waxay docanayeen tobonka sanno, soo diyaarsade e
  • Wuxuu dilay kun daaduuban, iyo kuman daroogaysan
  • Iyo kuman intay dabar go'een, duraydu yeedhayso
  • Iyo kuman amxaarku u dawaro, daafidii Adari
  • Iyo kuman xabsiga loo diroon, ciddi danaynaynin
  • Iyo laba kun oo duurka galay, ooy raadco daba joogto
  • Intaasuu dadkaagii noqdiyo, doxorkii Iidoor e
  • Haday dibintii huurada lahayd, deeray ku hayaane
  •  
  • Lafaha daadsan, daaraha burburay, dumarka ooyaaya
  • hablihii darafta laalaadin jiray, diilalyada haysa
  • Waa kuwaa siddii adhi dibjiray, dooxa yuurura e
  • Darxumiyo rafaadkay qabaan, dacaska loowaayey
  • Adigaa qaxooti u diraye duxi, ma kaa raacday?
  •  
  • Waa taan wax badan kuu digay, eed diidday waanada e
  • Waa taa dubihii kaaga dhacay, duudka feedhaha e
  • Duufkiyo ilamada kaaga taal, daamankiyo laabta
  • Dacalada ka leef waa waxaan, daaya ku lahaaye
  •  
  • Dagmo kibirtay abidkeedba waa, inay duloowdaaye
  • Reer Caad dabkii lagu rogaad, idina doonteene
  • Deeqlihii ku uuntaad afxumo, ugu dadaasheene
  • Inaan Sayidku kugu soo degdegin, waxaw daliilkiiye
  • Intuu kuu dulqaataad ogayd, daalin baad tahaye
  •  
  • Dulqafaar kuwii lala dhacay yaad, duray wadaagtaane
  • Diintii Rasuulkiyo sharciga, waad ka durugteene
  • Wax badan baad dad iga iibisay, duunyo iyo maale e
  • Afrikada raggii laga diree, dibada loo qaaday
  • Idinkaa dilaal yahoow ka gaday, duulkii Reer Yurub e
  • Danbi kama xishootaane waad, dalaq tidhaahdaane
  •  
  • Wax dhaaxaa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
  • Dakadaha wax badan baa ascaar, kaaga soo dagaye
  • Dadka deyrka yaalana adaa, ugu dan roonaaye
  • Deeqii la xaasido Alluhu, waaba dumiyaaye
  • Maamaahda duuga ah haddaan, dacal kasoo qaado
  • Qalbigaa dabool laga gashaa, duul hadduu lumiye
  •  
  • Shinbir duulis badanoow haddaad, dagi aqoon wayday
  • Mar unbaad libaax labadii daan, dalaq tidhaahdaaye
  • Duul kuwaa ka dhigan waaw eg yahay, Daba Cayuunkiiye
  •  
  • Soomaali oo rag iyo dumar, gees isugu duuban
  • Dawlad qaran ah reer baan ku dumin, taa caqligu diidye
  • Damaacigii is gaysaba miyaa, diifka ku cunsiiyey???
  •  
  • Haddii aad duqoow leedihiin, dowga garanaysa
  • Dugsiguu fadhiyey waalidkiin, kuma duqayseene
  • Haddii aadan dad kale eersanayn, dan iyo yeelkaaga
  •  
  • Nimanyahoow af laba daan leh, baan muranka daynayne
  • Hadba dunida duulbaa iblays, dacal ka taabtaaye
  • Wax badan baa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
  • Wax dhaaxay dirgado kuu dhiseen, dawladii sare e
  • Intuu odaygu daayaba hayey, yaad Dalal is moodeene
  • Dagaalkii sokeeyeed jeclayd, daadku ku xambaarye
  •  
  • Dunjigeedba Soomali oo, ul iyo diirkeed ah
  • Dadkoo nabad ah waataad xumaan, ugu dadaasheene
  • Samaroon dacaayad iyo cay, waw dudubiseene
  • Daaxuur baa dagtood dinbadnihii, daalku kuu dagaye???? 
  • Degmo kama jeclide kusii, dalagi beertiiye???
  • Waa kuwaa dibtaba kaa jariyo, saynta dabadiiye
  • Sida doogsin roob kaaga dharag, dumarkii Reer Nuure e
  • Ma inaad ergo usoo dirtay, dani ku yeelsiisay?
  •  
  • Danqashada Hawiye haatanay, dibinta ruugaane
  • Xarar Dheere duulkii fadhiyey, maqal dareenkiiye
  • Iyaguna dakanadooda way, daba galaayaane
  •  
  • Dadka kale sidii la arki jiray, yaad u dagaasheene
  • Ninka seedigii dilay haddana, daabcadda u qaday
  • Ee qoodhihii dadab u jaree, dacal ku soo qaaday
  • Ee walaashii soo dul dhigay, oo ilmada duugi
  • Ee yidhi dantaadii bal qabo, dooxay inankiiye
  • Waa waxaan dalkeenaba ka dhicin, doorkan ka horoow e
  • Ka dumaali ama guursanow, dan iyo yeelkaaga
  •  
  • Daarood waqii kuuma shirin, kuma doonayne
  • Wax dafiic ah buu kuu arkiyo, tuulo dabayaale
  • Mid haddaad is dagaashaan ka kale, kuma dareemayne
  • Maantana dalkuu kugu arkaba, wuu ku dilayaaye
  • Danbigaana adigaa leh ee, dan iyo yeelkaaga
  •  
  • Dadkoo nabad ah waa taad, dafaha duni ka qaadeene
  • Dacawada godkeedii raggaad, dubuq ku siinaysay
  • Eegay ku daydayahayaan, ooy ku dabayaane
  • Dabac kama sugaysid iyo inuu, diirku kuu naxo e
  • Danbigaaga adigaa iska lahee, dan iyo yeelkaaga
  •  
  • Aftartaa wax layskuma daree, deel ma ka higaadshay
  • Ma daleeyay maansada intaan, diiradda u eegay
  • Degdeg hadalku iigama baxee, daabac ma u yeelay
  • Ninkii doonayaaba ha maqlee, dibada ha u dhoofo
  • Ha dalxiiso waataan wax badan, daaya ku lahaaye
  • Dood kalana waa ciidamada, daafaca u jooga
  •  
  • Cabdi Casiis dagaalkii Togdheer, daalinkii jabiye
  • Intaan laba tuke is dayin yey, dabada taageene
  • Waataa Jigjiga loo dawaro, duruqlahoodiiye
  • Darbaddii labaad baad ku timid, damashii weyneyde
  • Daakhilkii Hargaysaad tagteed, daaqadahaad furatay
  • Haddaad mooday mid dowrtay, aan ciddi danaynanin
  • Ragbaa calanka inay daafacaan, loo diyaar saday e
  • Dalka haddii nin khaa'imo ku kaloo, daacadaa jira e
  • Qaar duca qabaa nooga yimid, dowladii sarre e
  • Dayax aan dhacayn baan Allana, uga duraantaaye
  •  
  • Kolkii Jananku siddii aar wax dilay, kugu dinaahyeeyey
  • Ilaahay hadaayee kalkuu, amarka deqsiiyey
  • Ee kaarayaashii la daday, daaha laga qaaday
  • Dagaal galiyihii Jees kolkuu, garabka duubaayey
  • Diigaanyo ciidan ah kolkuu, idinku sii daayey
  • Daloonada iyo sheedaha kolkaad, dadab u rooraysay
  • Ee koore saanyani dul baxay, waan ku diirsadaye
  • Ma inaad qoryaha daadiseey, dani ku yeelsiiasay?
  •  
  • Danbaab lama hadlee Maxamed Sheekh, daafac magaciiye
  • Darajuu bilayskii ku helay, shalay dagaalkiiye
  • Saldhigay u dalandoolayeen, dacarta leefsiiyey???
  • Dakhariyo Daraawiishtii way, wada dadaaleene
  • Doqon ma waaye iyo kaalmihiyo, dacaladii baanka
  • Meelahay rabeen inay degaan, daadshe meyd badane
  • Duli lama amaanee Cabdoow, ciidankii dirirye
  •  
  • Iidoor beenta ha daldalo, dibadihiisaase
  • Dayax gacmeedyadii baa sawiray, diray Maraykaane
  • Damaashaadka waa kii shacbigu, daaraha u koraye
  • Haddii aad dagaal la hortimaad, amase duulaanba
  • Dalka inaad ka tagi waad ogayd, Dabacayuunoow e
  • Nin waliba wixii dili lahaa, yuu dib uga yaabaaye
  • Ayaxaad dareenteen miyaa, digada kaa yeelay
  •  
  • Diintiyo shareecada haddaan, dib ugu soo laabto
  • Abidkiinba gaal dooralaaad, daba ordayseene
  • Dad horraa ku sheegiyo Sayidkii, daacada ahaaye
  • Haddaad Maxamed diideen, anaan kugu dukhuulayne
  • Maantana masiirahaygii dafire, daalimiintaniye???
  •  
  • Dulucdeeda maansada haddaan, dib ugu soo laabto
  • Waan kula dardaarmiye Caloow, maqal dabuubtayda
  • Oo daacad baan kuu ahaye, duuba hadalkayga
  •  
  • Dhaaxaad dagaan iyo kufriga, daris ahaydeene
  • Dabcigaaga nimankii yiqiin, amase dookhaaga
  • Dilaal iyo khamriba waad ka heli, duulkii Reer Yurub e
  • Dusuuda u xashaa iyo si kale, kuugu dabacyaaba
  • Ingiriiska kuu doodayaa, meel uun kuu dirane
  • Dibadaha u dhoof howshii kale, laysu dacareeye
  • Dumarkiyo caruurtana ka taga, waanu daadihine
  • Haddaad diido ama yeesho, waa dan iyo yeelkaaga
  • Dibse haddaad usoo noqoto, waa dabar go'iinii dheh

Banfis I

Banfis II

Yuusuf Colaad I

MakayteI

Makayte II

Makayte III

Fakad I

Fakad II

Fakad III

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.